HomeMaayarrada Shiray Maxaa Looga Fadhiyaa? By: Cumar Maxamed Faarax

Maayarrada Shiray Maxaa Looga Fadhiyaa? By: Cumar Maxamed Faarax

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

cumar faaraxSabtidii Todobaadkan ayaa waxa magaallo madaxda gobolka Sanaag ee Ceerigaabo lagu qabtay shir ay iskugu yimaadeen  Maayarrada Toban Magaallo oo ka mid ah caasimadaha waaweyn ee gobolada dalka. Waxay ka arrinsanayeen sidii boodhka looga jafi lahaa kor u qaadista urur isku xidhaya Dawladaha Hoose ee dalka oo hore u jiray in la kaalin geliyo.

Shirkan waxa kale oo qasdigiisu ahaa in la dejiyo qorshe hawleed fursad siin kara iskaashi dhex mara  Dawladaha Hoose ee dalka si ay waayo-arragnimadda iyo horumarka iskaga bartaan,iskagana daydaan. Qodobadaas oo dhammi waa qaar togan oo waxtar leh shacbiguna soo dhaweeyay.

Ugu yaraan waxa faa’iido ah oo magacna ah in la maqlo Maayarrada 10 magaalo oo dalka ah ayaa  shiraya ama isbaranaya oo macluumaad iyo waayo aragnimo wadaagaya. Waxa xusid mudan in la bogaadiyo Maayarka Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur Faarax oo  muddo toban sanadood ah xilka maayarnimo hayay isla markaana ah Maayarka kaliya ee ka soo hadhay Goleyaashii deegaanka  eeugu horeeyay ee mar kale qadarka EEBE iyo cugashada dadweynihiisa ku sii xejistay xilka maayarnimo.

Shirkani waa mid dadweynaha tobankaas magaalo ee Maayarradoodu kulmeen   ka quudarraynayaan inay ka soo baxdo  qorshe wax ka bedela dhaliilaha guud ee loo jeedinayo Goleyaasha deegaanka dalka ee durba sanad jirsaday. Waxa degmooyinku  magaalooyinku ka siman yihiin inaan wax horumar ah oo la sheegi karo aanay ka muuqan Magaalooyinka dalka, 12-kii bilood ee u dambeeyayna ay  Goleyaasha deegaanka iyo gudoonadoodu baranayeen shaqada xafiisyada ay qabteen iyo sida loogu adeego shacbiga codka ku soo doortay ee  weynaysada ku eegaya natiijada midhihii  ka soo baxay doorashadii labaad ee goleyaasha deegaanka ee wadanka ka qabsoontay 28-kii November 2012-kii.

Shirka maayarrada waxa laga filayaa in laga arko  qorshe ay kula tacaalaan khashinka tuulan magaalooyinka waaweyn ee caasimaddu hormuudka u tahay. Waxa shirkan laga naawilayaa Goleyaasha deegaanku noqdaan qaar xeeriya danta guud, isla markaana samaysta xeer hoosaadyo ay iskula xisaabtamaan oo dabar u kala noqda iyaga , shacbigana xakame uga noqda.

Waxaan filayaa in ay wali haystaan fursado ay tallaabooyin ku qaadi karaan,  horumarna ku beegsan karaan, fursado ay magaalooyinkooda bilicdooda wax kaga qaban karaan, iyagoo dabaqaya qorshihii Wasiirka Daakhiliga ee ay hawl-wadaagta yihiin u soo jeediyay oo dadweynuhuna waafaqeen inay lama huraan tahay in la meel-mariyaan.

Guddoomiyaha Ururka Dawladaha hoose waxa loo doortay Maayarka caasimadda  Hargeysa C/Raxaan Maxamed Caydiid,  halka Guddoomiye ku xigeenkana  loo doortay  Saleebaan Xasan Xaddi oo ah Maayarka Magaalada Boorame, iyadoo Xoghayaha ururka-na loo doortay Maayar-ka magaalada Laascaanood  C/qaadir jaamac Saalax.

Maayarrada Hargeysa iyo Boorame ee iskaga hooseeya gudoonka Ururka Dawladaha Hoose ayaa ah laba nin oo dhalinyaro ah oo aan ku bogaadinayo siday ku soo gaadhaan martabadda sare ee ay joogaan, hase yeeshee waxa looga baahan yahay in masuuliyadda guud ee ay ururkan u qaadeen ay wadada u xaadho inay noqdaan laba Maayar oo waxqabad lagaga daydo, iyadoo sanadkii la soo dhaafay aanay labadaas magaalaba wax mashaariic ah oo waaweyni ka hirgelin, dadweynuhuna aanay dareemin xarakaadkooda, waxa looga fadhiyaa inaanay noqon sheeko xariiradii ahayd “Islaantii xaabada la kici kari wayday ee markii lagu yidhi badh ma kaa qaadnaana tidhi, Mayee inta aad sidataan iigu soo dara”

Labada Maayarba waxa la gudboon inaanay ka  meeqaam hoosayn labadii Maayar ee waayo-aragnimada saaxiibka u ahaa ee Goleyaashii deegaanka ee hore Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir iyo C/Raxmaan Shidde Bile ee ay bedaleen.

Labadaas Maayar ee hore waxa lagu majeertay oo wali dadweynuhu isweydiinayaan horusocodkii ay ka sameeyeen horumarinta Jidadka. Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir waxa uu waddooyin laami ah ka abuuray xaafado badan oo ku yaala shanta degmo ee caasimadda Hargeysa, halka C/Raxmaan Shide Bile uu isna ku suntan yahay maayarkii u horeeyay ee jid laami ah ka hirgeliya Magaaladda Boorame ee xarunta gobolka Awdal.

Waxaan ku soo khatimayaa in guud ahaan Goleyaasha deegaanka dalku noqdaan qaar magaalooyinkooda ka hirgeliya horumar balaadhan, si daacadnimo ku jirtana ugu adeega bulshadooda intii suurto-gal ah ee awoodoodu gaadh siisan tahay mudada ay xilka hayaan, isla markaana ay noqdaan masuuliyiin hal-abuur ah oo wax cusub ikhtiraaci kara.

Cumar Maxamed Faarax

cumarmfaarax@hotmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories