HomeMaayar Ku-Xigeenkii Hore ee Burco oo Beeniyey Inuu Muqdisho Xil U Doontay,...

Maayar Ku-Xigeenkii Hore ee Burco oo Beeniyey Inuu Muqdisho Xil U Doontay, Sheegayna Inuu Hawlo Ganacsi U Tagay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)-  Maayar ku xigeenkii hore ee Magaaladda Burco Axmed Cabdi Falay ayaa beeniyey inuu xil u doontay Magaaladda Muqdisho ee dalka Somaaliya, waxaanu sheegay in aanu warkaasi yahay mid aan sal iyo raad-toona lahayn.

Axmed Cabdi Falay oo goor-dhaweyd khadka Telefoonka ugu waramay Tifatiraha Somaliland Media Group  Muniir Axmed Cigaal, ayaa sheegay in uu Magaaladda Muqdisho aanu xil u doonan, balse uu u tagay arrimo Ganacsi oo shakhsi ah, isla-markaana uu sidda ugu dhakhsa badan dalka ugu soo laaban doono.

Waxaana hadaladiisi ka mid ahaa “Waxaan doonayaa inaan halkan ka iftiimiyo aniga oo ah Axmed Cabdi Falay, ahaan jiray-na Guddoomiye ku xigeenka Golaha deegaanka Burco ee hadda xilka wareejiyay kana mid ah Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye, waxaan doonayaa inaan halkan ka iftiimo Warbaahinta kala duwan ee maxaliga ah ee Somaliland oo qoray war aniga igu saabsan oo ay sheegeen inaan Xil u doontay Magaaladda Muqdisho, waxaan doonayaa inaan beeniyo arrintaas  waxaanan hadda fadhiyaa oo aan kala hadlayaa Magaaladda Muqdisho waanan Nabad-qabaa, waxaan caalamka, Somaliland iyo Shacabka u sheegayaa in aan xil u doonan Magaaladda Muqdisho ee Somaaliya, waxaan leeyahay anigu xil uma tagin Magaaladda Muqdisho mana jirto cid aan kala xidhiidhayna, waxaanan u tagay arrimo shakhsi ah oo aniga ii  gaar ah.”

Axmed Cabdi Falay waxa uu sheegay in qaranimadda Somaliland ay tahay mid muqadis ah, waxaanu tilmaamay inuu magaaladda Muqdisho u tagay arrimo Shakhsi, waxaana hadaladisii ka mid ahaa  “Xil Qaran oo aan hadda hayaa ma jiro, waxaan u tagay arrimo shakhsi oo aan cadaynayo Midnimadda Somaliland-na waa muqadis dhiigayga ayay ku jirtaa, Muqdishana hawlo ganacsi oo ii gaar ah ayaan u tagay,  waxaana muhiim ah in Saxaafaddu ay hadda iyo jeer ay wararka xaqiiqda ah qoraan, Xisbiga Kulmiye iyo shacabka reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan waxaan leeyahay warkaasi waa been.”

Maayar ku xigeenkii hore ee Burco waxa kale oo uu sheegay inuu sidda ugu dhakhsa badan dalka ugu soo laaban doono, waxaanu yidhi, “Waxaan ku celinayaa warkaasi inuu yahay war been-abuur ah INSHA ALLAH sida ugu dhakhsaha badan ayaan maanta haddii ay I suurt-gasho waan ku soo laabanayaa Dalka, si dhakhsana waan ugu soo laabanayaa Dalka Gaadhigaygii xitaa waan ka imid, Berbera ayaanan ka sood egi doonaa.”

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories