HomeMaayarka Cusub ee Degmada Berbera oo Xilka kala wareegay Maayarkii Ugu Waxqabadka...

Maayarka Cusub ee Degmada Berbera oo Xilka kala wareegay Maayarkii Ugu Waxqabadka Badnaa Degmada Berbera

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Berbera (SLpost)- Wasiirka wasaarada Arrimaha gudaha oo uu weheliyo Wasiirka qorshaynta Qaranka somaliland ayaa maanta xilkii u kala wareejiyay maayorkii hore ee degmada Berbera  Cabdale Maxamed Carab iyo maayorka cusub Cabdishakuur Maxamuud Xasan Ciddin,

Xafladan oo ahayd mid siwayn loosoo agaasimay ayaa waxa kale oo kasoo qayb galay xildhibaano baarlamanka iyo golaha guurtidaba ka tirsan, salaadiin,cuqaal iyo dadwayne aad utira badan oo soo buuxdhaafiyay hoolka shirarka ee jaamacada bada  e berbera,

xilwareejinta Berbera (3)Badhasaabka cusub ee Gobolka Saaxil Cali Maxamed Cilmi oo munaasibaddaas ka hadlay, ayaa dadweynaha reer Berbera u soo jeediyay inay la shaqeeyaan maamulka cusub ee Golaha Deeganka, waxaannu sheegay inuu isku hayo labada xi lee Badhasaabka iyo Xoghayaha dawladda Hoose, sidaa daraadeedna khibraddiisa uu u leeyahay shaqada dawladda hoose uga faa’idayn doono maamulka cusub.

xilwareejinta Berbera (1)Badhasaabka cusub ee Saaxil waxa uu ka digay cidkasta oo nabadgelyada ka hor timaada inay tallaabo adag ka qaadi doonaan, waxaannu sheegay in xalay magaalada Berbera lagu daadiyay waraaqo mudaharaad loogu baaqato shacabka.

xilwareejinta Berbera (2)Maayarkii hore ee Berbera Cabdalle Maxamed Carab, ayaa soo dhaweeyay maayarka cusub Cabdishakuur Maxamuud Xasan iyo ku-xigeenkiisa, waxaannu ka sheekeeyay duruufihii ka hor yimi markii ay xilka qabteen 10 sano ka hor iyo niyadjabkii shacabku ka dhaxlay, waxaannu yidhi, “10 sannadood baa laga joogaa markii aanu xilka la wareegnay, sanadkii 2003 waxan ahaa duqii u horeeyay ee golaha deegaanka, 36 sanno waxay ahayd markii u horraysay ee Gole deegaan shacabku soo doortaan, taasoo bulshada iyo xisbiyadu toona aanay fikrad fiican ka haysan. Waxaannu isu nimi anagoo 21 maayar ah, taasoo ay ka dhalatay in shacabku ka niyad jabeen waxqabadkii ay naga filayeen oo guuldaraystay.”

xilwareejinta Berbera (4)Maayarkii hore ee Berbera waxa uu ballanqaaday inuu la shaqaynayo maamulka cusub ee golaha deegaanka Berbera oo wixii tallo iyo tusaale ah uu la garab taaganyahay.

Maayarka cusub ee Berbera Cabdishakuur Maxamuud Xasan, ayaa u mahadnaqay maamulka xilka ku wareejiyay iyo waxyaabihii ay qabteen,waxaannuu ballanqaaday inuu dhammaystirayo wixii ka dhiman ee ay ka tegeen.

 “Anaga horumarka Berbera ayaa naloo doortay, waxaannu u dhaaranay kuwii noo coddeeyay iyo kuwa aan noo codaynba inaanu dalka diinta daacad u noqqonno oo ay koo simanyihiin, qofkii aan aaminin kitaabka dee anaguna aamini mayno.”ayuu yidhi Maayarka cusub ee Berbera. Waxaannu intaa raaciyay oo yidhi, “Reer Berberoow waxaan idin leeyahay Cabdishakuur waa jaad doorateen, waxaad iigu ducaysaan in Ilaahay xilka igu asturo.”

xilwareejinta BerberaWasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Carraale (Duur) oo xilka u kala wareejiyay maamulka cusub iyo maamulkii hore oo madasha ka hadlay, ayaa soo dhaweeyay maamulka cusub ee Golaha Deegaanka Berbera, islamarkaana ka hadlay waajibaadka shaqo ee horyaala, iyo wadashaqaynta ka dhaxaysa wasaaraddiisa, “Waxa idin sugaya habayntii magaalada, bilicdii magaalada, kor u qaadista koboca dhaqaalaha, mudanayaashu waa inay ogaadaan talada golahaa leh, fulinteedana hoggaankaa leh, waa Cabdalle shalay iyo Cabdishakuur maanta.”ayuu yidhi Wasiir Duur, waxaannu intaa ku daray “Cabdalle wuxuu qabtay ugu hambalyayn mayno, waa waajibkii loo doortay milgaha aad la timaadaan buu shacabku idinku tixgelin doonaa, waxaa laydiinka baahanyahay isku duubi, iyo wadashaqayn aad muujisaan. Maamulka cusubna waanu la shaqaynaynaa.

Waddadii la soo maray xisbiyay ahayd laakiin maanta tii qaranka ina dhextaala ee nala shaqeeya.”sidaa waxa yidhi Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Carraale (Duur).

Somalilandpost.net

Berbera/Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories