HomeMaareeyaha Wakaallada Biyaha Hargeysa oo Faahfaahiyey Mashruuca Biyo Soo-saarka Xumbo-weyne

Maareeyaha Wakaallada Biyaha Hargeysa oo Faahfaahiyey Mashruuca Biyo Soo-saarka Xumbo-weyne

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Maareeyaha Wakaalladda Biyaha Hargeysa Mr. Ibraahin Siyaad Yoonis, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar dadka qaar ku sheegeen in mashruucii biyo soo-saarka Hargeysa ee Xumbo-weyne loo wareejiyey dhinaca Geed-deeble ee ay markii horeba biyaha caasimaddu ka iman jireen.

Maareeye Ibraahim oo shir jaraa’id ku qabtay maanta xafiiskiisa waxa uu caddeeyey in aannu jirin wax iska beddelay qorshihii loo dejiyey mashruuca biyo soo-saarka dawladda Imaaraadku ku deeqday ee Xumbo-weyne oo uu si toos u imanayo xaafadaha loogu talogalay ee aan hore biyaha u heli jirin magaalada Hargeysa, isla markaana dad ujeeddooyin kale leh ay siyaasadeeyeen oo ay been ka sheegeen mashruucaasi.

maareeyaha wakaallada biyahaIsagoo arrintaasi ka hadlayeyna waxa uu yidhi, “Waxa jira mashruuc aad loo siyaasadeeyay maalmahana hadal badani ka taagnaa, waana mashruuca Xumbo-weyne, runtii mashruuca maalmahan uu hadal haynta badani ka taagnaa ayaan doonayaa in aan bulshada la khalday u iftiimiyo xaqiiqda dhabta ah.

Mashruucaa qolada Khalifa Fonudation la yidhaahdo ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa waxay noo qodeen 10 ceel, tobankaa ceel waa in biyahooda lagu xidho degmooyinka Gacan Libaax iyo Maxamuud Haybe, mashruucaa qaybtiisa hore waala dhameeyay oo waxa xidhagga ka jaray Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, lakiin ceelashii halkoodii ayey yaalan oo way inoo dhammaystiran yihiin, beebabkii, baraagihii (Kaydadka) iyo qalabkii biyaha riixayey ayaanu rajaynaynaa inoo bilaabmayaa Isha Allaahu. Mashruucaasi maaha mashruuc geed-deeble la gaynayo, beebkaasi toosbuu Xunbo-weyne uga soo dhaqaaqayaa, Hargeysa-na bariga ayuu ka soo galayaa, waxaanu ku jihaysan yahay degmooyinka Gacan Libaax iyo Maxamuud Haybe.”

Maareeyuhu waxa uu bulshada ugu baaqay in aan la siyaasadayn biyaha, “Mashruucasi Xumbo-weyne aad baa loo siyaasadeeyey oo dadkii waxa laga dhaadhiciyey mashruuc ayaa la duwayaa oo Geed-deeble ayaa la geynayaa, Hargyesa ka wakaalad ahaan iyo ka maareeye ahaa aniga u wada Maareeye ah, Hargeysa biyaheeda waxaan jecelaha in laga ilaaliyo qabyaaladda iyo siyaasadda, saddexdii guri ee isku xigaaba waxay kala taageersan yihiin saddexda xisbi,” ayuu yidhi Md. Ibraahim.

Waxa kaloo uu faahfaahiyey mashruuc kale oo biyo ballaadhin lagu samaynayo caasimadda Hargeysa uu ku deeqay ururka Midowga Yurub, kaas oo lacagtiisu tahay 15 milyan oo Euro, waxaannu yidhi, “Mashruucana wakhtigiisu waa saddex sano, qolada UN Hapitat oo mashruuca la siiyayna shaqaale ayay u qortay, imikana Wakaaladda ayay dhex degan yihiin, heshiiskana waxaanu ku kala saxeexanay inay furayaasha wareejiyaan bisha December 2015-ka. Sababtoo ah mashruucu waa mashruuc balaadhan oo beeb weyn oo 600mt ah. Mashruucaasi hadduu inoo dhamaado waxaanu ku rejo weynahay in 70% biyaha Hargeysa kordhaan, macnaheedu maah xaafadihii biyaha heli jiray ayaa loo kordhinayaa ee xaafadihii hore aan u heli jirin biyaha ayaa helaya.

Hargeysa shanta degmo ee ay ka kooban tahay degmo qudha oo boqolkiiba boqol hesha biyo ma jirto, laakiin biyo la’aantu way ku kala badan tahay degmooyinka, waxaannuse Insha Allaahu rajeynaynaa in guud ahaa Hargeysi biyo hesho waqtiga soo socda, waa marka ay inoo wada hirgaalan mashaariicda biyo soo-saarka ee socdaa.”

Dhinaca kale, Maareeyuhu waxa uu dhaliilay siyaasi xisbiga WADDANI ka tirsan, “Nin xisbiga waddani ka tirsan oo maalin dhaweyd ka hadleyey saxaafad ayaa yidhi mashruuci midawga yurub ee afartanka milayn ee dollar ahaa waala cunay, horta waxaan leeyahay inta uu hadalku afkaga ku jiro ayuu amaanada yahay, midawga yurub-na 40 Milayn may bixine waxay bixisay 15 Milyan oo yuuro, lacagta dawlada Somaliland looma dhiibin midawga yurub ayaa maamula oo ah qayb qayb ayey hayada UN-habitat ugu soo daysaa.”

Ugu dambayn, waxa uu Maareeyuhu sheegay in muddadii uu xilka hayey ee saddexda sanno ahayd waxqabad badani u qabsoomay, isla markaana heerka wakaaladda ee markii uu xilka la wareegay iyo waqtigan yahay mid aad u kala fog.

“Wakaallada Biyaha Hargeysa saddex sanno ayaan xilka hayey, runtii maalintii aan xilka la wareegay wakaallada iyo maanta waa in lays waydiiyaa farqiga u dhexeeya oo waqtigaasi hore dadka biyaha heli jiray ayaa biyo waayi jiray oo waxa dhici jirtay mishiin xumaada ama wax kale, laakiin iminka waxaasi ma dhacaan oo si fiican ayey biyaha u helaan dadka ay biyuhu gaadhaan,” ayuu hadalkiisa ku soo ururiyey Maareeyaha Wakaalladda Biyaha Hargeysa Md. Ibraahim Yoonis.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories