HomeMaareeyaha Hay’adda Xidhiidhka Raashinka S/land Oo Sheegay Inay WFP Ku Qanciyeen Inay...

Maareeyaha Hay’adda Xidhiidhka Raashinka S/land Oo Sheegay Inay WFP Ku Qanciyeen Inay Beeralayda Dalka Ka Iibsato Cuntadda Waddaniga Ah Ee Ay Soo Saaran

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Gabiley (SLpost)- Maareeyaha Hay’adda Xidhhiidhinta Raashinka Somaliland Yuusuf Cismaan Garas oo uu weheliyo madaxa xafiiska hay’adda WFP ee Somaliland Mr. Achille Aka ayaa shalay booqasho ku tagay magaaladda Gabiley, kuwaas oo uu halkaasi ku soo dhaweeyey badhasaabka gobolka Gabiley Mustafe Shiine.

wfbMaareeye Garas ayaa markii uu ka soo noqday socdaalkiisaasi warbaahinta uga xog-waramay ujeedada socdaalkoodaasi ayaa sheegay inuu ku taxaluqo soo indho-indhaynta xaalada gobolkaas islamarkaana sheegay inay ku qanciyeen hay’adda WFP inay raashinkii ay dibada ka keeni jirtay ay ka iibsato beeralayda Somaliland.

Maareeyaha hay’adda xidhiidhka raashinka Mr Garas waxa uu xussay inuu socdaalkoodaasi daarnaa sidii ay u dhiiri-galin lahaayeen wax-soosaarka dalka si uu yidhi ay hore u sii mariyaan muwaadiniinta Somaliland wax soosaarkooda. Ugu horayna isagoo arrimahaasi ka hadlaya, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay ”Xukuumad ahaan waxa naga go’an sidii aanu u dhiiri-gelin lahayn wax-soo-saarka beeralayda dalka, Xukuumad ahaan waxa aanu ku qancinay Hay’adda WFP, in ay dhiiri-geliyaan wax soo saarka beeralayda dalka, oo ay Hay’adda WFP. ka iibsato beeralayda dalka raashinka ka soo go’a, beerahooda. Arintaasna si rasmi ah ayaanu maanta guul uga gaadhnay, Badhasaabka Gobalka Gabiley-na xafiiskiisa ayuu nagu qaabilay, Madaxdii Hay’adda WFP, way nala qaateen arrintaas, wxaanay noo cadeeyeen in ay diyaar u yihiin iibsashada cuntada wadaniga ah ee aynu beerano”.

Maareeyaha hay’adda xidhiidhka raashinka Somaliland waxa uu ugu baaqay beeralayda dalka inay ka faa’idaystaan fursadaan oo ay libin-laabaan wax soo saarkooda, kaas oo qorshaas cusubna ku tilmaamay mid lagama maarnaan ah. waxaanu kula dardaarmay beeralayda in ay illaaliyaan tayada raashinka, oo marka dalaga la jaro ay waajib tahay in la dhigo meel nadiif ah oo aanay waxyeelo ka soo gaadhayn.

Maareeyaha Hay’adda Xidhhiidhinta Raashinka Somaliland Yuusuf Cismaan Garas, waxa uu tibaaxay in fursadani ay tahay markii u horaysay ee Hay’adda WFP, lagu qanciyo in ay beeralyda dalka ka iibsato cuntada wadaniga ah ee ay soo saaraan, iyada oo Hay’adda WFP, ay raashinka ka soo iibsan jirtay dibada.

Ugu danbayntii, waxa uu Maareeyuhu si weyn ugu mahad-celiyay Badhasaabka Gobalka Gabiley,sidii wanaagsanayd ee uu u soo dhaweeyay wefigoodan iyo sida uu ugu gacan siiyay safarkoodan wax ku oolka ah ee shaqo ee ay ku tageen Gobalka Gabiley.

Dhinaca kale arrintan ayaa noqonaysa mid fursad dahabi ah u ah beeralayda dalka, taas oo la filayo in ay si caaqiibo leh u dhiiri-gelin doonto kordhinta wax-soo-saarka beeralayda, waxaana talaabadan si diiran u soo dhaweeyay beeralayda, iyaga oo uga mahad-naqay masuuliyiintan dadaalada ay ugu jiraan dhiiri-gelinta wax soo saarka beeralayda.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories