HomeMaayar Cabdikariin Axmed Mooge iyo Ku-xigeenkiisa oo si rasmi ah Xilalka ula...

Maayar Cabdikariin Axmed Mooge iyo Ku-xigeenkiisa oo si rasmi ah Xilalka ula wareegay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)– Maayarka iyo Maayar ku-xigeenka Cusub ee dhawaan loo doortay magaalada Hargeysa, ayaa maanta si rasmi ah xilalka ugala wareegay maayarkii iyo ku-xigeenkii hore ee caasimadda.

Munaasibadda xil-warejinta maayarka iyo ku-xigeenka cusub ee caasimada Hargeysa oo lagu qabtay xarunta Dawlada hoose ee Hargeysa waxa goobjoog ka ahaa wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, xubno ka mida qaybaha kala duwan ee bulshada iyo shaqaalaha dawlada hoose ee Hargeysa.

blankMaayarkii hore ee caasimadda Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) ayaa ka warbixiyay waxyaabahii u qabsoomay dawlada hoose ee caasimada Hargeysa mudadii uu xilkeeda hayay. Waxa kale oo uu sharaxaad ka bixiyay qorsheyaashii wax-qabad ee u yaalay in ay dawlada hoose ee Hargeysi ku talaabsato.

Cabdiraxmaan Soltelco waxa uu xilka maayarnimo ku soo dhaweeyay maayarka cusub ee caasimada Hargeysa iyo ku xigeenkiisa, isagoo ballan qaaday inuu la shaqayn doono.

Waxa iyana halkaas ka hadlay masuuliyiin kala duwan kuwaas oo ka hadlay muhiimadda ay leedahay dawlada hoose ee caasimada Hargeysa, maadaama oo ay tahay magaalo madaxdii dalka, loona baahan yahay in horumarinteeda si guud looga wada shaqeeyo.

Maayarka cusub ee dhawaan loo doortay caasimada Hargeysa Cabdikariin Axmed Mooge ayaa sheegay isagoo kaashanaaya maayar ku-xigeenkiisa iyo xubnaha kale ee golaha degaaanka degmada Hargeysa ay dadaal u gali doonaan sidii ay isbedel horumar leh ay ugu samayn lahaayeen caasimada Hargeysa, oo ah magaalada ay ku nool yihiin bulsahda ugu dabadani, waxaanuu shacabka caasimada ka codsaday inay la shaqeeyaan golaha degaanka cusub ee degmada Hargeysa.

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa sii sagootiyay golihii hore ee degaanka degmada Hargeysa, waxaanuu soo dhaweeyay golaha cusub ee dhawaan la doortay, isagoo u ballan qaaday in ay la shaqayn doonaan.

Wasiir Maxamed Kaahin Axmed waxa uu bogaadiyey maayarkii hore ee Caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan SOLTELCO oo dib loogu doortay inuu ka mid noqdo Golaha Deegaanka Caasimadda, una tartamayey inuu mar kale ku soo noqdo Xilka Maayarnimo, waxaanu ku ammaanay inuu hankiisa uga tanaasulo maayarka cusub isla markaana uu aqbalay codsi madaxweyne Muuse Biixi ugu jeediyey inuu ka tanaasulo tartanka maayarnimo.

Sidoo kale, Md Maxamed Kaahin Axmed waxa uu Maayarka Cusub Cabdikariin Axmed Mooge kula dardaarmay inuu isku hayo oo khilaafka ka ilaaliyo mudaneyaasha Golaha Deegaanka Hargeysa oo uu sheegay inay kalsoonidooda iyo taageeradooda u hibeeyeen.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories