HomeMaareeyaha Hay’adda Waddooyinka Somaliland oo ku Dhawaaqay Hankiisa Musharaxnimo

Maareeyaha Hay’adda Waddooyinka Somaliland oo ku Dhawaaqay Hankiisa Musharaxnimo

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa(SLpost) – Maareeyaha Hay’adda Waddooyinka Somaliland Xasan Cali Cismaan ayaa ku dhawaaqay inuu yahay Musharraxa Madaxwayne ku xigeenka isla-markaana uu ka dhex tartamayo Shirka Golaha Dhexe ee Xisbul-Xaakimka KULMIYE oo loo muddeeyay 10-ka bisha November ee foodda innagu soo haysa.

 

Maareeyaha hay’adda Waddooyinka Somaliland oo Xalay Shir-jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay inuu wax badan oo dhanka horumarka ah ka qabtay Somaliland, sidaa daraadeedna la gaadhay xilligii uu Madaxwayne ku-xigeen ka noqon lahaa dalka.

 

Xasan Cali Cismaban oo arrimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi “Waxa ii sharaf ah inaan Bah-weynta Somaliland aan u sheego inaan ahay Musharrax u taagan jagada Madaxwayne ku-xigeenka ee Xisbiga KULMIYE waxaanan ku xigeen u ahay Ciddii ku soo baxda Jagada Madaxwaynaha oo aan la shaqeynaynaa haddii ILLAAHAY yidhaahdo aniga oo aan Kursigaa u doonanayn inaan lacag ama wax kale ku helo laakiin doonaya in sidii la iiga bartay aan Waddanka horumarkiisa ka shaqeeyo”

 

Maareeyaha Hay’adda Waddooyinka Somaliland waxa uu farriin u diray Xubnaha Golaha dhexe ee kala saaraya Musharraxiinta ku loolamaya KULMIYE, “Xubnaha Golaha dhexe ee KULMIYE ee kala reebaya Ragga wada Cararaya waxaan ugu baaqayaa inay dalka u doortaan dadka ay is leeyihiin waxbay u qaban karaan, waayo ? Somaliland maanta ma joogto maalintii nin walba iska cararayey ee uu Suudhka iska soo xidhanayey ee waxa la joogaa xilligii la dooran lahaa dadka horumarka ehelka u ah”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray in horumarka uu ka sameeyay Somaliland ay wada ogyihiin Shacabka Somaliland, “Dhammaan Bah-weynta Jamhuuriyadda Somaliland halka ay joogaanba Saylac ilaa Ceelaayo waa dadkii aan anigu la shaqeeyay runtii oo waxqabadkayguna uu qaybo badan oo bulshada Somaliland ah gaadhay, sidaa daraadeed waxaan is leeyahay haddii ILLAAHAY nagu guuleeyo wax kale oo badan ayaad dalka u qaban kartaan’

 

Musharrax Xasan Cali Cismaan oo la waydiiyey in codka ay Beesha Awdal ku leedahay Golaha dhexe uu ku fashilmi isbarbar yaaca Musharraxiinta badan ee ka soo jeeda Awdal ayaa ku jawaabay, “Waa run oo isbarbar yaac badan baa jira, laakiin Ragga ku jira Golaha dhexe ayay u taalaa inay dalka u soo xulaan qofka ay is leeyihiin dalka wax buu u qabanayaa.”

 

Xasan Cali Cismaan oo la waydiiyey waxa uu kaga duwan yahay Musharraxiinta kale ee ay isku gobolka yihiin ee jagada Madaxwayne ku xigeenka KULMIYE u tartamaya ayaa yidhi,  “Anigu muddo badan ayaan dalka ka maqnaa, laakiin lixdii sannadood ee u dambeeyay waxaan is leeyahay wax badan baad dalka ka qabatay, intii burbrurka ka horna waxaan ahaa aasaasihii Jaamacadda Camuud, fikraddii aan la imid maanta halka ay marayso waad la socotaan iyo inta Jaamacadaha dalku marayaan. Waxa kale oo aan dheerahay waxaan ahaa ninkii la yimid fikraddii ahayd in Laami laga dhigo Waddadii u horeysay ee AWDAL laga sameeyo ee Asarda dhistay, imikana inta waddooyinka dalka ka socota waad arkaysaan, Mashaariic kale oo aan khaasatan gobolka Awdal ka qabteyna way jiraan, maantana waxaan gacanta ku hayaa Mashruuca ugu xoogga weyn oo ah dhismaha Waddada Ceerigaabo ilaa Burco oo runtii waddanka u ah guul-weyn, xisbiga KULMIYE ee aan leeyahay waan ka dhex tartamayaana guul-weyn u ah.” Ayuu yidhi.

 

Maareeyaha Waddooyinka Somaliland Xasan Cali Cismaan, oo la su’aalay in Musharraxnimada uu ku dhawaaqay Madaxtooyadu ku dhalisay iyo in kale ayaa ku jawaabay, “Aniga ayay iga soo go’day oo way fikraddayda (inaan Musharrax noqdo), waxa I wadaana waa dareen ah inaan dadkayga iyo dalkayga wax u qabto, waxaanan leeyahay waxqabad hala igu doorto ee ma lihi Qabiil hala igu doorto oo ma ihi nin Qabiil, laakiin Beeshayda waxaan leeyahay waxqabadkii aan gobolka ka qabtay ha igu doortaan oo ha tixgeliyaan” ayuu yidhi oo uu hadalkiisa ku soo gabogabeeyay.

 

Somalilandpost, Hargeysa Office

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories