HomeMaayarka Cusub ee Golaha Deegaanka Caasimadda oo Xilka kala wareegay Maayarkii ka...

Maayarka Cusub ee Golaha Deegaanka Caasimadda oo Xilka kala wareegay Maayarkii ka horreeyey (SAWIRRO)

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Maayarka Cusub ee Golaha Deegaanka magaalada Hargeysa Eng Yuusuf Warsame Siciid, ayaa maanta xilkii kala wareegay maayarkii hore ee wakhtigiisu dhammaaday Eng Xuseen Maxamuud Jiciir oo tobankii sanno ee u dambeeyey xilkaas soo hayey.

dawladda hooseMunaasibadda Xil-wareejinta Maayarka Cusub ee Golaha Deegaanka Hargeysa Eng Yuusuf Warsame Siciid kula wareegay xilka oo lagu qabtay Xarunta Hay’adda Shaqaalaha Dawladda, waxa ka  soo qayb-galay Wasiirka Arrimaha Gudaha Md Maxamed Nuur Carraale (Duur), Badhasaabka Gobolka Maroodijeex Md Axmed Cumar X. Cabdilaahi (Xamarje), Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed, Xildhibaannada la doortay ee Golaha Deegaanka Caasimadda, xildhibaannadii hore Qaarkood, Madax-dhaqameed, Shakhsiyaad si weyn looga qaddariyo Gudaha Dalka iyo Marti-sharaf kale.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Nuur Carraale oo ka hadlay munaasibadda, ayaa sheegay in wanaaggii ka dhashay doorashada deegaanku ka muuqato munaasibadda xil-wareejinta ee labada maayar, waxaanu sheegay inay niyad leh u soo dhaweynayaan hoggaanka Golaha Deeganka ee cusub.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed oo isaguna munaasibadan ka hadlay, ayaa u hambalyeeyey maayarka cusub iyo golaha deegaanka ee caasimadda, waxaanu ku booriyey in looga fadhiyo sidii ay uga soo bixi lahaayeen gudashada xilka shacabku u doortay.

maayarkii horeMaayarkii hore ee Caasimadda Hargeysa Eng Xuseen Maxamuud Jiciir oo ka hadlay munaasibadan ayaa sheegay in muddadii uu xilka maayarnimada caasimadda hayey ay hirgaleen waxqabadyo badan kuwaas oo uu tilmamaay inay ugu qabsoomeen sidii la rabay, isaga oo maayarka cusub ku wareejiyey xogta wax-qabadyadiisa iyo heerka ay marayaan.

maayarka CusubMaayarka Cusub ee Caasimadda Eng Yuusuf Warsame Siciid oo isaguna madasha xil-wareejinta ka hadlay, waxaanu soo dhaweeyey xilka lagu wareejiyey isaga oo ballan-qaaday inuu sii ambaqaadi doono waxqabadka maamulkii ka horeeyey isla markaana uu Caasimadda Hargeysa gaadhsiin doono horumar lagu xusuusto.

maayarrada_xilwareejintaUgu dambayntii, wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa si rasmi ah xilka ugu kala wareejiyey maayarka cusub Eng Yuusuf Warsame Siciid iyo Maayarkii hore Eng Xuseen Maxamuud Jiciir.

Eng Yuusuf Warsame Siciid, ayaa noqonaya maayarkii labaad ee Caasimadda Hargeysa yeelato, tan iyo 2002 oo Somaliland ay ka hirgashay nidaamka Doorashada shacabku codkooda ku soo doorto Golayaasha deegaankooda.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories