HomeMaayarka Caasimadda oo kormeeray waddooyin ay dhismahooda ka wadaan xaafadaha magaalada, Shacabkana...

Maayarka Caasimadda oo kormeeray waddooyin ay dhismahooda ka wadaan xaafadaha magaalada, Shacabkana dardaaran u jeediyey

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

HARGEYSA (SLpost)- Maayarka magaalada Hargeysa Md Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelko) oo ay weheliyaan xildhibaanno ka tirsan Golaha deegaanka, ayaa maanta kormeer ku sameeyey waddooyin dhismahoodu ka socdo meelo kala duwan oo caasimadda ka tirsan oo ay ku jirto waddo dheer oo isku xidha dhawr degmo, taas oo ka baxda waddada jeelka weyn hor marta, kuna dhamaata Xabaalaha Naaso-hablood ee Bariga magaalada.

Maayarka Caasimadda, maayar-ku-xigeenka iyo xildhibaanno ka tirsan Golaha Deegaanka oo warbaahinta kula hadlay xaafadda Daami oo ka tirsan Xaafadaha ay waddadu dhexmarayso, ayaa warbixiyey qorshaha dawladda hoose u dejisay dhismaha waddada iyo qorshaha guud ee horumarinta caasimadda, waxaanay dadweynaha ugu baaqeen inay si hufan u bixiyaan cashuuraha ku waajibay si ay u helaan adeegyada wax-qabad ee dawladda Hoose.

OLYMPUS DIGITAL CAMERAXildhibaan Axmed Daahir oo ah Xogyaha guddida dhulka ee Golaha Deegaanka Hargeysa, ayaa sheegay in waddada dhismaheedu socdo ee ay kormeerka ku mareen ka mid tahay Waxqabadyada ay Gole ahaan muddada gaaban ku qabteen, isla markaana dhaqaalaha ku baxaya ay dawladda Hoose bixinayso.

Guddoomiyaha Guddida Hawlaha Guud iyo Arrimaha dhulka Xildhibaan Maxamed Warsame Caalam (Tima-cadde), ayaa isna shacabka xaafadaha waddadu marayso ugu baaqay inay ka qaybqaataan dhismaheeda, waxaanu yidhi, “Waa waddo Xero-jaadka soo daba marta ee Daami tagta una sii gudbisa xabaalaha Naasa-hablood, dhexda way ku kala baydhayaan oo ay waddooyin kale kaga dhacaysaa. Waddadan waxa dhismaheeda leh Dawladda hoose, wax ka qaybgal ah oo lacag ah oo ay xaafaddani ku darsatay ma jirto, xaafadaha kale waddooyinka waxbay ku darsadaan, haddii laga tagi waayo Biriishkan yar ayey sameeyeen, guddidii Biriishkaasi samaysay waanu u mahad celinaya, waddadani jihooyinka Beri iyo Galbeed ayey kala baxaysaa wayna yar yihiin waddooyinka dhinaca u socda.”

Maayar ku-xigeenka Caasimadda Cabdicasiis Maxamed Xaashi (Cago-weyne), ayaa shacbiga ugu baaqay inay cashuurta iska bixiyaan si ay u helaan waddooyin iyo adeegyo waxqabad oo muuqda, waxaanu yidhi, “Waddadan waad arkaysaa iyo waddooyinka kale ee caasimadda ka socda, waxaanu ka marag kacayna in aanu caasimadda gaadhsiino caasimadaha kale ee adduunka laakiin waxa la idinka sugayaa inaad cashuurta iska bixisaan si wax la idinkugu qabto.”

Maayarka Caasimadda Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Solteko), ayaa isaguna ka warbixiyey waddadan iyo mashaariicda saddexdan bilood ee u horeeya sannadkan ay ku talo-jiraan fulintooda, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay, “Waddadan oo asalkeedu ka soo bilaabantay jeelka weyn ee Hargeysa ka soo gudubta, xero-jaadka soo daba marta, waxa kaliya oo dhisnaa inta u dhexeysa jeelka weyn ilaa Geerashka Aw Cali, waxaana ka soo bilaabayna geerashka Aw Cali ilaa Xabaalaha Naaso-hablood ila waddada Boqol iyo Kontonka. Waxa isku xidhaysa degmadda Gacan-libaax iyo Degmada Macalin Haaruun, waxa dhexda kaga xidhmaysa waddo kale oo saddex degmo isku soo marta, Koodbuur, Juun iyo Gacan-Libaax halkaasna ka soo galaysa degmada Axmed Macalin Haaruun. Waddadana waxay kabaysaa oo ay ku xidhmaysa waddooyin kale oo aanu waddno, waana qayb ka mid ah mashaariicdii saddexda bilood ee u horeeya aanu ugu talogalnay. Wadadan qaybta koowaad imikay dhamaystirayaan. Dadweynaha waxaan leeyahay laba siyaabood ha looga qayb-qaato in cashuurtii la bixiyo iyo in dhismaha waddooyinka wax ku darsadaan, qofku wuxuu jecel yahay inay waddo laami ah hor marto si gurigiisa iyo meheradiisu qiimo u yeelato.”

Maayarka oo ka hadlay mashaariicda kale ee u qorshaysan sannadkan, waxa uu yidhi, “Waddooyinka saddexdan bilood ee u horeeya dhammaanaya waxa ka mid ah waddada Siiney, wadada Sacadadiin, waddada Sayladda tagta, intaasba saddexdan bilood ayaa laga gaadhsiinaya, mashaariicda sanadkan ee horumarinta waxa kow ka ah waddada Madaarka ka timaadda oo aynu waddada madaxtooyad hor marta oo kale ka dhigayno, waddada labaad oo laba haad ka dhigi doono iyo qalabkii waddooyinka oo dawladda hoose soo iibsan doonto. Sidaa darteed dadweynaha waxaan leeyahay waxaas oo mashaariic ah ayey gacanta ku haysa dawladda hoose ee waa inaad ka qayb-qaadataan, haddii aydaan cashuurta bixin wax la qaban karaa ma jirto”.

OLYMPUS DIGITAL CAMERAMaxamed Cali oo ka mid ah odayaasha magaalada ee Qurbaha ka yimi, ayaa amaanay wax-qabadka golaha deegaanka ee uu hogaaminayo Maayarka Caasimaddu hirgeliyeen muddadii ay joogeen, waxaanu qurbe-joogta kula taliyey inay ka qayb-qaataan horumarinta caasimaddooda. “Suurogal maaha in culayska magaalada lagu eego golaha deegaanka iyo maayarka caasimadda oo qudha ee waxa loo baahan yahay in qolo kasta deegaankooda horumariyaan kana qaybqaataan. Waxaan doonayaa in aynu isku tagno oo aynu sanduuq furno oo aynu ku ridno wixii caasimadda lagu qurxinayo, waxaanan maanta  markhaati ka noqday guddidan fulinta culayska saaraan,” sidaas ayuu yidhi Maxamed Cali.

Afhayeenka guddida hourmarinta degmadan Gacan-liibaax Ibraahim Yuusuf Dhoole-yare oo isaguna goobta ka hadlay, ayaa yidhi, “Waxay xaafaddani qiraysa in wax weyn loo qabtay, anigu waxaan ahay guddida dhaqdhaqaaqa horumarinta ee degmooyinka Macalin Haarun iyo Gacan Libaax, waxaan maanta idin soo jeedinaya dadweynaha ku dhaqan caasimada Hargeysa waddooyinka tani u horeyso iyo kuwo la mid ah inay ka qaybqaataan, waxa la yidhi wax qabso wax ha lagula qabtee, hadii aad wax qabsato adiga waxba lagula qabanaya, waa inaynu isku tashano oo maalkeena iyo muruqeenna isku darno oo wax ku darsanno wadooyinka, waxaan leeyahay gancsatada waa inay ku darsadaan wadooyinka caasimadda laga waddo.”

Waddooyinka Kale ee Maayarka iyo xildhibaannada Golaha Deegaanku kormeerka ku tageen, waxa ka mid ah waddada Siiney, Waddada Sacadadiin iyo Waddada ka timaadda Sayladda Xoolaha Hargeysa, kuwaas oo dhismahoodu ay waddo Dawladda Hoose ee Hargeysa.

Dhinaca kale, Maayarka Caasimadda Hargeysa ayaa sheegay in la dhammaystiray lambaraynta Gudaha iyo Meheradaha ku yaala degmada 26 June, waxaanu suurto-galinta hawshaas uga mahad-celiyey hay’ado xagga GIS (Khariiradda Sate-liteka) ka caawiyey.

Maayarka ayaa sheegay in numbaradan lagu dhajiyey guryaha iyo degmo kasta ogaato inta guryo ka dhisan iyo inta banaan ay muhiim u tahay in si dhibyar guri kasta loo ogaado inuu cashuurtii bixiyey iyo in kale.

Sidoo kale, gudoomiyaha degmada 26 june aya sheegay in dhamaan guryaha iyo goobaha banaan iyo inta danta guud eek u yaala degmadda June ay soo gabogabeeyeen, isla markaana uga mahad naqay shaqaalaha iyo dadkii kale ka qaybqaatay, isagoo tilmaamay in hada laga bilaabo si dhibyar loo ogaan karo dadka cashuurtii bixiyey iyo inta aan bixin.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories