HomeMaayar SOLTELKO oo kormeer ku sameeyey waddooyinka dhismayaashoodu ka socdaan Caasimadda, shacabkana...

Maayar SOLTELKO oo kormeer ku sameeyey waddooyinka dhismayaashoodu ka socdaan Caasimadda, shacabkana baaq u jeediyey

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Maayarka caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelko) iyo xildhibaanno ka tirsan golaha deegaanka Hargeysa, ayaa maanta dib u bilaabay wadaddii qaabka casriga ah loo samaynayey ee ka bilaabmayay isgoyska jig-jiga yar illaa Kaantaroolka galbeedka u baxaysay.

Maayarka ayaa sheegay in maanta si rasmiya u bilaabantay wadaddii dheereed ee Rogga ahayd ee ay ka hirgalinayeen badhtamaha magaaladda Hargeysa.

???????????“maanta waxaanu bilownay wadadiii kontonka sanno lagu socon lahaa, waana wadaddda hor marta madaxtooyadda horteedda, qaybta aanu bilaabayna waa qaybtii ka bilaabmaysay goladda jig-jiga yar iillaa Kaantaroolka galbeedna socon doonta, waxaana leeyahay dadweynaha waa inay bixiyaan cashuurta, ta labaadna ka qaybqaataan horumarka caasimadda”ayuu yidhi Cabdiraxmaan Soltelko.

Sidoo kale, waxa uu xusay in wadadan ta ku xigtaana noqonayso wadada madaarka Tagta oo ka bilaabmi doonta saldhiga dhexe ilaa madaarka, isago arrimahaasi faahfaahinaya waxa uu yidhi “Wadadan maanta bilaabnay waa qaybtii ka hadhsanayd wadadiii hore ee madaxtooyada hor maraysay ee ka soo bilaabanta Halleeya ilaa isgoyska Jig-jiga yar taas oo dadweynaha mara aad ugu raaxaystay, isla markaana ah waddo cimrigeeddu dheer tahay, waxaanay wadadani noqonaysa ilaa buurta kala jeexan oo afar killo mitir oo sanadkii hore ka hadhay, muddo toddobaad ah ku dhamaanaysay, waxa ku xiggi doonta wadadii madaarka oo iyana ka bilaabmi doonto saldhiga dhexe illaa madaarka, dadka wadooyinka hortoodda yaala waa inay ka sii guuraan sida ugu dhakhsiyaha badan”.

???????????Dhinaca kale, waxa uu maayarku soo kormeeray waddo cusub oo ka baxda xaafadda Siineey ee Axmed dhagax, isla markaana u gudbi doonta xaafadaha Masalaha ee degmadda Axmed Dhagax kuna xidhmi doonta xadka u dhexeeya Hargeysa iyo gobolka Awd, iyadoo halkaasi kaga xidhmi doonta wadadda tagta Balligubadle.

Xildhibaan Saleebaan Dogax oo ka mid ah golaha deegaanka ee caasimadda ayaa digniin u diray dad uu sheegay inay lacag ku so urursadaan inay wadooyinka caasimadda dhisayaan, isla markaana soo jeediyey in maamulka wadooyinka loo daba fadhiista dawladda hoose oo shaqadeeddu tahay, isla markaana wixii ay ugu darayaan ku daraan balse aanay jirin cid kaligeed wadooyinka samaynaysa.

“Gacmo wada jir bay ku gooyaan, aad baan ugu faraxanay wadooyinka caasimadda ka socda ee ay wadddo dawladda hoose, waxa jira dad qurbaha lacag kaga gurta wadooyin baanu caasimadda ka samaynay, waxaan leeyahay dadkaasi wadooyinka waxa shaqo ku leh dawladda hoose, cid kaligeed waddo iska wadda ma jirto, wixiii ay ku kaabayan dawladda hoose waa la ogol yahay laakiin maaha inay dadka lacag kaga soo urursadaan wadooyin baanu samaynaya dadkaasi waxaan u digaya digniin, sidoo kale dadka qaar baa sheegtay in biriishka Cawaale Jidhoon oo ay ku baxayso lix boqol oo kun oo dollar taas oo dawlada hoose waddo, waxaaan leeyahay dadka noocaas ku dhaqmayaa ha ka waantoobaan”ayuu yidhi xildhibaan Dogax

???????????Maayarka Caasimadda Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelko, ayaa shacabka reer Axmed dhagax ugu baaqay inay ka qaybqaataan dhismayaasha wadooyinka, isla markaana cashuurta lagu leeyahay iska bixiyaan, isagoo farta ku fiiqay in degmadda Axmed dhagax tartan la galaan degmooyinka kale ee si adeegoodda loo dhamaystiro.

Maayarka Caasimaddu sidoo kale waxa uu digniin u diray maamuladda gobolka Hawd oo uu xusay inay xadkooda ku eekaadaan, isla markaana wadadan ka soo bilaabanta xaafada Siineey ku soo xidhi doonta wadadda Balligubadle ee labadda gobol u dhexeysa, isagoo ballanqaaday inay dhankooda soo dhisayaan wadadan.

“Wadadani way sii socon doonta, waxaana leeyahay reer Axmed Dhagax yaa la idinka badin ee la tartama degmooyinka kale waa inaad kaalinta kowaad iyo labaad ee xaga cashuur bixinta ku tartantaan”ayuu yidhi Maayarka oo guubaabinaya dadweynaha kudhaqan Axmed Dhagax, waxaanu intaas ku daray “halkan aynu taaganahay dhulka galbeed ka xiga ilaa madarasadda ilaa dayrkaa ilma Cismaan Geele inta u dhexeysa seesaskii afka la isku saary wax wadooyin ah oo loo dhex mari karaana ma jiraan maanta laga bilaabo dhulkaasi wuu xayiran yahay dadkii lahaana waa inay si dhakhso ah u yimaadaan si wadooyin looga saaro, si looga hagaajiyo qorshahoogii hore, wadooyinkii looga baneeyo, mitirka meel ka sokeysa oo Balligubadle qorsheyn karaan ama cashuur ka qaadi karan ma jirto waxaan leeyahay maamulka degmadda Balligubadle xad baa inoo dhexeeya maamul waliba xadkiisa ha ku eekaaddo”

Sidoo kale, waxa iyaguna halkaasi ka hadlay odayaasha xaafadda iyo xildhibaanadda golaha deegaanka qaarkood kuwaas oo soo dhoweeyey wadooyinkan ka scoda caasimadda.

SAWIRRO

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories