HomeMaayar Solteco Waa Hawlkar Bilicda Caasimada Kor u Qaaday

Maayar Solteco Waa Hawlkar Bilicda Caasimada Kor u Qaaday

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Waxaa dhawaan laga baahiyay war sawir ahaa oo telafishanka la yidhaa Star TV ka sii daayay magaalada Hargeysa kaas oo ahaa arrin war dhaliil xambaarsan loo ekaysiinayo balse si cad loo wada arkayay oo ahaa barnaamij olaleysan wariyiyihii warka soo tabinayayna

sida uu u doonayay u soo abaabushay una baahiyay ! Waxaa ka muuqatay oo si cad loo wada arkayay in dadkii la soo sawiray iyo kuwii la waraysanayayba ay ahaayeen qaar ahaa jileyaal si gaar ah loogu soo xafidsiiyay loona soo abaabulay inay warbahinta ka flagaadeeyaan Maayarka caasimadda iyo xildhibaanada golaha deeganka Hargeysa oo isbadal muuqda ka sameeyay Caasimadda dalka.

Hadii aan dib ugu noqdo baaahinta TV gaas Star waxaad ka arkaysay dadweyne waryiyaha Star TV ka soo dhaadhiciyay in ay qashin meel yaalla sanka iska wada qabtan intii warka la duubayay si qashin meel yaalla loogu cambaareeyo Maayarka caasimadda iyo xildhibaanada golaha deeganka caasimadda Hargeysa. Horta qashinku mar walba waa caqabad qaranka iyo magaalo kastaba haysta waana dhibaato jiri jitay imikana jiraysa haddaan si wanaagsan la iskaga wada kaashan shacab iyo dawladba, waa mid canaanteeda kobaad iyo ta labaadba 

dhaliisheeda ay leeyihiin dadku. Isla mar ahaantaasna waa mid waajib ku ah iyana in dawlladda hoosena inta ugu saraysa itaalkeeda ay wax ka qabato qashin ka nadiifinta magaalada waxaa se xaqiiq ah haddii ILLAAHAY laga baqayo in qashinku ka yimaado dadka iyo xaafadaha. Magaalada Hargeysa run ahaan meel walba ku quba.

maanta waxaa ku nool dadweyne gaadhaya siddeed boqol oo kun llaa milyan iyo laba boqol oo kun inta u dhaxaysa kama yara xaafadaha qashinku ka yimaaddaa dhowr boqol oo kun ! col kaa badan iyo biyo kaa badaniba way ku hafiyaan, mas”uuliyadda ugu badan ee qashanku waxay saaran tahay dadweynaha shacabka ah ee ku nool Hargeysa.magaalada 

Shacabka caasimadda Hargeysa waxaa waajib ku ah sidii ay marka horeba qashinka meel urursan oo cayiman ay u dhigi lahaayeen. hadii se qashinka si mas”uuliyad darro ah loogu qubo wadada iyo laamiga la marayo, aqalada hortooda, magaalada dhexdeeda, laagaha iyo dooxaba dee markaa waxaa adkaanaysa is ururinteeda laamiga laga soo ururinayo wadada xaafadaha,, laagaha iyo dooxa wayn ee magaalada Hargeysa laga soo ururinayo.

Mid waxaan u soo jeedinaya wariyeyaasha TV yada gaar ahaan StarTV oo aan leeyahay waar wariyenimadu waxay tahay mehnad qaali ah oo si daacadnimo ku jirto ay dadwaynaha loogu baahiyo loona soo bandhigo warar ku salaysan xaqiiqo jirta iyo warar caqli gali kara balse aan ahayn aflagaaddayn iyo wasikhayn aan eaad lahayn. 

Maayarka caasimadda Hargeisa, Mud Cabdiraxmaan Maxamud Caydiid ( Solteco) isaga iyo xildhibaanadiisuba waxaan aniga iyo dad badaniba aaminsanahay inay dawladda hoose ee magaalada Hargeysa ku soo kordhiyeen qalab casri ah sida baabbuur tiro badan oo ah iska rogoyin,

 cagaf cagafyo kala wada shaqo ah, Buldowsaro iyo wax taariikhda aan gole deegaan oo horeba u qaban horena aan adeegaas loo haysan kaas oo ah gawaadhida dab damiska ee gaadhaya ill todoba ama siddeed baabuur oo waawayn. Waxay qabteen waddooyin wada laamiya oo ay u dambayso wadada tagta madaarka Caasimadda ee Cigaal oo dhawaan bilaabmaysa. Maayar Solteco iyo dhammaan xildhibaanada golaha deeganku waxaan ku leeyayahay ILLAAHAY hawsha aad qaranka u haysaan jasaa;igeeda ha idin siiyo halkaa ka sii wada yaan la idin qalin daarin, gole idinka wanaagsan Hargeysa hore uma soo marin Cayda iyo olalayaasha sidan oo kale ah yaanay marnaba idinka hakin hawl maalmeed kiinna iyo qorshahiinna idiin qoranba.

Maxamud Lafcanbe

Toronto, Canada.

    

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories