HomeMaareeyaha iyo Tifaftiraha Wargeyska Xayiran ee Hubaal oo Xukunno kala Duwan lagu...

Maareeyaha iyo Tifaftiraha Wargeyska Xayiran ee Hubaal oo Xukunno kala Duwan lagu Riday iyo SOLJA oo Cambaareysay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Maxkamadda Gobolka Hargeysa, ayaa maanta xukun xadhig iyo ganaax iskugu jira ku riday masuuliyiinta wargeyska madaxa-bannaan ee HUBAAl oo loo xayiray dacwad ka dhan ah warar lagu baahiyey taas oo ka socotay maxkamadda.

Maxkamada gobolka Maroodijeex ayaa Mareeyaha wargeyska Hubaal Maxamed Axmed Jaamac (Caloolay) ku xukuntay hal sano oo xadhig ah iyo laba milyan oo shilin oo ganaax ah, halka Tifaftiraha wageyska Xasan Xuseen Cabdilaahi (Xasan Keef-keef) lagu xukumay laba sanno oo xadhig ah iyo laba milyan oo ganaax ah, iyadoo wageyska la sheegay inay xayiraadu saarnaan doonto ilaa inta ay ka dhamaysanayaan xadhigooda.

Garsoore Cismaan Ibraahin Daahir oo ah garsooraha xukumay masuuliyiinta wargeysa Hubaal, ayaa sheegay inay wargeysa Hubaal ku cadaatay inuu aflagaadeeyey madaxweynaha Somaliland iyo safaarada wadanka Ethiopia ee magaalada Hargeysa.

Garsooraha oo ku dhawaaqay xukunkan waxa uu yidhi,“Xasan Xuseen Cabdilaahi oo ah tifatiraha wargeyska Hubaal waxay maxkamadu ku xukuntay laba sano oo xadhig ah iyo laba milyan oo ganaaxa, tifatiruhuna waa ninka qoraalka sameeya ee wixii ceeba iyo wixii kale kala saara, Maxamed Axmed Jaamac oo ah maareeyaha guud ee wargeyska Hubaal waxay maxkamadu ku xukuntay hal sano oo xadhig ah iyo laba milyan oo ganaaxa.”

HUBAALGarsooraha oo sababaynayey xukunka lagu xayiray Wargeyska waxa uu yidhi, “Danbigan aanu ku qaadnay wargeyska waxa weeye inuu aflagaadooyin iyo been abuur ku sameeyey xukuumadda iyo dad kale, waxaana ka mida inay sheegeen in safaarada wadanka Ethiopia ay khamri soo galiso wadanka taas oo ah been. Waxa kale oo ka mid ah inay wax ka sheegeen xukuumada Somaliland iyo madaxda ugu saraysa qaranka, sidaas darteed anaga oo cuskanayna qodobadda 287 iyo qodobo kale wargeyskaas danbigii wuu ku cadaaday.”

“Dacwadan waxa ka hadlay laba daraf kuwaas oo kala ahaa xeer ilaalinta iyo qareenka eedaysanayaasha,kuwaas oo qolana danbiga oogaysay qolada kalana iska difaacaysay. sidaas darteed qareenka eedaysanayaashu iskamay rogin eedayntii loo soo jeediyey, wargeyskana lagama qaadanayo xayiraada, balse waxa laga qaadanayaa marka ay dhamaysteen xukunkooda,” ayuu yidhi Garsooruhu.

Dhinaca kale, Xoghaya guud ee ururka suxufiyiinta Somaliland ee Solja Maxamed Rashiid Muxumed Faarax, ayaa sheegay in ururka suxufiyinta Somaliland ay canbaaraynayaan xadhiga lagu xukumay masuuliyiinta wargeyska Hubaal, waxaanu yidhi, “Waxaanu aad u canbaaraynaynaa oo aanu ka soo horjeednaa xukunka cadaalada-darada ah ee lagu qaaday wargeyska Hubaal oo maalintii labaatanaad xidhan iyo tafatirihii iyo maareeyihii oo lagu xukumay laba sano iyo hal sano, kuwaas oo lagu qaaday xeerka ciqaabta oo aan ahayn xeer madaniya”ayuu yidhi xogyaha ururka saxaafadda, waxaanu intas ku daray, “Suxufiyiintu waxay xaq u leeyihiin in lagu qaado xeerka madaniga ah iyo xeerka saxaafada Somaliland ee dalka u yaala,maaha macquul in la yidhaa wargeys ayaa labaatan cisho xidhnaanaya,dadkii laayeyna way maqan yihiin.”

Garyaqaan Maxamuud Cabdiraxmaan u doodaya wargeyska HUBAAL, ayaa sheegay inay xukunkan ka qaadanayaan racfaan, waxaanu sheegay in xukunkani aanu ahayn mid cadaaladda ku salaysan.

Xukunka lagu riday  masuuliyiinta Wargeyska Hubaal, ayaa ku soo beegmay laba bilood ka dib markii weerar badheedh ah oo masuuliyaddiisa lala xidhiidhiyey madaxdooyada lagu qaaday Xarunta Wargeyskaas iyada oo halkaas dhaawacyo loogu geystay Maareeyaha Wargeyska Maxamed Cabdi (Calooley), waxaanay muddadii wakhtigaas ka dambeeyey xukuumadda looga fadhiyey natiijada baadhista kiiskaas weerarka loogu geystay xarunta Wargeyska.

Haseyeeshee, iyada oo aan wax jawaab ah laga hayn baadhista kiiska weerarkii loo geystay wargeyska Hubaal, ayaa badhtamaha bishii hore ay maxkamadda gobolka Hargeysa soo saartay waaran xayiraad lagu saaray Wargeyska Hubaal, iyada oo lagu eedaynayo in wargeyska lagu baahiyey warar been-abuur ah, waxaanay arrintaas u muuqatay mid lid ku ah laguna daboolayo fadeexaddii ka soo baxday weerarkii lagu qaaday Wargeyska Hubaal oo masuuliyaddiisa lala xidhiidhiyey Madaxtooyada Somaliland, ka dib markii weerarkaas lagu qabtay nin ay walaalo yihiin sarkaal ka tirsan hawl-wadeennada madaxtooyada, iyada oo sidoo kale la ogaaday isla markaana saraakiisha ammaanku xaqiijiyeen in Ragga weerarka geystay ay ahaayeen askar ka tirsan Ciidanka Booliska Somaliland.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories