HomeMaayarka Caasimada Hargeysa Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Maayarka Turku Ee Finland

Maayarka Caasimada Hargeysa Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Maayarka Turku Ee Finland

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargaysa(SLpost) Maayarka Caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), ayaa maalintii shalay xafiiskiisa ku qaabilay Maayarka Magaalada Qadiimiga ah ee Turku ee wadanka Finland oo dalka booqasho ku yimid.

Cabdiraxmaan-Soltelco-300x300

Weftigan reer Finland oo ka kooban saddex xubnood, ayaa booqan doona qaar ka mid ah Degmooyinka Dalka, isla markaana xidhiidh wada shaqayn la yeelan doona Goleyaasha Deegaanka ee Somaliland. Maayarka Hargeysa oo markii uu kulanka la yeeshay ka dib warbaahinta u waramayey ayaa yidhi “Maanta waxa xafiiskayaga ku qaabilnay wefti ka socda wadanka Finland oo ah saddex xubnood, oo kala ah Gudoomiyaha Golaha Deegaanka,  ahna Maayarka magaaladda  Turku oo  ah magaalo Qadiimi ah oo  ah caasimadii hore wadanka Finland, waa magaalo sideed boqol oo sanno ka hor la dhisay, waxaanay sannadkii 2012-kii noqotay magaalada dhaqanka ee wadamaddaYurub” ayuu yidhi Maayarka Hargeysa oo ka hadlayey weftiga u yimid, waxaana uu intaas ku daray “Weftiga waxa la socda Rooda Xasan oo reer Somaliland ah oo iyaduna ah maayar ku-xigeenka ahayd magaalada, imikana xubin ka ah Golaha Deegaanka magaalada, , iyo gabadh ka socota Green Party midowgaYurub oo iyaduna Arrimaha Dibada kulan la yeelatay, waxaana uga mahad celinayaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Maxamed Biixi Yoonis oo nagala shaqeeyay hawshan baddankeeda , waana markii ugu horaysay oo uu yimaado Maayar ka socda wadamada Yurub wax baddana waanu ka wada hadalnay, waxyaalaha aanu ka wada hadalnay inaanu xidhiidh fiican wada yeelano, isla markaana naga gacan siin doonaan sida Qashinka loo maamulo iyo Biyaha, waxa kale oo ay soo eegi doonaan Degmooyinka wadanka, nagala balanqaaday inay wadankeena u noqon doonaan marin si adduunka siyaasadaheena inooga caawiyaan” ayuu yidhi.

Maayarka magaaladda Turku ee wadanka Finland Md:Seppo Lehtinen ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inay soo booqdaan wanka Somaliland, isla markaana xidhiidh wanaagsan dhexmaro, isagoo Maayarkana ku booriyeyi nuu Samir, dedaal iyo waxqabad la yimaado si uu labaatan sanno uu maayar u noqdo. Sidoo kale, waxa isaguna goobjoog ka ahaa kulankan Xoghayaha fulinta Dawladda Hoose Mawliid Cabdilaahi Weris. Intaas ka dib Maayarka Caasimada Cabdiraxmaan Soltelco ayaa qado sharaf ugu sameeyay wafdigan Maansoor Hotel, isagoo sidoo kale waftiga ka guddoomay abaal-marin qaali ah.

Somalilandpost.net

Hargeysa

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories