HomeXildhibaanno Ka Tirsan Golaha Deegaanka Caasimadda Oo Markii Ugu Horeysay Tabobar Aqooneed...

Xildhibaanno Ka Tirsan Golaha Deegaanka Caasimadda Oo Markii Ugu Horeysay Tabobar Aqooneed Ugu Baxaya Sweden

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

deegaankaHargeysa, (SLP)- Kal-fadhigii sagaalaad ee golaha deegaanka caasimadda Hargeysa ayaa saaka ka furmay hoolks shirarka ee dawladda hoose.

Kal-fadhigan oo uu shir guddoominayay guddoomiyaha golahaas Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), waxa uu kaga hadlay furitaankiisii qodobo dhawr ah oo ay ku faaqidi doonaan kal-fadhiga, kuwaasoo ku jira ajandaha.

Guddoomiyaha ayaa sheeagay  inay u suurto-gashay inay helaan in shan Xildhibaan oo ka tirsan golahaas ay u diraan aqoon korodhsi ay ugu bixi doonaan dalka Sweden oo iskaashi shaqo ka dhaxeeyo dawladda Hoose ee caasimadda.

Guddoomiyuhu waxa  kale oo uu daboolka ka qaaday qorshe gacan ka gaysanaya in golaha deegaanku ay  wax-qabad la taaban karo hirgeliyaan, waxaanu Xildhibaanadda u soo bandhigay in maalinta arbacada oo qudha loo qoon-deeyay inay Golaha deegaanku yimaadaan xafiisyadda  Guddiga fulinta dawladda Hoose, si shanta maalmood ee kale madaxda dawladda Hoose ugu adeegto dadweynaha ku dhaqan caasimadda ee danaha shaqo kaga xidhmaan xafiisyadda  Maayarka, Maayar Ku-xigeenka iyo Xoghayaha Fulinta Dawladda Hoose. “Waxa maanta inoo furmay kal-fadhigii 9-aad ee Golaha Deegaanka Caasimadda, waxaana kaga hadli doonaan wixii inoo qabsoomay afartii bilood ee u dambeeyey, oo ay ka mid yihiin wadooyinka oo maanta qaarkood xadhiga ka soo jari doono,  wadooyinka kale ee ka socda degmooyinka, waxa kale oo caasimadda keenay Laydhadhkii kala hagayey magaaladda, caagagii qashinka lagu ridayey, Geerashka loo samaynayo Dawladda hoose oo halkii markii hore u qorshaynaysa laga bedeli doonno oo meel kale ka dhigi doonno,”ayuu yidhi Mr.Cabdiraxmaan Soltelco.

Maayarka Caasimaddu waxa uu tilmaamay in shan Xildhibaan ay socdaal la xidhiidha aqoon korodhsi ay ugu bixi doonaan dalka Sweden, waxaanu yidhi  “Waxa kale oo jirta xidhiidh iskaashi oo ina dhex maray caasimadda Sweden ee Stokholm oo ina casuumay, waxa kale oo halkaasi tobabar ku soo qaadan doonno shan xildhibaan oo golaha deegaanka ka tirsan kuwaas oo noqonay xildhibaanadii ugu horeeyey ee waxbarasho dibadeed u baxa, waxaana xildhibaanadaasi ku kala saarnay si bakhtiya nasiib ah. waxaana rajaynayaa in aad intii kale u soo duceyn doontaan oo iyadoo xildhibaanno kale aanu rajaynay inuu dalal kale Tobabar ku soo qaadan doonaan.”

“Waxa kale oo aan idinla socodsiinayna in guddi hoosaadyaddii golaha deegaanka la kala bedeli doono si xildhibaan waliba usoo maro guddiyo kal duwan, marka kala bedelkaasi waxa inaad raali ka noqodaan oo booska nasiibkaagu ku geeyo raali ku noqotaa waayo bari ayaad guddi kale ka mid noqon doontaa, isku bedelkuna waa sunne dawladeed oo waa muhiim si dardar u noqota guddi hoosaadyadu waa marka muddo la joogaba  la isku bedelaa, marka waxaan rajaynaa inaad arrintaasna aqbali doonaan.”

Sidoo kale, waxa iyaguna halkaasi aragtidoodda iyo doodoodda ka dhiibtay xildhibaanadda kuwaas oo ajandaha ku soo daray qoddobo muhiim ah in laga hadlo, kuwaas oo qaar soo bandhigeen Taawaradda shirkadaha isgaadhsiinta oo ay sheegeen in waxyeeladda iyo cashuurta laga helaa kala badan tahay, iyagoo xusay inay daraasad ku sameeyeen, sido kale waxa xildhibaanaddu ka doodeen in shirkadaha jaadka iyo kuwo Biyaha iyo sharaabku oo ah kuwo ugu qashinka badan aanay door fiican ka qaadan ololaha nadaafadda iyo waxa laga yeellayo.

Sidoo kale, Maayarka Caasimadda Soltelko ayaa xildhibaanadda ka codsaday in maalin gaar ah loo qorsheeyey inay xafiisyadda fulinta yimaadaan, isla markaana inta kale noqoto maalmaha  dadweynaha loo shaqeeyo, waxaana ka mid ahaa hadaladiisa “Maadaama oo aynu xildhibanadii golaha deegaanka aynu nahay si hawluhu qaranku innoogu socdaan waa in xildhibaanadda maalina kaliya loo qoondooyo maalintaasi ay noqoto Arbacadda, isla markaana maalmaha kale u daayaan dadweynaha iyo adeega loogu hayo, waayo waxaad doorteen guddi fulineed guddidaasi waa inay u adeegaan dadweynaha.” Tallaabadani waa mid hore loo qaaday oo astaan u ah dedaalka Maayarku ugu jiro inuu ka tago raad wax-qabad.

 

Somalilandpost

Hargeisa Office

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories