HomeMaareeyaha Haamaha Shidaalka oo Sheegay In Aanay Cid U Dabafadhiisanayan Wareejinta Haamaha

Maareeyaha Haamaha Shidaalka oo Sheegay In Aanay Cid U Dabafadhiisanayan Wareejinta Haamaha

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

Berbera(SLpost)-Maareeyaha haamaha shidaalka Saleebaan Siciid Cali ayaa sheegay inay wareejinayaan haamaha shidaalka, isla markaasna aanay cidina ka hor istaagi karin.

Waxa uu maareeye Saleebaan dhaliilay dad shacab ah oo dhawaan ka hadlay Berbera oo dhaliilay wareejinta haamaha shidaalka, waxaanu sheegay inay wakhtigan diyaar u yihiin wareejintooda.

01

Waxa uu sidan maareeye Saleebaan u sheegay shir jaraa’id oo uu kula hadlay warbaahinta waxaanu hadalkiisa ku bilaabay “Dadkii sida xun uga hadlay haamaha shidaalka aad iyo aad ayaan uga xumahay odhaahihii ay ku hadlayeen,waxay ahayd runtii mid aan qaranimada iyo shaqsiyadooda toona ku wanaagsanayan, qaran ayaynu nahay oo madaxweynaha,wasiirada iyo maareeyaha haamhuba qabiil maaha,waxa mudan in shaqada qaranka iyo qabyaalada aad loo kala saaro waliba ragii meesha ka hadlaayay waxay u badan yihiin rag haayado dawladeed ka shaqeeya, kuwaas dawlada u shaqeeya ee haayadii ugu lacagta badnaa jooga ee hadana abaabulka samaynaaya ha xishoodaan.”

Maareeyaha oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi“Haamaha waanu wanaajinay oo waanu ka shaqaynay oo meelfiican ayay maraynaa madaxweynaha amarkiisa ayaan kagaga shaqeeyay, waxaanu ugu talo galay hadii uu helo maalgashi caalami ah iyo mid maxali ahba oo wax lagu kordhin karo waanu qaadanaynaa oo cidna loo daba fadhiisan maayo, hadii aanu aragno inay kaga waxtar badato intii aanu anagu haynay, haday la anfac noqon waydo oo aanu u aragno waxaan noo qalmayna sidii TOTAL looga noqday ayuunbaa looga noqonayaa, laakiin waa tijaabo oo waxa la eegayaa inuu terminaalku hagaago, haduu hagaagi waayo oo meelintii lagu wareejiyay dhaami waayana sida kuwii horeba looga soo celiyay ayaa looga soo celin doonaa, haamaha waanu wareejinaynaa oo waxaanu ku wareejinaynaa shirkadaha maxaliga ah,  waana hadii laysla waafaqo madaxweynaha ayaa ikhtiyaarka leh oo dastuurka ayaa siinaya.”

Ugu danbayntii waxa uu maareeyahu muujiyay jacaylka uu u qabo madaxweyne Siilaanyo“Madaxweynaha waxaan abaal u hayaa in aan la soo koobi karayn, waxaanan la shaqaynayaa hadaan xilka hayo iyo hadii aanan haynba, waa madaxweynahaygii waxaanan ku jiraa masuuliyiinta yar ee uu shahaado ku siiyay waxqabadkoodii.”

Berbera Somaliland

Somalilandpost

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories