HomeMaayarka Hargeysa oo ka Qayb-galay Olole lagu banneynayo Jidadka Wadnaha Caasimadda iyo...

Maayarka Hargeysa oo ka Qayb-galay Olole lagu banneynayo Jidadka Wadnaha Caasimadda iyo Digniin uu shacabka u jeediyey

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

HARGEYSA (SLpost)- Maayarka Caasimadda Md Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelko), ayaa maanta ka qayb-galay olole ballaadhan oo Dowladda Hoose ee Hargeysa ka bilowday badhatamaha magaalada iyo xaafadaha dhexdeeda, kaas oo lagu banaynayey waddooyin xidhnaa oo cidhiidhi ku hayey isu-socodka gaadiidka ee caasimadda.

Ololahan waxa ka qayb-qaadanayey shaqaaalaha dawladda hoose iyo madaxda sarsare ee dawladda hoose, kuwaas oo sheegay in maalin kasta uu socon doonno jidad banaynta caasimadda iyo kor u qaadadida bilicda, taas oo ay sheegeen in lagu nadiifinayo suuqa iyo jidadkii ay xidheen dad ku ganacsanayey jidadkaasi oo alaabtoodda lagu amray inay gurtaan.

jidad banayn 3Maayarka oo saxaafadda kula hadlay goobaha ay dawladda Hoose ka fulisay ololaha banneynta jidadka, ayaa uga digay dadweynaha inay caadaysteen in dadku wax ku iibiyaan wadooyinka dhexdiisa iyo meherada hortooda, kaasi uu sheegay inay joogto noqon doono ololaha jidad banaynta caasimadda oo aan cidna laga ogolayn in wadooyinka hareerahoodda alaabooyin lagu dhex iibiyo.

“Waddada madaarka laga soo bilaabo, wadooyinka badhtamaha dhex mara kuwo u baxa Jigjiga yar iyo New hargeys intaba waanu ka shaqaynay maalin kasta, qofkii loogu taag waayey meheradaada ku ganacso u diyaar garow inaanu alaabta maalin walba qaadno oo wadooyinka ka dhex gurno”ayuu yidhi Maayarka Caasimadda Solteko oo ka hadlayey banaynta jidadka ee badhtamha magaalada Hargeysa, waxaanu intaas ku daray “Waa in qof kasta meherad ku dhex ganacsado, kuwo sariibadaha loo sameeyey sariibadda dhexdoodda waa inay ku ganacsadan oo aanay dibadda ula soo bixin,” sidaas ayuu yidhi Maayar Soltelko.

jidad banaynSidoo kale, Maayarku wuxuu lug ku soo dhex maray suuqa weyn ee waaaheen, khudradleyda, hlibleyda iyo Sariibadda suuqa dhexe ku taalla, kaasi oo uu bulshaddii halkaasi ka ganacsanayey ka dhagaystay warbixno iyo baahiyaha ay rabaan, isagoo uballanqaaday inuu wax ka qabannayo dhamaan wiixi ay soo codsadeen.

Dhinaca kale, Maayarka Caasimadda Cabdiraxmaan Solteko wuxuu xadhiga ka jaray sariibad laga hirgaliyey xaafadda Star ee degmadda Maxamuud Haybe oo loo sameyey qaab casri ah, isla markaana laga heli karo wax kasta oo bulshaddu u baahan tahay.

Maayarka ayaa sheegay in degmo kasta gaarkeedda loo suuqeyn doono, isagoo dadweynaha ugu baaqay in degmo kasta sariibadeedda macmiil u noqoto ee aanay tagin sariibadaha ka fog fog ee suuqa dhexe, maadaama oo la qorsheeyey in dgemo kasta isa suuqayso oo dadkii wixii suuqa dhexe uga baahnaa loo geeyo xaafadahoogga.

Si kastaba ha ahaatee, dawladda hoose ee Hargeysa ayaa wadda qorshayaal lagu daadajinayo maamulka, isla markaana degmooyinka iyo badhtamaha magaalada loo samaynayo jidad waaweyn iyo goobo laga tukaansado.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories