HomeMaareeyihii hore ee dekedda Berbera oo Xilka ku wareejiyey Mareeyihii uu Xilka...

Maareeyihii hore ee dekedda Berbera oo Xilka ku wareejiyey Mareeyihii uu Xilka kala wareegay 14 bilood ka hor + Xaddiga Deynta uu Dekedda kaga tagay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Berbera, (SLpost)- Maareeyaha cusub ee dekadda Berbera Eng. Cali Cumar Maxamed (Cali Xoor xoor), ayaa maanta xilkii si rasmi ah ugala wareegay maareeyihii hore ee Axmed Yuusuf Dirir.Xafladii xil wareejinta oo lagu qabtay xarunta dekadda Berbera, waxa ka soo qeyb galay badhasaabka gobolka Saaxil, Maayarka Berbera, madaxda laamaha kala duwan ee marsada Berbera iyo marti sharaf kale oo lagu soo casuumay.
blankMaareeyaha hore ee dekadda Berbera Axmed Yuusuf Dirir, oo ka hadlay xafladaasi ayaa ku dooday inuu soo dhawaynayo xil ka qaadistiisa oo uu ku sifeeyay mid ka dhashay sunaha dawladnimo, waxaanu tilmaaamay inuu si niyadsami ah ugu wareejinayo maareeyaha cusub.
“Muddo lix iyo toban bilood ah oo aan xilka maareeyaha dekadda Berbera aan hayay waxaan isleeyahay wax badan oo dekaddu u baahnayd ayaad qabatay, wax badan oo ay u baahan tahayna way hadhsan yihiin, xilkana kolba qof baa haya waana sunne dawladnimo in la isbedelaa,”ayuu yidhi Maareeyihii hore.
blankAxmed Yuusuf Dirir, waxa uu sheegay inuu wax weyn ka qabtay nidaamka shaqada ee dekadda Berbera, waxaanu xusay inuu dhismeyaal cusub ku soo kordhiyay.
Maareeyihii hore wuxuu shaqaalaha iyo madaxda laamaha dekada u soo jeediyay inay ula shaqeeyaan sidii ay isaga ula shaqeeyeen.
Maareeyaha cusub ee dekadda Eng, Cali Cumar Maxamed (Cali xoor xoor) oo hadal kooban ka jeediyay madashaasi ayaa balan qaaday inuu xilkan u gudan doono si daacadnimo ku jirto, waxaanu si weyn ugu mahad celiyay Madaxweyne Siilaanyo oo dib ugu soo magacaabay marsadda Berbera.
“Waxaan ku faraxsan nahay inay dekaddii Berbera mar kale masuuliyadeeda dawladdu igu soo celiso, arrintaasna waxaan si weyn ugu mahad naqayaa Madaxweynaha iyo dawladda uu madaxda u yahay oo dhan, waxaan balan qaadayaa inaan si daacadnimo ah ula shaqayn doono oo illaa halka u dambeysa ah,”ayuu yidhi Eng. Cali Xoor Xoor.
blankWaxa kale oo ka hadlay xafladaasi Badhasaabka gobolka Saaxil Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) waxaanu sheegay inay maamul ahaan sii sagootiyayaan maareeyihii hore oo uu xusay inuu dedaal badan sameeyay sanad iyo badhkii uu xilka hayay, waxa kale oo uu carabka ku dhuftay inay soo dhawaynayaan maareeyaha cusub Cali Xoor xoor.
Labadii maalmood ee la soo dhaafay waxa ka socday magaalada xeebta ku taalla ee Berbera dhaqdhaqaaqyo kala duwan oo lagu soo dhaweynayo maareeyaha cusub ee deka dda Berbera Cali Xoor xoor oo dadweynaha gobolka Saaxil ay si weyn ugu guuxeen magacaabistiisa.

Waxa ahayd 1 September, 2010 markii maareeyaha hadda xilka wareejinayaa uu munaasibad tan maanta ka mug weyn xilka Maareeyaha dekedda kala wareegay masuulkan isagana maanta xilka ka tirsaday, waxaana haatan laga joogaa muddo ku siman 14 bilood.

blankDhinaca kale, markii ay munaasibada Xil wareejintu dhammaatay, waxaa xafiiskiisa shir jaraa’id ku qabtay Madaxa Xisaabaadka ee Dekeda Berbera Cismaan Kabo-weyne oo ayaa sheegay in ay jirto lacag dayn ah oo uu ka tagay maamulkii hore taas oo sida uu sheegay xaddigeedu dhan yahay $118,009 Boqol iyo Sideed iyo Toban kun iyo Sagaal dollarhalka deynta Shilin-ka Somaliland ee uu maareeyihii hore ka tagay ay dhan tahay 1,388,272,088 SL Shilings Hal Bilyan, Sadex boqol Sideed iyo Sideetan milyan laba boqol todobaatan iyo Laba Kun & Sideed iyo Sideetan Shilin.” Waxa uu Madaxa Xafiiska Xisaabaadka ee Dekeda Berbera Cismaan Kabo weyne uu intaas ku daray in Dayntaas aanu maareeyihii hore ku darin Xil wareejinta dhacday.

Somalilandpost.net

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories