HomeMaayarka caasimadda oo ka hadlay Hawl-gal Dab-demiska Dawladda Hoose ugu Gurmaday Suuqa...

Maayarka caasimadda oo ka hadlay Hawl-gal Dab-demiska Dawladda Hoose ugu Gurmaday Suuqa Waaheen oo Dab qabsaday iyo Agab ay soo iibsadeen

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

HARGEYSA (SLpost)- Maayarka magaalada Hargeysa Md Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelko), ayaa ka hadlay hawl-gal Dab-demiska Dawladda Hoose Habeen hore ku badbaadiyeen meher ku taala Suuqa Waaheen ee faras-magaalaha Caasimadda oo Dab Qabsaday, waxaanu sheegay in hawl-galka demisku ka fuliyey suuqa ay suurto-galisay Waddo Shan Boqol oo Mitir ah oo saddex maalmood ka hor laga bineeyey suuqaas.

Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid oo shalay warbaahinta kula hadlayey Suuqa Waaheen, waxa uu dadweynaha ku ganacsada jidadka gala iyo kuwa ku dhex-yaalla suuqaas ugu baaqay inay ka guuraan si looga reyso cidhiidhiga ay ku hayaan gaadiidka dab-demiska ee gurmadka u ah badbaadinta Suuqa xilliyada dabku qabsado.

OLYMPUS DIGITAL CAMERAMaayarka oo ka warbixinayey dabka Xalay ka kacay Suuqa Waaheen, waxa uu yidhi, “Waxaan u mahad-naqayaa ciidanka dab-demiska dawladda Hoose oo xalay labadii habeenimo badbaadiyey suuqa weyn ee Waaheen, isaga o makhsin ka mid ah dab qabsaday.

Waxa nasiib wanaag ahayd in saddex cisho ka hor aanu jidkaasi suuqa loo mari lahaa banaynay shan boqol oo mitir oo olole ku qaadnay. Bani’aadamku inuu ganacsado waa muhiim laakiin in jidkii iyo meelihii suuqa loo dhex mari lahaa loo xidho waa arrin adag, waxaan leeyahay waddooyinki loo mari jiray suuqa Waaheen waanu banaynaynaa, dadkii suuqa inji loo dhisay ha galaan, intii Suuqa jajabka loo dhisayna ha gasho, laakiin marna aqbali mayno in meel loo maro la waayo meeshii hantidii umaddani oo dhani taallo.”

OLYMPUS DIGITAL CAMERAMaayarka oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray, “Qolka gubtay waxa yaalay hanti dhan soddon kun oo dollar oo ay la jaar ahayd meheradihii kale oo hantidii umadani oo dhan yaaliin, haddii aanaan maalinti dhowayd jidkii bannayna way isla bas beeli lahayd, aad baan u mahad celinayaa ciidanka dab-damiska iyo ciidanka dawladda hoose sida wanaagsan ee suuqaasi u badbaadiyeen, waxaana dadweynaha leeyahay jidka Sayladda ka yimaadda ee maalintii dhowayd aanu bannaynay iyo ta kale Woqooyiga martaba waa in dadka deggani ka guuraan, qofna waddo dhexdii loo ogolaan maayo inuu dhex dego, waddooyinka dhexmara suuqa waa la wada banaynaya,” sidaas ayuu yidhi maayar Soltelko

Intaas ka dibna waxa uu booqday suuqa waaheen iyo meheraddii gubatay, waxaanay dadweynaha suuqa waaheen u mahad naqeen dawladda hoose iyo gurmadkii degdega ahaa ee ay ugu timid, iyagoo ballanqaaday inay la shaqayn doonaan dawladda hoose.

OLYMPUS DIGITAL CAMERADhinaca kale, Maayarka Caasimadda Hargeysa, Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelko, ayaa sheegay inuu soo gaadhay qalabkii ay dirsadeen qaybtiisi u horeeyey kaas oo ah caagagii qashinka fudud lagu ridi lahaa goobaha muhiimka ah.

Maayarka ayaa sheegay in shan boqol oo caagaga qashinka fudud lagu rido loo qaybin doonno meheradaha iyo goobaha muhiimka ah, isla markaana meherad kasta ay masuuliyadeedda qaadi doonto caagagaasi oo ah qaar casri ah oo loo baahan yahay inay ilaashaadan, iyadoo xusay in marka qashinka lagu rido caagagaasi loo keenay gaadiidkii yaryara ee ka qaadi lahaa, isla mrkaana wadooyinka dhex socon lahaa si ay qashinka uga guraan.

Maayarka Caasimadda oo ka hadlaya qalabka u yimid iyo kuwo kale oo dhexda ku soo jiraba waxa uu yidhi “ waxa maanta na soo gaadhay Caagaggii qashinka fudud lagu ridi lahaa, waxaana bishan 25 keedda inoo imanaya ishaarooyinka gaadiidka kala hagayey oo ah solar system kuwo qoraxda ku shaqeeya, maanta qalabkan ina soo gaadhay waa caagagii qashinka fudud lagu ridi lahaa waad ogtihiin oo caagaga biyaha sharabka ama biyaha lagu cabo dadku wadooyinka iskaga soo tuuraan, maanta laga bilaabo waa la ganaaxi doona qofka isagoo gaadhi wata ama jid maraya caagad wadadda iskaga tuura, meherad kasta oo horteedda la dhiga iyada qaadaysa masuuliyadeedda caagan, meherada caagaasi laga waayo ee la hor dhigay ee laga waayo iyadda laga raba caaggi iyo weliba ganaax wixii lagu xukumaba”.

OLYMPUS DIGITAL CAMERAMaayar Soltelko ayaa sheegay inay caagagani ka kooban yihiin shan boqo oo midh, isla markaana la dhigi doono wadooyinka muhiimka ah iyo meheradaha magaaladda si qashinka fudud loogu rido, isla markaana waxa markiiba qaadi doono gaadiid yaryar oo loogu talogalay inay qashinka caagagga marka buuxsamaan lagu qaaddo, taas oo bilicda magaaladda kor u qaadaysa.

Dhinaca kale, Maayarka Caasimadda Hargeysa, Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelko, ayaa shalay Salaaddii Jimce khudbad ka jeediyey masaajidka Cali Mataan ee badhtamaha magaaladda Hargeysa oo uu kala qayb-galay dadweynaha, waxaanu khudbadiisa kaga hadlay dhibaatooyin uu sheegay in dhalinyarada qaarkood xilliyada habeenkii ku hayaan ammaanka caasimadda, waxaanu Waalidiinta ugu baaqay inay xakameeyaan isla markaana ka war-hayaan dhaq-dhaqaaqa ubadkooda.

“Waxaan ugu baaqaya waalidka dhalay carruurta habeenkii dhibaatada u geysta dadka iyo hablahooda waa inay wax ka qabtaan, waayo cidda ay wax u geysanayaan waa hablahoodii iyo dadkii ay la dhasheen, marka waa in waalid waliba ilmihiisa ogyahay halka uu joogo iyo halka uu ku maqan yahay. Waa in waalidka iyo ciidamada ammaanku wada-shaqeeyaa, maaha waalidku in marka ilmihiisa dadka dhibaateeyey la qabto uu soo hor boodo oo uu yidhaa ilmahaygu wax dambi ah ma galin, haddii waalidku carruurtiisa wax ka qaban waayo waa loo edbinayaa,” ayuu yidhi Maayar Solteko oo waalidiinta magaaladda Hargeysa la hadlayey.

Dhinaca kale, dawladda hoose ee Hargeysa, ayaa soo iibsaday agab cusub oo qayb ka ah kor-u-qaadista bilicda caasimadda, kuwaas oo ay ka mid yihiin Caagag loogu talo-galay in lagu rido khashinka fud-fudud oo la dhigi doono jidadka caasimadda.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories