HomeMaayarka Hargeysa Oo soo Saaray Amarro Bilicda Caasimadda Lagu Hagaajinnayo

Maayarka Hargeysa Oo soo Saaray Amarro Bilicda Caasimadda Lagu Hagaajinnayo

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

 

Hargeysa(SLpost) – Maayarka Magaalada Hargeysa Cabdiraxmaan Soltelco, ayaa soo saaray amarro ku saabsan qorsheyaal caasimada bilicdeeda lagu hagaajinayo oo gabogabo maraya. Waxa uu sheegay in dhawaan magaalada laga dhex saari doono Macdaarada baabuurta lagu iibiyo, xeryaha Jaadka lagu Iibiyo iyo Kaalmaha Shidaalka.

 

Ugu horayn Maayarku waxa uu shacbiga ugu baaqay ilaalinta Ishaarooyin muddo dheer kadib dawladda hoose hirgalisay “waxaa maalmahanba tijaabo ku jira oo sidaad la socoteen aanu dhaqan gelinay ishaarooyinkii, kuwaas oo Khamiistii bilaabmay kuna eeg arbacada dembe. Wixii ka dembeeyana  qofka ishaaro jiidha si toos ah ayaa loo ganaaxi doonaa oo ay ciidammada taraafigu ka hawl geli doonaan. Ishaarooyinkaas waxaanu ku bilownay lix isgoys, waxaana toddobadaas cisho aanu eegaynaa wixii farsamo ahaan la arko sida ay waddooyinku u kala muhiimsan yihiin, qofkastaana ra’yigiisa ayuu kasoo dhiiban doonaa”.  Sidaa ayuu yidhi Maayarku, waxaanu intaa ku daray in bulshadu ilaashato ishaarooyinka oo cashuurta laga ururiyay lagu hirgaliyay.

 

Sidoo kale waxaa uu ka hadlay in si kumeel gaadh ah loo joojiyey kaalmaha shidaalka ee magaalada dhexdeeda si khaldan looga dhisay, waxaanu sheegay in illaa inta la samaynayo xeerkii kaalmaha ay hakad gelinayaan in kaalmo cusub la furo, “ aqbali maayo foostooyin iyo bar yar in la dhex dhigo magaalada, qof kasta oo ganacsade ah oo samaysan karaana ma jiro, arrintaasna guddi ayaanu u saarnay” ayuu yidhi Mr. Soltelco.

 

Dhinaca kale waxaa uu shaaca ka qaaday in ay macradada baabuurta u diyaaariyeen dhul gaar ah oo ay dhawaan u rari doonaan,  sidaas darteed uu uga digayo dadweynaha in ay guryahooda wajahadaha waddooyinka ku yaalla ay dhalan rogaan kana sameeyaan macradyo baabuur.

 

Arrimaha kale ee Mr. Soltelco amray waxaa kamid ah xerooyin jaadka u gaar ah iibintooda in ay ka samaynayaan darafyada magaalada, isla markaana ay hadda wixii ka dembeeya mamnuucayaan in magaalada gudaheeda lagu iibiyo jaadka, “ waxaan u sheegayaa dadweynaha in hadda wixii ka dembeeya aanu mamnuucnay isla markaana joojinay in magaalada dhexdeeda lagu iibiyo jaadka,  waxaanu jaadlayaasha u hirgelinay afar xero jaad oo laga dhisi doono koonayaasha magaalada” ayuu yidhi Maayarku.

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories