HomeMaayarka Hargeysa oo dhiggiisa Caasimadda Ethiopia ka dalbaday taageero la xidhiidha Aqoonta...

Maayarka Hargeysa oo dhiggiisa Caasimadda Ethiopia ka dalbaday taageero la xidhiidha Aqoonta Qorsheynta Magaalooyinka iyo Dhismaha Jidadka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Addis Ababa (SLpost)- Maayarka Caasimadda Somaliland ee Hargeysa Md Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), ayaa Khamiistii Shalay kulan la yeeshay Maayarka Caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa Kuma Demksa, waxaanay ka wada-hadleen sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga iyo xidhiidh wax-wada-qabsi oo Dhexmara labada caasimadood ee Somaliland iyo Itoobiya.

Maayarada Hargeysa iyo Addis AbabaMaayarka magaalada Hargeysa oo socdaal shaqo ku jooga magaalada Addis Ababa, ayaa Maayarka Caasimadda Itoobiya kula kulmay Xafiiskiisa, waxaanu ka dalbaday dhiggiisa Addis Ababa sidii ay isku-dhaafsan lahaayeen waayo-aragnimo iyo Xirfadaha horumarinta magaalooyinka, sida lagu sheegay war-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay danjiraha Somaliland u fadhiya magaalada Addis Ababa Ayaale Salaad Diiriye.

War-saxaafadeedka Wakiilka Somaliland ee Itoobiya ayaa u qornaa sidan: “Maayarka caasimadda Jamhuuriyada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid oo hawlo shaqo u jooga magaalo madaxda Ethiopia ee Addis Ababa ayaa maanta oo ay bishu tahay 18 /12/2014 kulan aad u balaadhan kula qaatay xafiiskiisa Maayarka magaalo madaxda Ethiopia ee Addis Ababa, Kuma Demksa. Kulankan oo qaatay saacad iyo badh uuna ku wehelinayey Maayarka Hargeysa, wakiilka Somaliland ee Waddanka Ethiopia Ayaanle Salaad Diiriye, waxay labada maayor kaga wada hadleen guud ahaan xidhiidhka laba dal ee walaaaha ah ee Ethiopia iyo Somaliland, iyo gaar ahaan sidii iskaashi iyo xidhiidh wax wada qabsi u dhex mari lahaa dawlada Hoose ee Hargeysa iyo Addis Ababa.

Maayarada Hargeysa iyo Addis Ababa iyo Wakiilka Somaliland ee ItoobiyaMaayor Caydiid wuxuu dhigiisa ka codsaday in Dawlada Hoose ee Addis Ababa wax kala qabato kordhinta tababarada iyo xirfadaha shaqaalaha dawlada Hoose ee Hargeysa, sida ururinta cashuuraha, , dhisidda waddooyinka xaafadaha dhex mara ee dhagaxa la qoray ah iyo hagaajinta qorshaynta magaalada.

Maayor KUMA DEMKSA, ayaa isaguna aqbalay codsiyada Maayor Cabdiraxmaan, oo uu sheegay inay diyaar u yihiin inay arrimahaas wax kala qaban doonaan.

Kulankan oo ku soo dhamaaday Is af garad buuxa, waxay iskula qaateen labada Maayar in la mataaneeyo labada magaalo madax ee Hargeysa iyo Addis Ababa.

Maayar Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid ugu dambayntii ku casuumay Maayar KUMA DEMKSA inuu booqasho ku tago magaalo madaxda Somaliland ee Hargeysa, taas oo uu Maayor Kuma-na aqbalay inuu booqasho ku iman doono Hargeysa.

Maayarka caasimadda Somaliland ee Hargeysa ayaa labadii maalmood ee u dambeeyay hawlo shaqo u jooga dalka Itoobiya, isagoo ka soo laabtay socdaal shaqo uu ugu maqnaa xarunta dalka Kenya ee Nairobi,” Sidaas ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories