HomeMaayarka Magaaladiisa hore uga Mamnuucay Siyaasiyiinta MADASHA WADA-TASHIGA oo Mar kale ka...

Maayarka Magaaladiisa hore uga Mamnuucay Siyaasiyiinta MADASHA WADA-TASHIGA oo Mar kale ka hadlay Aragtida uu ka Aaminsan yahay Dhismahooda Sharci

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Boorama (SLpost)- Maayarka Boorama Saleebaan Xasan Xadi ayaa ku dooday in saxaafaddu ka leexisay hadal todobaadkii hore ka soo yeedhay, kaasi oo uu ku sheegay inuu magaalada Boorame ka mamnuucay siyaasiyiinta Madasha Wada-tashiga iyo Toosinta Qaranka.

Maayarka Boorama oo fasiraadda hadalkiisaas hore ay u muuqatay cadaadis iyo culays kaga timi bulshada, waxa uu weedhihiisa u raacay qaab uu siyaasad ahaan ka soo dheegtay fal-celin xukuumaddu u martay cambaareynta Madasha Wada-tashiga.

Weedhaha Maayarka Boorama ku buriyey hadalkiisii hore, waxa ka mid ahaa, “Golohu ma aha rag meel kale ka yimid, waa dad reer Somaliland ah oo xushmad qiimayn iyo qadarin ku leh bulshada dhexdeeda, waxana aad moodaa in habka ay u mareen wax toosinta lagu kala duwan yahay, waase la isku raacsan yahay in wax la toosiyo,”ayuu yidhi Maayarka Boorame oo ka hadlay fal-celiska ka dhashay dabuubtiisii hore,” ayuu yidhi, waxaanu intaas ku daray, “Su’aashuna waxay tahay goluhu waa sidee, ma golle sharcigu ogol yahay baa, ma gole is xilqaamay baa iyo arrimo kale, taasi ayaa lagu kala aragti duwan yahay. Dalka way jiraan golayaal sharci ah oo kala duwan, golahana meesha ay wax ka qaldan yihiin ee u baahan in lagu noqdo waa halka MAGACA ay huwan yihiin,” ayuu yidhi Maayarku.

Maayarka Boorama waxa uu dhaliisha hadalkiisaas hore dusha ka saaray warbaahinta madaxa-bannaan oo ku eedeeyey inay fasiraad khalad ah ka bixiyeen weedhihiisa, waxaanu yidhi,  “Hadalka aan hore u idhi waxa aad moodaa inay qaloocisay saxaafaddu oo ay sida ay rabaan u leexiyeen, aniguna xaq baan u leeyahay inaan idhaa wax dhibaato ku keeni kara degmada aan maamulo ma ogoli, waxa aan u malaynayaa taasi xaq baan u ku taagnaa, laakiin cid walba oo wax toosin wada arinteedu waa gaar, maamulka laftiisa ayaana loo samaystay inuu wax toosiyo, hadalkana ma aha in dhinaca la doonayo leexiyo ee waa haba khaldanaadee sida uu yahay loo sheego.”

Waxa uu maayarku isbarbardhigay aragtida uu ka aaminsan yahay Madasha Wada-tashiga iyo Hadalkii uu hore ugu sheegay inaanay siyaasiyiinta Madashu iman Karin magaalada uu madaxda ka yahay, waxaanu yidhi, “Sidaasi awgeed, inkasta oo hadalkii hore ee aan idhi la leexiyay fikirka aan ka qabaa waxa uu yahay In wax la toosiyo waa la isku raacsan yahay balse sifaha iyo habka loo toosinayo ayaa lagu kala duwan yahay , marka wax la toosinayana in maamulka iyo nidaamka jira loo sheego oo sifo sax ah loo maraa waa sax, balse hadii cida wax toosinaysaa jidka ay u martay iyo magaca ay qaadatay uu yahay wax sharciga ka leexsan waa hubaal inay dareeno badan dhalinayso runtii.”

Maayarka Boorama oo todobaadkii hore shir-jaraa’id ku qabtay magaalada Boorama, ayaa mar su’aal laga weydiiyey aragtidiisa la xidhiidha siyaasiyiinta Madasha Wada-tashiga ah oo socdaal ku tagayey Magaalada Boorama, ayaa kaga dhawaajiyey hadal u dhignaa, “Gebi ahaanba, Ma Iman karaan Boorama”.

Madasha Wada-tashiga iyo Toosinka Qaranka oo ay ku bahoobeen Shakhsiyaad magac-weyn ku leh bulsho-weynta Somaliland, ayaa waxa xubnaha ku jira ka mid ah Mujaahid Cabdiraxmaan aw-Cali Faarax oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Gobolka Awdal, gaar ahaan magaalo-madaxdiisa Boorama.

SOMALILANDPOST.NET

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories