HomeMaayar Solteeko Hargeysaa sugeysa! – W/Q: Cabdicasiis M. Yoonis

Maayar Solteeko Hargeysaa sugeysa! – W/Q: Cabdicasiis M. Yoonis

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

abdiaziz_mahmaahWaxa wax lagu farxo ah in ay noqdeen;Maayarkii iyo Maayar ku xigeenkii hargeysa loo soo doortay sanadkii 2013kii,laba nin oo dhalinyar ah,oo da’dii ugu fiicneyd ee ugu firficoonida badneyd ee soddon jirka ahayd ku jira..!!!! waa labadii Masuul ee  ugu da’da yaraa ee soo mara dawladda hoose ee hargeysa inta la garanaayo taariikhda

(haddii aanan qaldaneyn)!hadaba,labadan nin ama labadan masuul hawl badan ayaa sugeysa oo ay dadku isweydiinayaan maxay qaban doonaa tallow.? Qaar waxay leeyihiin waar waa niman dhalinyar ah, oo baahida hargeysa fahmaaya iyo bulshadu waxay dooneyso in loo qabto dawlad hoose ahaan,qaar kalena waxay leeyihiin wixii kuwii ka waaweynaa ee ka horeyey qaban waayeen miyey qaban karaan..labadan dhalinyarta ahi..? si kastaba xaqiiqu ha ahaatee….Maayarka hargeysa Mudane:C/raxmaan Soltelcowaxa sugeysa hargeysa oo dooneysa in wax wayn laga qabto oo labadalo, qaabkeeda ay hadda ku sugan tahay ee aan lahayn nimaanka iyo bilicda iyo haybadda wadooyin ee lagu yaqaanno caasimadaha Adduunka.Anigoo ugu hambalyeynaaya Maayar ka cusub xilka loo magacaabay ee ah;Maayarnimada Casimadda Jamhuuriyadda Somaliland!!!!!!

Waxaan u sheegayaa in wax badan reer hargeysa ka sugayaan ama uga fadhiyaan in uu ku soo kordhiyo oo u qabto magaalada Hargeysa oo uuna u qaban maayarkii ka horeeyey ee Mudane,Ingineer Jiciir….waxa lagu wareejiyey Caasimad aan lahayn dhamaan astaamihii iyo kaabayaashii loo baahnaa in ay caasimadi yeelato….. waxa sugaaya Maayar Soltelco,in uu hargeysa ku soo kordhiyo oo u qabto arrimahan aan soo socda:

  1. Hargeysa in uu Caddeeyo oo uu ku xidho dhamaan laamiyada iyo jidadka muhiim ka ah ee laga soo galo iyo kuwa dhexmaraba leydh iftiimiya habeenkii(lighting). Waayo, waxannu ku noolnahay Caasimada madow oo suuqa bartankiisu madow yahay, wadooyinka qaarkoodna madow daraadeed lagugu baadhanaayo..!!!!!!
  2. 2.     Hargeysa in laga kaxeeyo labada(Dameer) ee 10 kii sano ee Maayar jiciir   ku noolaa, suuqa bartamihiisa, ka soo horjeedka diyaarada ama kheyriyada ee Maayar jiciir markuu agmaraayo muraayadaha ka dalacanjiray.!!!
  3. Hargeysa in xashiishka loo sameeyo haamo waaweyn oo bilicda aan dhaawacayn oo riniyeysan oo lagu guro xashiishka si gawaadhidu uga daabusho xashiiska la dhexdhigay.
  4. Hargeysa in laga sifeeyo bartankeeda ama faras magaalaha(Down town),Eyda isku baacsaneysa iyo Riyaha garaabada ku dhex cunaaya iyo Dameerada iyo Lo’da sida dadka u dhex meereysanaaya..!!!!!
  5. Hargeysa in lagu soo kordhiyo Astaamo taagan oo tilmaamaaya wadaniyad. Sida: (Diyaaradda-cawl) ee noqotay astaanta kaliya ee hargeysi ku faanto.
  6. Hargeysa in loo fikiro oo loo sameeyo Jardiinooyin ama beeraha lagu nasto(Parks).tusaale ahaan: waxa laga sameyn karaa: xafadda indiyaan laynka qayb ka mid ah,ama saldhiga dhex koonfurtiisa …..iyo meelo kale oo badan..
  7. Hargeysa in la habeeyo basaska dadku raacaan oo loo  sameeyo(bus stop) iyo ilaalo gooniya(security guard), waayo; baska adigoo raacaaya ayaa laaga furanayaa moobeylkaaga iyo lacagtaad sidatid ba.!!!!!
  8. 8.     Hargeysa in aan dadka danyarta ee uu suuqyada ku ganacsanaaya  la xaaqin ee iyagoo halkooda fadhiya, qof walba halka uu fadhiyo layidhaahdo;Marmar dhig…oo bilicda ilaali….!!!!
  9. Hargeysa dadka Ajaanibka ah, ee jooga in loo sameeyo taysarooyin ama iqaamad iyadoon la raafayn ama aan xuquudooda la doodsiyeyn oo lixdii bilood ba mar laga qaado lacag yar oo uu qofku awoodi karo..sida:($30 ama 100,000 s/sh). Si qofku u dareemo in wadanka uu ajaanib ku yahay oo u dhowro xuquuqda dalka iyo shuruucda,dhaqaalena wadanku uga helo,lacagtaasna magaalada iyo wadooyinka iyo laydhka magaalada lagu ifinaayo loo isticmaalo iyo nadiifinteeda.
  10. Hargeysa in dib loogu soo celiyo leydhkii gaadiidka kala hagaayey ee (traffic light),iyo in dhaliyarta soo koreysa loo sameeyo goobo ay ku maararoobaan ama ku ciyaaraan isboortiga sida: Garoomo ay kubadda ku ciyaaraan.!!!!!!!!!!
Sawirkan gacantayda ayaan ku soo qaaday, 19/4/2013.Jimce/hargeysa!
Sawirkan gacantayda ayaan ku soo qaaday, 19/4/2013.Jimce/hargeysa!

Hargeysa waxay runtii u baahantahay in xaaladdan ay ku sugantahay ee loo yaqaanno; (Madiinatul-ashbaax) oo la micno ah;(Magaalo bisaduhu isku wareystaan), laga saaro oo lagu dharariyo magaalooyinka caalamka inta awoodeenna ah.!!!!!!!!Waxaan kaloon jeclaan lahaan si fikiradahaaas 10 ka ah, iyo qaar kaloo badani ba u suuroobaan in aan noqdo,(Lataliyaha Maayarka ee Bilicda iyo Caasimadeynta Hargeysa aan noqdo)!!!

Qore: C/casiis Maxamed Yoonis(ansaari).

Macalin: dhiga luuqadda Ingiriisiga/Aqoonyahan School.

Email: ansaari25@hotmail.com./Tel:00 252 2 4175733.

Hargeysa,Somaliland.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories