HomeMaayar-xigeenka Hargeysa oo La Kulmay Maayarka Shiffield

Maayar-xigeenka Hargeysa oo La Kulmay Maayarka Shiffield

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

England(SLpost)-Maayar ku xigeenka Caasimadda Somaliland ee Hargeysa Mudane Cabdicasiis Maxamed Xaashi (Cagaweyne) oo in dhawaydba hawlo shaqo u joogay Dalka Ingiriiska ayaa kulan balaadhan la qaatay Maayarka Sheffield Mr Talib Hussain kaas oo ka dhacay hoolkii ay golaha deegaanka Sheffield ku aqoonsadeen Somaliland.

Kulankan ayaa ku salaysnaa martiqaad rasmi ah oo uu maayar ku xigeenka Hargeysi ka helay maayarka Sheffield, waxaanay ka wada hadleen sidii ay u wada shaqayn lahaayeen labada magaalo ee Hargeysa iyo Sheffield laysagana kaashan lahaa sidii xidhiidh joogto ah u dhex mari lahaa golaha deegaanka Caasimada Hargeysa iyo Golaha Deegaanka ee Sheffield.

Qodobadii ay maanta isla soo qaadeenna waxa ka mid ahaa sidii kor loogu qaadi lahaa arrimaha biyaha, Caafimaadka iyo kaabayaasha arrimaha bulshada ee dhinaca Somaliland oo uu u gudbiyey maayar ku xigeenku maayarka sheffield Mr. Talib Hussain, waxaanu balan qaaday in uu gacan ka geysan doono sidii golaha deegaanka caasimadda Hargeysi u noqon lahaayeen kuwo xidhiidh toosi ka dhaxayn doono golihiisa kana caawin doonaan wixii la xidhiidha dawladaha hoose iyo kaabayaasha arrimaha bulshada ee ay ka wada hadleen maayar ku xigeenka sida biyaha, Caafimaadka IWM.

sidoo kale waxa maayar ku xigeenka Hargeysa kormeer lagu geeyey dhawr goobood oo ay ka mid tahay Hool lagu magacaabo Mandela Holl iyo goobo taariikhi ah oo ku yaala Sheffield.

Kulankan uu maayar ku xigeenku ku joogo sheffield ayaa noqonaaya kulankiisii labaad isaga oo hore ula kulmay maayarkii ka horeeyey kan uu maanta la kulmay ee Mr Talib isaga oo mudane Cabdicasiis hore ula kulmay maayar Vickie oo iyadu hore u hogaamin jirtay golaha deegaanka ee shiffield balse doorashadii golaha deegaanka Sheffield ay ku soo baxeen maayarkan danbe iyo golahan hada talada hayaa taas oo keentay in uu mar kale soo noolaado xidhiidhkii labada golle deegaan.

Ugu danbayna waxa uu maayar ku xigeenka Hargeysu u mahadnaqay maayarka sheffield iyo golihiisa deegaanka ee sidii sharafta iyo milgaha lahayd u soo dhaweeyey una qaabiley, sidoo kalena waxa uu Cabdicasiis Cagaweyne uga mahadnaqay golaha deegaanka ee Shiffield aqoonsigii ay aqoonsadeen qaranimada Somaliland ee ay uga badheedheen una noqdeen golihii u horeeyey ee aqoonsada Somaliland kuna daydeen kuwo kale oo badani, nasiib wanaag maantana ay noqdeen golihii u horeeyey ee caawiya ama barbar istaaga golaha deegaanka Caasimada Hargeysa. “Waana wax lagu farxo oo ku dayasho mudan” ayuu yidhi maayar ku xigeenku, sidoo kale waxa uu u sheegay in qof walba oo reer Somaliland ahi uu ku hamiyaayo wixii uu ugu abaal gudilahaa golaha deegaanka ee sheffield idiin hayaana karaamo iyo sharaf.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories