HomeMaayar Mooge oo sheegay inuu Heshiisyo la soo galay Shirkado ka caawinaya...

Maayar Mooge oo sheegay inuu Heshiisyo la soo galay Shirkado ka caawinaya Maaraynta Qashinka iyo Dhismaha Jidadka Hargeysa

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Maayarka Caasimadda Somaliland ee Hargeysa Cabdikariim Axmed Mooge ayaa Golaha Deegaanka Caasimadda uga war-bixiyey midho-dhalka safar todobaaddo qaatay oo uu ku tagay waddamo ka tirsan qaaradda Yurub.

Maayar Cabdikariim Axmed Mooge waxa uu sheegay inuu Heshiisyo la Soo galay Shirkado caalami ah oo Dawladda Hoose ee Hargeysa ka caawin doona Maaraynta qashinka, Dhismaha Waddooyinka iyo Faya-dhawrka caasimadda.

blankMaayarka Caasimadda ayaa hadalkan ka sheegay shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Deegaanka Hargeysa oo ay wehelinayaan guddoomiyeyaasha Degmooyinka caasimadda, kaas oo Sabti kasta ku qabsooma Hall-ka shirarka ee Dowladda Hoose.

War-saxaafadeed lagu faahfaahiyey qodobbo ka soo baxay shirka maanta ee Golaha deegaanka Hargeysa, ayaa in Maayarka Caasimadda oo ka warbixinayey Safarka shaqo ee uu ugu maqnaa Dalka Dibadiisa uu sheega inuu Heshiisyo Caalami ah La soo galay Shirkado Dawladda Hoose ka Caawin Doona Maaraynta qashinka, Dhismaha Wadooyinka, Fayadhawrka Caafimaadka.

Qodobbada ka soo baxay shirka Golaha Deegaanka Hargeysa, ayaa lagu sheegay in lagu go’aamiyey in Istaanada Basaska ee ku dhex jira gudaha Caasimadda loo Sameeyo Goob ku Haboon oo ay Dadka Ka qaadan iyo in Caasimadda Hargaysa laga Bilaabo Dhiraynta Goobaha Muhiimka ah.

Sida war-saxaafadeedka lagu sheegay, waxa kale oo shirka lagu go’aamiyey Dardargalinta Cashuuraha Si Kor loogu Qaado Waxqabadka Caasimadda, Dhiirigalinta iyo Abaal marinta Shaqaalaha Dawladda Hoose gaar ahaan kuwii ugu shaqada badnaa iyo ugu dambayntii in Dayactir iyo Dib u dhis lagu sameeyo Xarumaha ay ku shaqeeyaan Maamulka Degmooyinka Caasimadda Hargaysa.

Shirka maanta ee Golaha Deegaanka Hargeysa, waxa goob-joog Guddoomiye ku-xigeenka ahna maayar-ku-xigeenka caasimadda Md Khadar Axmed Cumar oo ay weheliyaan Xildhibaannada Golaha Deegaanka Hargeysa, Guddoomiyeyaasha Degmooyinka magaalada, Agaasimayaasha Waaxaha kala Duwan ee Dowladda Hoose iyo Maamulka Shirkadaha gaarka loo leeyahay ee ka shaqeeya Nadaafadda Caasimadda.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories