HomeMaareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa oo Guddida Joogtada ah ee Guurtida Warbixin ka...

Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa oo Guddida Joogtada ah ee Guurtida Warbixin ka siiyey qorsheyaasha iyo Wax-qabadka Wakaaladda

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Maareeyaha wakaaladda Biyaha Magaalada Hargeysa md. Ibraahim Siyaad  Yoonis, ayaa maanta  Xafiiskiisa  Xog-waran ku siiyey   Xubno ka socda Guddiga Joogtada ah ee Golaha Guurtida Somaliland.

Maareeyuhu Waxa uu xubnahaasi  xog-waran ka siiyey mashaariic ku saabsan dhinaca biyo ballaadhinta Magaalada Hargeysa. Mashaariicdaasi oo uu maareeyuhu sheegay in ay ka kala socdaan  degaanada Geed-deeble, Hora-haadlay iyo Xaraf.

Maareeyaha wakaaladda Biyaha Hargeysa Ibraahim Siyaad, waxa uu sheegay in mashruucaasi ay ka mid yihiin Ceel-weyn oo laga qodayo Geed-deeble, saddex ceel oo kalena  laga qodaayo Hora-haadlay, kuwaasi oo uu sheegay in dhawaan  la gaadhsiin doono beebabkii biyaha ka soo qaadi lahaa  ceelashaasi soona gaadhsiin doona magaalada Hargaysa.

Ibraahim Siyaad YoonisMd Ibraahin Yoonis waxa uu intaa raaciyey in mashruuca Biyaha ee Xaraf ay dhamaatay  howshiisa intii  bad-nayd uguna  mudnayd, dhawaana  aanu  gayn doono  ayuu yidhi Beebabkii biyaha ,waxaanuu maareeyuhu xusay in mashruucaasi  waraabin doono Xaafada   Ayax Kow, Ayax Laba iyo Xaafada sh. Cumar ee magaalada Hargaysa.

Mareeyaha  Wakaaladda Biyaha waxa uu intaa ku daray In ay jiraan sahamo kale oo dhinaca Biya balaadhinta caasimada loogu tala galay, sahamadaasina ay ka socdaan ayuu yidhi maareeyuhu Degaamada Jaleelo iyo Xunba-weyne..Xubnaha Golaha Guurtida ka socday ayaa iyana dhinacooda uga mahad celiyey Maareeyaha sida wanaagsan ee uu u siiyey xog-warankaa, waxaanay tilmaameen inay  si wanaagsan  ugu qanceen  war-bixintaasi uu  siiyey.

Warbixinta Maareeyaha oo dhammaystiran, ayaa u dhigneyd sidan:

“Mudanayaal sida aad la socotaan Wakaaladda Biyaha Hargeysa waxa ay ka masuul tahay biyaha caasimadda Hargeysa, waxaanna la aasaasay 1972-kii wakhtigaa oo aad qiyaasi kartaan dadweynaha ku noolaa caasimadda iyo sida ay u koraysay magaaladu ilaa maanta, iyada oo koritaanka magaalada ayna la socon koritaanka biyuhu oo sida caadada ah waa inay wada socdaan koritaanka magaalada iyo koritaanka biyuhu.

Xaaladda Wakaalada

Mudanayaal sida aynu wada ognahay Wakaaladda Biyaha Hargeysa waxay ka mid tahay hay’adaha dawladda ee ugu mudan in si joogto ah loo la socdo hawlaheeda mar haddii ay hawsheedu tahay noloshii dadweynaha, mudanayaal muddadii aannu maamul ahaan joognay wakaaladda biyaha waxaannu culays badan saarnay laba shay:-

1. Daryeelka nidaamkii (system) hore inoogu jiray

Mudanayaal sida lala wada socdo biyaha magaaladu waxay ka yimaadaan Geed-deeble oo qiyaas ahaan 25KM Waqooyi ka xigta magaalada Hargeysa, lehna laba kaam oo kala ah Geed-deeble iyo Biyo-khadar, oo labadaba ay yaalaan mashiinnada iyo bamamka biyaha soo tuura, una baahan in si joogto ah loola socdo daryeelkooda iyo ka war hayntoodaba, waxaanna Ilaahay mahadii ah in muddadaa labada sanno iyo sideeda bilood ah aannu maamul ahaan wax badan ka qabanay oo ayna dhicin in hal saac ay biyaha magaalada yimaadaa ay isku taagaan cilad ka timi xaga ceelasha, mashiinada iyo bamamkaba.

2. Biyo Ballaadhinta caasimadda Hargeysa

Mudanayaal iyadoo xukuumadda waajibkeeda kowaad yahay in mudnaanta u horreysa la siiyo sidii caasimadda biyo ku filan u heli lahayd ayaa waxaannu samaynay dadaal dheeri ah. Waxaannu magaalada Nairobi kaga qaybgalnay aniga iyo Wasiirka Macdanta iyo Biyuhu shir weyn oo lagaga hadlayey biyo-balaadhinta caasimadda Hargeysa, waxaanna nasiib-wanaag shirkaa Midowga Yurub kaga dhawaaqay inay maalgelin ku samaynayaan biyaha magaalada Hargeysa wejigiisa kowaad, waxaannu soo socday mashruucaasi muddo, nasiib-wanaagna maanta wuu bilaabmay oo wuu socdaa.

Waxa kale oo isna socda mashruuc lagu magacaabo Xaraf Infilteration Gallery oo ah in saddex xaafadood oo ku yaal Koonfurta galbeed ee magaalada oo kala ah Ayax I, Ayax II iyo Sheekh Cumar biyo looga keeno, mashruucaasna intii ugu muhiimsanayd way dhammaatay inta dhiman ee hadhsan oo ah beebkii, barkaddii iyo kaalmihii biyaha qaybin lahaana waxaannu rajaynaynaa in ay ugu dambayn dhammaan doonaan bisha May ee soo socota. Waxaanna mashruucan lacagtiisa iska kaashaday Wakaaladda Biyaha Hargeysa, UNICEF, TS, EU, COCACOLA Compayn iyo dawladda Hoose ee Hargeysa, waxaanaynu ka rajaynaynaa in mashruuca ay biyo fiican oo nadiif ah oo jaban ay ka heli doonaan dadweynaha ku nool saddexda xaafadood oo ay degan yihiin dadweyne aad u jilicsani.

Dhinaca kale oo isna aanu rajo badan ka qabnaa inuu bilaabmo mashruuca Xumbo-weyne oo sida aad la socotaan iyada ooh ore dawladda Imaaraadku inoogu deeqday ceelal oo ay hore uga qoday Xumbo-weyne oo ahaa wejigii kowaad oo aynu mar labaad sugaynay in ay inoo maalgeliyaan beebabka, baraagaha iyo wixii soo raaca ayaa nasiib-wanaag socdaalkii dhawaa ee uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ku tagay Imaaraadka uu kaga codsaday in ay inoo dhammaystiraan mashruuca qaybtiisa labaad, taas oo nasiib-wanaag ay ka aqbaleen, waxaanna aannu rajaynaynaa in ay dhawaan yimaadaan magaalada niman injineerro ah oo ka socda Khaliifa Foundation, ayna qiimayn ku sameeyaan waxa aynu u baahanahay kadibna uu mashruucaasi sidaa ku bilaabmo.

Allaa Mahad Leh

Ibraahim Siyaad Yoonis

Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories