HomeMaayarka Gabiley oo ka hadlay Khilaaf Hadheeyey Golihiisa Deegaanka oo wali Xalkiisu...

Maayarka Gabiley oo ka hadlay Khilaaf Hadheeyey Golihiisa Deegaanka oo wali Xalkiisu laalan yahay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Gabiley (SLpost)- Guddoomiyaha Golaha Deegaanka Degmada Gabiley ahna Maayarka Magaalada Md Maxamed-amiin Cumar Cabdi, ayaa markii u horeysa si faah-faahsan uga hadlay khilaaf muddooyinkii u dambeeyey hadheedhay Golaha Deegaanka ee uu gadh-wadeenka ka yahay, kaas oo la xidhiidha xubno ka mid ah xildhibaannada Golaha oo qorsheeyey mooshin xilka lagaga xayuubinayo Maayarka magaalada Gabiley.

 

Maayarka Gabiley Maxamed-amiin Cumar
Maayarka Gabiley Maxamed-amiin Cumar

 

Khilaafka ayaa bannaanka u soo baxay kaddib markii xildhibaannadani Wasaaradda Arrimaha Gudaha u gudbiyeen cabasho la xidhiidha Maamulka Golaha Deegaanka oo hoggaamintooda ay saluugeen, iyagoo dalbaday fadhi laysugu yeedho xildhibaannada Golaha si codka kalsoonida loogu qaado hoggaanka golaha deegaanka.

 

Kalfadhiyo aan caadi ahayn oo ay isugu iman lahaayeen mudaneyaasha golaha Deegaanka Gabiley, ayaa tiraba dhowr jeer loo baahiyey sababo la xidhiidha khilaafka u dhexeeya Maayarka iyo xildhibaannada mooshinka wata, waxaana isla shalay arrinta soo-farogelisay wasaaradda Arrimaha Gudaha oo dhex-dhexaadin iyo waan-waan xal loogu raadinayo muranka ku jira ku soo dhex-gashay hoggaanka golaha deegaanka iyo mudaneyaasha gadoodsan. Haseyeeshee, waxa aan suurto-galin kulan loo ballansanaa shalay kaas oo isaguna u baaqday sababo xildhibaannada mooshinka wata oo aan ku qancin qaabka ay wasaaradda Arrimaha Guduhu u waddo xalinta khilaafka jira.

 

Haddaba, Maayarka Gabiley oo maanta saxaafadda kula hadlay xafiiskiisa, waxa uu sharci-darro ku tilmaamay nidaamka xildhibaannadu u mareen cabashada ay ka gudbiyeen Hoggaanka Golaha deegaanka, isagoo sheegay inay maamul ahaan soo dhaweeyeen tallaabada wasaaradda Arrimaha guduhu u soo gashay xalinta khilaafka jira.

 

Ugu horeyn isaga oo sharraxayay sida arrintani ku bilaabantay, waxa uu yidhi, “Waxaan doonayaa inaan iftiimiyo arrin maalmahan warbaahinta iyo baraha bulshada aad loogu baahinayo. Xubno ka mid ah golaha deegaanka ayaa wasaaradda Arrimaha Gudaha u gudbiyey cabashooyin ay ka qabaan maamulka ama fulinta Golaha Deegaanka. Cabashooyinkaas waxay u gudbiyeen Wasiirka iyadoo ay ahayd maadaama aanu gole deegaan nahay oo uu jiro sharci aanu ku shaqayno oo ay tahay in wixii yimaaddaba lagu dhaqo.”

 

“Qofku markuu ka hadlayo sharci ee uu leeyahay sharcibaa lagu gafay, waa inuu marka hore isagu sharciga ilaaliyo. Haddii aad adigu sharcigii ka boodday maxay taraysaa inaad qof kale ku eedayso sharci-jabin. Waxay ahayd inay ka soo bilaabanto guddi-hoosaadka oo guddi waliba gaarkeeda uga soo hadasho oo dabadeed ay noo keenaan, taasina may dhicin. Waxay ahayd inay guddiga joogtada ah ee afarta ah ay guddoomiyeyaashoodu noo keenaan oo annagoo wada-joogna ka wada hadalno, taasina may dhicin hadday tahay af iyo qoraalba. Waxa kale oo ay ahayd inay Goleweynaha keenaan, taasina may dhicin. Waxa kale oo ay xaq u  lahaayeen inay cabashooda gobolka u gudbiyaan,” Sidaas ayuu yidhi Maayarku.

 

Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray, “Iyadoo aanay intaasoo dhami dhicin, ayaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha loo gudbiyey, wasiirkuna si wacan buu ka yeelay annaguna waanu soo dhawaynay. Fadhigan uu Badhasaabku isugu yeedhay xildhibaannada wasiirka ayaa u soo xil-saaray inuu isu keeno nimankaas, golaha intiisa kale iyo Maamulkaba, dabadeedna turxaan-bixin arrinta lagu dhammeeyo.”

 

https://www.youtube.com/watch?v=LvIdyVdYRw8

 

Hadalka Maayarka oo intiisa badan u muuqda is-difaacis iyo eedayn uu u jeedinayo mudaneyaasha ku kacsan, ayaa iftiimiyey inaan wali waxba laga qaban khilaafka u dhexeeya isaga iyo xildhibaannada kale, wasaaradda arrimaha Guduhuna aanay wali ku guulaysan dedaallada isu-soo-dhaweynta ah ee ay ka dhex-waddo Hoggaaanka Golaha Deegaanka iyo Aqlabiyadda Xildhibaannada Golaha.

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories