HomeMaareeyaha Wakaaladda Biyaha oo ka Warbixiyey Mashruuca Ballaadhinta Biyaha Hargeysa

Maareeyaha Wakaaladda Biyaha oo ka Warbixiyey Mashruuca Ballaadhinta Biyaha Hargeysa

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Hargeisa (SLpost)- Maareeyaha Wakaaladda biyaha Hargaysa Ibraahim Siyaad Yoonis, ayaa ka war-bixiyay xaaladda wakaalada biyaha, balaadhinta biyo-galinta Hargaysa, dib dhiska iyo habaynta shaqaalaha wakaaladda iyo qorshaha sanadkan.

Maareeyuhu waxa uu ka hadlay balaadhinta iyo biyo galinta Hargaysa wuxuuna sheegay inay wadaan mashruucii biyo-galinta ee ceelasha Xunbo-wayne , Jaleelo oo uu sheegay in qoddidii ceelashu ay dhamaadeen sanadkanna ay bilaabmayaa rakibaadda dhuumihii biyaha ka qaadaayay. Waxa kale oo uu sheegay inay barbar socdaan mashruuca balaadhinta biyaha Geedeeble oo iyagana Ceelal laga qodayo  deegaanka Hora-haadley .

Ibraahim Siyaad YoonisMaareeyaha Wakaaladda biyaha Hargeysa oo warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa, ayaa sheegay in haddii mashruucan lagu guulaysto uu kaafayn doono badi baahida biyo ee caasimadda Hargeysa.

Mar uu maareeyuhu ka hadlayay qiyaasta biyaha la filayo in Hargaysa la soo gaadhsiiyo ayaa waxa uu sheegay in biyaha ceelasha Xunbo-wayne ay dhan yihiin 5000 ilaa 6000 Mitir Kuyuubic oo ah qiyaas Dareeraha lagu cabbiro, halka balaadhinta biyaha Geedeeble ee Hora-haadlay ay dhan yihiin qiyaas ahaan 3000 ilaa 4000 M3 .

Mar uu maareeyuhu ka hadlayay biyo dhawaan loo geliyey xaafada Sheekh Cumar ee Koonfur Galbeed magaalada Hargeysa,  waxaa uu yidhi, “Horta biyuhu waa laba qaybood qayb ceelal laga soo saaro oo Illaahay (SWT) uu dhulka hoostiisi kayd ahaan u dhigay iyo qaar kuwa ku xidhan cimilada oo xiliyada gu’gii la helo oo ah kuwa dooxyada laga helo, markaas biyahan xaafadaas Sheekh Cumar iyo xaafado kaleba waa kuwa xilli-roobaadka ah oo cimilada ku xidhan, waxaana la rajaynaa in sagaalka bilood ee gu’ga biyo ku filan xaafadaas iyo xafaadaha kaleba ay ka helaan.”

Isaga oo maareeyuhu hadalkiisa sii wata ayaa wuxu sheegay in ay Hargaysa u rajaynayaaan inay biyo ku filan heli doonto haddii qorshan biyo galintu soo gabagaboobo, “Wejigii koowaad ee ceelal-qodidda oo imika dhammaadya, waxa ku xiga wejigii labaad ee dhuumaha biyahaas soo qaadaaya sidii loo soo dhigi lahaa,” ayuu yidhi Maareeyuhu.

Ugu danbayntii, waxa uu maareeyuhu mahad naq u soo jeediyay dadwaynaha reer Hargaysa, waxaanu u u ballan-qaaday inay wakhti dhow biyo ku filan ay wada-heli doonaan.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories