HomeMaareeyaha Shirkadda Dahabshiil Group waxa uu u Hagar-Baxay U doodista Badbaadinta Xaquuqda...

Maareeyaha Shirkadda Dahabshiil Group waxa uu u Hagar-Baxay U doodista Badbaadinta Xaquuqda iyo Xaqa Xawaaladaha Somaliland iyo Kuwa Soomaliya

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Maareeyaha Shirkadda Dahabshiil Group Md.C/rashiid Maxamed Siciid waxa uu u Hagar Baxay U doodista Badbaadinta,Xaquuqda iyo Xaqa Xawaaladaha Somaliland iyo Kuwa Soomaliyaba Ee Aduunka.

Maamulaha guud ee Dahabshiil oo isagu ah ninka maalkiisa iyo maskadiisaba u huray sidii uu uga midha dhalinlahaa rajada ah inaan xawaaladaha Somalida ee dhinaca cariga ingiriiska aan laga joojin lacagaha laysu diro,taas oo uu dhawaan ku dhawaaqay Baanka way nee Barclays in uu iska xidhayo wada shaqayntii uu la lahaa xawaaladaha somalida.

Sidoo kale waxa uu mar kale ka dhawaajiyey Baanka gaarka looga leeyahay dalka Ingiriiska ee Barclays ayaa mar kale waqti dheeraad u ogolaaday wadashaqaynta kala dhaxaysa shirkadda Dahabshiil, iyadoo go’aan uu hore bangigu ugu gaadhay inuu xidhayo xisaabaadka xawaaladaha ay ka hadheen maalmo koobani.

Hadaba waxa laga yaaba hadii uu ku hirgalo Go’aankan uu gaadhay Banigaga Barclays ama   uu sidaasi ku sii adkaysto in uu saamayn xun ku yeelan karo guud ahaan  dadka Soomaalida ah oo in badan oo ka mid ah eheladooda ku dhaqan dalka Ingiriisku ay lacagaha u soo xawili jireen xawaaladaha Soomaalida, iyadoo waqtigan ay innagu soo fool leedahay bisha barakaysan ee Ramadaan oo dadku si wayn isku caawiyaan, waxana tallaabadan bangigu qaaday walaac xoog leh ka muujiyey dad fara badan oo Soomaali iyo ajaaniba isugu jira.

lacagta la isku diro waynu ka war haynaa siday dadka Soomaalidu ugu nool yihiin, dhaqaalaha ay ka qaybqaadato, waxaanan rajaynayaa haddii dawladaha gobolka ee Soomaalidu ku nooshahay iyo kuwa kale ee maanta leh Soomaali baanu caawinaynaa sida Ingiriiska ay arrintan soo dhexgalaan in Bangigu go’aankiisaa ka noqon karo, waayo Bangigu xaaladda Soomaalida lama socdo. Inta badan warar xun-xun oo dagaallo amma rabshado ayuun buu wargeysyada kala socdaa Soomaalida, waxyaabahaasina waa kuwa laga yaabo inay cabsida ku abuureen.

Waxaan shaki ku jirin in haddii ay sidani sii socoto ay hawlaha xawaaladahu gebi ahaantoodba istaagayaan, ma jiri karto xawaalad sii shaqaynaysa, waayo Barclays wuxuu ahaa bangiga keliya ee nidaamka Money Service Business (MSB) dhammaanba baananka kale ee UK ka jira hore ayey u diideen inay la shaqeeyaan xawaaladaha soomaalida ama nidaamka xawaaladaha, Barclays hadda kollay cadaadis dhinaca dawladda UK kaga yimid ayaa sababay sidaanu qiyaasayno inuu joojiyo xidhiidhkii aanu la lahayn” ayuu yidhi Cumar.

Geesta kale waxa aynu ka wada dharagsanahay in ay “Dawladda ingiriisku tahay  halbawlaha ama udub dhexaadka xawaaladaha soomaalida haddii uu joojiyo oo arrintani isla markaana ay sida ku hirgasho way adkaanaysa in lacag la diro, waxaana ay sheegeen dawladda ingiriiska in haddii la joojiyo hawlaha xawaaladaha, marka ay taasi furi doonto suuq madaw oo lacagaha laga diro UK iyo meelaha kale ay gacanta u gallaan kooxo khatar ah, nidamka xawaaladaha soomaalidu wuxuu ahaa nidaam la sharciyeeyey.

Maamulaha Guud ee Shirkadda Dahabshiil Mr. Cabdirashiid Maxamed Siciid oo ka hadlay bal cidii kala qayb qaatay in uu bangiga Barclays uu dib uga laabto isagoo ka hadlayana waxa uu yidhi “Arrintan dad badan oo aannu iska kaashanay way jiraan, kuwo sidooda go’aan u qaatay oo ka shaqaynaya inay wax ka qabtaana way jiraan oo ilaa boqol qof oo mutacalimiinta jaamacadaha waawayn ee caalamka wax ka dhiga sida kuwa Ingiriiska iyo Maraykanka waxay warqad dheer u qoreen dawladda Ingiriiska oo ay ku sharraxeen muhiimada lacagta laga diro dibadduhu u leedahay dadka Soomaalida ah, markaa arrintani waa mid aannu dad badan iska kaashanayno,” ayuu yidhi Maamulaha Guud ee Shirkadaha Dahabshiil Mr. Cabdirashiid Maxamed Siciid.

By. Aadan Maxamuud Caraale

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories