HomeMaayarka Hargeysa oo dhagax-dhigay Waddo Isku-xidhaysa xaafadaha Daami iyo Goljanno, Biriij cusubna...

Maayarka Hargeysa oo dhagax-dhigay Waddo Isku-xidhaysa xaafadaha Daami iyo Goljanno, Biriij cusubna xadhigga ka jaray

Date:

Related stories

The Questions Behind Somaliland’s U.S. Campaign: A Closer Look at President Irro’s CFR Appearance

Somalilandpost News Analysis by Kadar Kaariye NEW YORK (SLpost)- The...

Somaliland President Faces Tough Questions on Taiwan, Israel, China and U.S. Security Ties

“Every citizen is a police in Somaliland" New York (SLpost)-...

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

3Hargeysa (SLpost)- Maayarka Caasimadda Hargeysa, ayaa maanta labada munaasibadood oo kala duwan mid dhagaxa ku dhigay waddo cusub oo isku-xidhaysa Xaafadaha Goljanno iyo Daami, halka uu mid kalena xadhigga ka jaray Biriish laga hirgeliyey xaafadda Maxamuud Haybe oo dawladda Hoose hirgelintiisa ku guulaysatay.

Waddadan isku-xidhaysa Xaafadaha Goljanno iyo Daami ee maayarku maanta dhismaheeda dhagax-dhigay, ayaa ka bilaabmaysa Akadamiga Nabadda, taas oo ah waddada dhagax-tuulka ah ee xaafadda Goljanno uga baxda jihada Bari, siina dhexmarta Suuqa Gobonimo.

Maayarka oo ka hadlayey munaasibadda uu jidkan ku dhagax-dhigay, ayaa yidhi, “Maanta halkani waa Akaadamiyada agteedii,waxaanu ka bilaabaynaa waddo ku jirta mashruuca JPLJ oo 300 oo kun oo dhaw-dhaw ku kacaysa,waddadaasi halkan ayaa laga bilaabayaa waxaana ay ku dhamaanaysaa waddada Sheekh Madar ka soo baxda ee hawl-wadaag ee Daami dushiisa,waxaana ay waddadaasi noqon doontaa wado hal-bowle ah, culayskana ka yareyn doonta waddada Dhexe.”

Waxa uu maayirku shacabka xaafadda Goljanno ugu baaqay inay ilaashadaan waddada, isla markaana la shaqeeyaan hawl-wadeenadda dawladda hoose ee waddadan hirgalin doonta, waxaanu yidhi, “Xaafada Gol-janana waxaan leeyahay waa waddadii koobaad ee aad yeelataan,waddadaas inaad dhaqaalaysaan ayaa loo baahan yahay, si xaafadda waddooyin badan looga dhisana waxa la doonayaa inaad cashuurta iska bixisaan taas oo ah cashuurtii Dawlada Hoose ee idinku waajibtay.”

Maayarka oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku darya, “Waddaadaas waxaanu ku dhamaystiri doonaa muddo saddex bilood ah, waxaanay bilaabmi doontaa Wiigan soo socda, sidaas ayaanan maanta u dhagax dhigay.

12Sidoo kale, maayirku waxa uu xadhigga ka jaray Bariij casri ah oo biyo mareen ah oo laga hirgaliyey xaafadda Maxamuud Haybe ee magaaladda Hargeysa, waxaana biyo-mareenka hirgelisay shirkadda dhismaha ee Jano-gale oo Ku Guulaystayna In ay Dhisto Biriishkii Saddexaad ee laga hirgalin doono Degmada Maxamuud Haybe.

Munaasibada loo sameeyey xadhig ka-jaridda biyo-mareenka, waxa kasoo qayb galay maayarka Caasimada Somaliland, Maayarka ku xigeenka, Agaasimaha bilicda, masuuliyiin ka tirsan Shirkada Janno Gale iyo marti sharafa kale.

Maayirka Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelko oo halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in goobta laga hirgeliyey biyo-mareenka ee xaafadaha ku dhow dhow ay dadku dhibaato ku qabeen oo aanay dhaafi jirin biyuhu, waxaanu yidh, “Halkan waa meel ay biyuhu istaagi jireen oo ay umadu dhib ka mutaysan jirtay iyo shacabiga xaafada deggan,waxaana dhib laxaadleh kala sii kulmi jiray ardayda jaamacadda Beder ee inagu dhaw ru ahaantii dadaalka jumciyada Manhal iyo shirkada wayn ee Jane gale Constarction company,Runtii Biyo Mareenkani waa 200 Miter oo dusha ka dadan toosna u gaynaya biyaha halkan uu ka qaado dooxa,halkana biyo danbe dib uma fadhiisanayaan intiina ka qayb qaadatay waxaan idin leeyahay dhamaantiin waad mahad santiin inta ka qayb qaadatay.”

Waxaanu intaas ku daray, “Wax kasta oo ay umadi ka wada qayb qaadataan sidaasa ayey u qurux badataa shacbiga reer Hargaysana waxan leeyahay waxaanu nahay dadkii aad doorateen, waxaanu nahay dadkii idiin shaqaynayey waxna waa waxaad noo dhiibtaan waxna waa waxaad ka qayb qaadataan, intaas uunbaa waxa lagu dhisaa.”

Dhinaca kale, Jaaliyadda reer Somaliland ee Jabuuti ayaa shahaado sharaf iyo abaalmarino guddoonsiiyey maayirka Hargeysa, iyagoo ku amaanay waxqabadka uu ka geystay magaaladda Hargeysa.

“Dhamaan Masuuliyiinta Jaaliyada Jabuuti, waxaana ka guddoomay shahaado sharaftaas ay ugu maamuuseen runtii jaaliyaduna wax badan ayey dalka iyo dadkaba u qabteen, waxaanan leeyahay waad mahad santiin,”ayuu yidhi maayirka oo ka hadlayay abaalmarin ay guddoonsiiyeen jaaliyadda reer Somaliland ee Jabuuti.

 

 

SOMALILANDPOST.NET

Hargeysa, Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories