HomeMac-hadka Faafinta Islaamka oo 150 Dhalinyarada Xaafadaha Boorama u Qabtay Kulan-diimeed Wacyi-gelin...

Mac-hadka Faafinta Islaamka oo 150 Dhalinyarada Xaafadaha Boorama u Qabtay Kulan-diimeed Wacyi-gelin ah

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Boorama (SLpost)- Mac-hadka Faafinta Islaamka ee ka hawl-gala Somaliland, ayaa kulan-diimeed wacyi-gelin ah u qabtay qaybo ka mid ah Dhalinyarada Xaafadaha magaalada Boorama ee Xarunta Gobolka Awdal.

Kulan-diimeedka oo ku qabtoomay Hotel MAANA ee Magaalada Boorama, waxaa ka qayb galay Madaxda Mac-hadka Faafinta Islaamka, Culimo-awdiin, Waxgarad iyo dhalinyaro tiradoodu ka badan tahay 150, kuwaas oo ka kala socday xaafadaha magaalada Boorama, waxaana halkaas looga jeediiyey muxaadarooyin laga wacyi-geliyay Dhaqamada aan ku wanaagsanayn Diinta Islaamka sida tahriibka, waalid-caasinimada iyo ficillada ku yimaadda faham-la’aanta dhinaca Diinta.

DSCN4868Sheekh Cumar Cabdilaahi oo ka mid ah culimada Guddiga Wanaag-farista iyo Xumaan-reebista ee Gobolka Awdal oo ugu horeyn kulankaas ka hadlay, ayaa dhalinyarada ku wacyi-geliyey sidii ay uga faa’idaysan lahaa fursadaha ay haystaan, waxaanu yidhi, “Dhalinyarooy waxaad haysataan Fursad aad u wanaagsan hadday tahay xaga aqoonta, wakhtiga iyo fursadaha shaqo ee aad samayn kartaan, waayo maaha shaqadu inaad xafiis fadhiisato ee waxaad samayn kartaan xirfado yar-yar oo ay ka mid yihiin inaad samaysaan oo dhaqi kartaan Digaag, waayo immika waxaad og tihiin in beedkii aad qaali u noqday. Haddaad sidaa u fekertaan, taasi waxay idin fududaanaysaa markaad xadhigga Illahay qabsataan oo aad noqotaan kuwo aan ku fikirin arimaha diinteena ku xun ee tahriibka, waalid caasiga iyo wixii aan diinteena ku fiicnayn.”

DSCN4890Sheekh Maxamed Faarax Raage oo ka mid ah Culimada magaalada Boorama oo kulanka k ahadlay, ayaa faahfaahin ka bixiyey dedaallo ay kobcinta barashada Diinta Islaamka kor ugu qaadayaan Jimciyad lagu magacaabo Alhudda oo ay ku midoobeen madarasado tiro badan oo ku yaala Caasimadda Gobolka Awdal.

Sidoo kale, culimada kulankaas ka hadlay ka mid ahaa Sheekh Mawliid Maxamed Cabdi oo si qoto-dheer uga hadlay muhiimadda ay dhalinyarada u leedahay barashada Diinta iyo culuunta la xidhiidha.

DSCN4881Sheekh Cali Aadan Nuur oo hadallada laga jeediyey kulanka kaddib muxaadaro qiimo leh u jeediyey dhalinyarada, ayaa sharraxaad ka bixiyey Qiimaha ay qofka dhalinyarada ah u leedahay Barashada Diinta Islaamka iyo sida uu bulshadiisa ugu faa’idayn karo inay noloshiisu ku tiirsanaato ku-dhaqanka waajibaadka Eebbe ku faray Kitaabka Qur’aanka Kariimka ah. Waxa uu Sheekhu sheegay in Diinta Islaamku tahay diin naxariis badan, loogana baahan yahay umadda muslinka ah inay barashadeeda xooga saaraan. Waxa uu Sheekhu dhalinyarada ugu baaqay inay fursadda dahabiga ah ee haystaan uga faa’idaystaan barashada Diinta Islaamka, isla markaasna ay u gudbiyaan bulshada ay la nool yihiin.

Mac-hadka Faafinta Islaamka ayaa ka shaqeeya arrimaha Diiniga ah, waxaanu kulan-diimeed dhalinyarada lagaga wacyi-gelinayo dhaqamada aan ku haboobayn ee lidka ku ahli Diinta Islaamka ku qabtaa dhammaan gobollada dalka.

DSCN4886 DSCN4883 DSCN4880 DSCN4871 DSCN4872 DSCN4876

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories