HomeMaayarka Caasimadda oo loo doortay Guddoomiyaha Ururka Dawladaha Hoose ee Dalka

Maayarka Caasimadda oo loo doortay Guddoomiyaha Ururka Dawladaha Hoose ee Dalka

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Ceerigaabo (SLpost)-Kulan maanta magaalada Ceerigaabo ay ku yeesheen Ururka Dawladaha hoose ee magaalooyinka Somaliland ayaa waxa ay ku doorteen Guddoon cusub oo ururkaasi hagi doona mudada shanta sanadood ah ee soo beegan.

Munaasabad taariikhi ah oo maanta ka dhacday xarunta dawladda hoose ee Degmada Ceerigaabo ayaa waxa ka soo qayb galay xubno ka tirsan golaha wasiirada Somaliland oo ay ka mid yihiin wasiirka wasaaradda gaashaandhiga Md Axmed Xaaji Cali Cadami. Wasiiru-Dawlaha wasaaradda Maaliyadda Md Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Caddaani), Wasiiru-dawlaha wasaaradda Waxbarashada Md Axmed Faahiye Mire, Badhasaabka Gobolka Sanaag Md Axmed Muxumud Geelle (Dacar iyo xildhibaano ka tirsan golaha deegaanka ee Degmada Ceerigaabo.

soltelcoFadhiga ay maanta yeesheen ururka Mayor-ada Somaliland oo ay ka soo xaadireen kow iyo toban ka mid ah Maayarada magaalooyinka waaweyn ee Somaliland ayaa waxaa lagu doortay Gudoonkii ururka oo ka koobnaan doona Gudoomiye, G/xigeen iyo Xoghaye.

Xubnaha ururka ayaa cod aqlabiyad ah oo dhamaystiran waxay gudoomiyaha ururka mayor-ada Somaliland u doorteen Md Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelco oo ah Maayar-ka caasimadda Somaliland, halka ku xigeenna loo doortay Md Saleebaan Xasan Xaddi oo ah Maayar-ka Magaalada Boorame, iyadoo Xoghayaha ururka-na loo doortay Maayar-ka magaalada laascaanood Md C/qaadir jaamac Saalax.

Badhasaabka gobolka sanaag Md Axmed Muxumud Geelle (Dacar) oo halkaa ka hadlay ayaa sheegay in arrintani noqon doonto mid taariikhda gasha, isla markaana muhiimad gaar ah u leh gobolka sanaag oo ay doorashadu ka qabsoontay.

Xubnaha golaha wasiirada ee kulankaa ku sugnaa ayaa dhamaantood uga mahadceliyey Mayor-ada Somaliland habka dimuqraadiga ah ee ay u doorteen Guddoonka ururkooda

Dhankiisana Mayorka caasimada Somaliland oo doorashada ka bacdi kulanka ka hadlay ayaa ballanqaaday inuu awoodda saari doono taageerada looga baahan yahay hirgelinta mashruuca wadada Ceerigaabo iyo sidii hay’adaha samafalku uga hawlgeli lahaayeen Gobolada Bari ee Somaliland.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories