HomeMaayarka Hargeysa oo soo saaray Wareegto uu ku dhaqan-geliyey Dhul Cusub oo...

Maayarka Hargeysa oo soo saaray Wareegto uu ku dhaqan-geliyey Dhul Cusub oo loogu talo-galay Wershadaha, Xeryo Ciidan iyo Xabaalo

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

HARGEYSA (SLpost)- Maayarka Caasimadda Somaliland ee Hargeysa Md Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid, ayaa wareegto uu saaray waxa uu dhul cusub ugu asteeyay Xabaalo, Dhul Wershadaha loogu tala-galay iyo Xeryo ay Ciidamada Qaranku ka degaan Caasimadda Hargeysa hareeraheeda.

Wareegtada Maayarka Hargeysa oo ku taariikheysan 2-dii bishan, waxa uu ku sheegay in caasimadda Hargeysa u baahan tahay dhul laga hirgeliyo xabaalo cusub maadaama oo sida uu sheegay ay buuxsadeem Xabaalaha Xeedho iyo Naasa-hablood ee Hargeysa.

Maayar-SoltelcoWareegtada Maayaradka Caasimadda oo dhammaystiran, ayaa u dhignayd sidan:- “Duqa Caasimadda Hargeysa, ahna guddoomiyaha Golaha Deegaanka Caasimadda Hargeysa, isaga oo ka duulaya baahida loo qabo xabaalo loo sameeyo Caasimadda Hargeysa, iyada oo ay buuxsameen Xabaalihii Xeedho iyo Naaso-hablood iyo dhul loo asteeyo Industrial Zone ama dhul warshadeed.

Duqa Caasimadda Hargeysa:

Markuu arkay:   Sharciga Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Maamulka Gobolada & Degmooyinka JSL ee Xeer No: 23/2002, Qodobkiisa 40aad

Markuu Arkay: Sharciga Maamulka Dhulka Magaalooyinka JSL ee Xeer No: 17/2001, Qodobkiisa 1aad, Xubintiisa 1aad oo lala akhriyayo Dastuurka Dalka JSL Qodobkiisa 12aad Iyo Qodobkiisa 2aad Xubintiisa 1aad iyo 2aad ee Xeer No: 17/2001maxaad ka war

Markuu Arkay:  In ay lagama maarmaan tahay in la helo Xabaalo ay leedahay Caasimadda Hargeysa maadaama ay buuxsameen Xabaalaha Xeedho & Xabaalihii Naaso-Hablood

Markuu Xaqiiqsaday:     In loo baahan yahay dhul laga sameeyo Xabaalahaasi iyo Dhul ah Industrial Zone ama dhul Wershadeed oo looga baahan yahay Caasimadda Hargeysa

Markuu Tixgeliyay:         Tallada Masuuliyiinta ay khusayso

Wuxuu Go’aansaday

Duqa Caasimadda Hargeysa, ahna Guddoomiyaha Golaha Deeganku markuu la tashadey Cuqaasha, Salaadiinta, Culimada, Wax-garadka iyo Aqoonyahanka waxa uu go’aansaday:

  1. a) Duqa Caasimadda Hargeysa isagoo ka duulaya asbaabaha sare ku xusan waxa uu u aqoonsaday dhulkii dabridka Ciidanka ee Caasimadda Hargeysa sidan hoos ku cad:

1) 2 Kms X 1KM ee Waqooyiga dhulkii Dabridka Ciidanka Caasimadda Hargeysa waxaan u aqoonsaday Xabaalo, maadaama ay buuxsameen Xabaalihii Xeedho & Naaso hablood

2) 2kms X 1kms ee Koonfurta dhulkii dabridka ciidanka waxaan u aqoonsaday Industrial Zone ama dhul Wershadeed oo ay kiraynayso Dawladda Hoose ee Hargeysa.

  1. b) Sidaasi darteed, Maadaama aynu ognahay in difaaca ciidanka qaranka caasimadda Hargeysa inuu u baahan yahay dhul baaxad leh, waxaan u asteeyay labadan goobood ee kala ah sidan:

1) Buurta Naaso hablood oo dhinac walba ay ka xigto (2kms)

2) Buurta Naas Abaarso oo dhinac walba u ah (2kms)

Ugu dambayn Masuuliyiinta Ciidanka Qaranku waa inay ka sameeyaan Xeryo Ciidan, ilaaliyaana labadaasi goobood in aan la dhalan rogin Aasaarta Qadiimiga ah ee ku taal Caasimadda Hargeysa.” Sidaas ayuu maayarku ku yidhi Wareegtada.

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories