HomeMaayarka Degmada Berbera iyo Xildhibaan Golaha Deegaanka ah oo maanta ku biiray...

Maayarka Degmada Berbera iyo Xildhibaan Golaha Deegaanka ah oo maanta ku biiray Xisbiga Kulmiye

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Berbera (SLpost)- Guddoomiyaha Golaha Deegaanka Degmada Berbera Md Cabdalle Maxamed Cali iyo Xildhibaan Yuusuf Cali Nuur  oo la tirsan xildhibaannada Golaha Deegaan Berbera, ayaa maanta si rasmi ah ugu biiray Xisbiga Talada Haya ee Kulmiye.

blank
Maayarka Degmada Berbera

Maayar Cabdalle iyo Xildhibaan Yuusuf Cali oo labadooduba hore uga tirsanaa Xisbiga UDUB isla markaana Xisbigaas uga soo baxay doorashadii golaha deegaanka ee 2002-dii, waxa munaasibad loo qabtay ku soo biiritaankooda ka soo qayb-galay guddoomiyaha Xibsiga Kulmiye ee gobolka Saaxil, masuuliyiin iyo taageerayaasha Xisbiga.

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee gobolka Saaxil Dr Cabdi Cilmi, ayaa si weyn u soo dhaweeyey isla markaana ku hambalyeeyey go’aanka ay labada masuul ku gaadheen inay Xisbiga talaada dalka haya ku soo biiraan isaga oo ku tilmaamay inay yihiin halbowle wax weyn ku soo kordhinaya hawl-gallada Xisbiga ee gobolka.

“Waxaan si weyn maanta ugu soo dhawaynayaa xisbiga Kulmiye Maayarka magaalada Berbera Cabdle Maxmed Cali Iyo Xildhibaan Yusuf Cali Nuur oo Manta laga Bilaabo kamid ah xisbiga waxaanan leeyahay soo dhawadaa oo waliba gacmo furan ku soo dhawaada. Xisbiga Kulmiye marwalba wuu soo dhawaynayaa cid kastoo u diyaara inay ka mid noqoto ama kusoo biirta,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee gobolka Saaxil, isaga oo intaas ku daray inay isku mid yihiin dhammaan xubnaha kala duwan ee Kulmiye kuwii hore iyo kuwii danbe islmarkana ay xuquuq isku mid ah ay leeyihiin,

blank
GUDDOOMIYAHA KULMIYE EE GOBOLKA SAAXIL

Gudoomiyaha Kulmiye ee gobolka Saaxil oo ka mid ah shakhsiyaadka ku cusub xisbiga Kulmiye dhinaca maamulka isla markaana u muuqda mid wax wayn ka beddeli doona arrimaha xisbiga ee gobolka, waxa uu sheegay inay diyaar-garow adag ugu jiraan hawlaha dar-dargelinta iyo ololaha doorashada foodda inagu soo haysa waxaanu intaasi raaciyey in Xisbigoodu yahay ka kaliya ee illaa hadda ay xildhibaanadii ugu tirada badnaa iska soo sharraxeen isla markaana ay isa soo taageen fagaaraha musharixiinta golaha deegaanka ee Gobolka Saaxil.

SOMALILANDPOST

Berbera, Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories