HomeMaareeyaha Haamaha Keydka Shidaalka oo Barraxay Shaqsiyaad iyo Shirkado loo tuhmay Lahaanshaha...

Maareeyaha Haamaha Keydka Shidaalka oo Barraxay Shaqsiyaad iyo Shirkado loo tuhmay Lahaanshaha Mishiin Tayada Shidaalka lagu baadhayo

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

maareyahaBerbera (SLpost)- Maareeyaha Haamaha Keydka Shidaalka Somaliland ee magaalada Berbera Sheekh Saleebaan Siciid Aw Cali, ayaa ka war-bixiyey Laab (Mishiin) hawshiisu socoto oo laga hirgelinayo Berbera, kaasoo lagu hubin doono tayada Shidaalka iyo Saliidaha dalka soo galaya, waxaanu intaas ku daray oo uu ka warramay Mashaariicda horumarineed ee intii uu joogay laga fuliyey Haamaha Keydka oo uu xusay inay ka mid yihiin hirgelinta Shan Haamood oo cusub.

Maareeye Sheekh Saleebaan oo shalay Shir Jaraa’id ku qabtay Xarunta Haamaha Keydka Shidaalka ee magaalada Berbera, waxa uu sheegay in Laabkaas oo la siyaasadeeyey, isla markaana Siyaasiyiin iyo dad kala duwan qaarba cid ku sheegeen inay leedahay, balse aan warkaas waxba ka jirin ee uu Laabku yahay Hanti uu leeyahay Qaranka Somaliland, isla markaana lagu bilaabay oo lagu keenay amar uu Madaxweynaha Somaliland ku bixiyey in dalku yeesho Laab lagu baadho tayada Shidaalka dalka imanaya, dhaqaalaha lagu hirgelinayaana yahay Hanti Qaran.

Sheekh Saleebaan Siciid Aw Cali oo sharraxaya waxyaabaha u qabsoomay muddadii uu Maareeyaha ka ahaa Haamaha Keydka Shidaalka, waxa uu yidhi; “Intaannu joognay Haamaha Kedyka Shidaalka Berbera, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu amar ku bixiyey in la dardargeliyo oo wax muuqda laga qabto Haamaha Keydka Shidaalka, waxaana ka qabsoomay waxaan ka qabsoomin muddadii ay Shirkaddii caalamiga ahayd ee TOTAL gacanta ku haysay intii uu Madaxweynuhu gacanta Xukuumadda soo geliyey, kana qaaday qoladii hore ee maamuli jirtay (TOTAL).”

“Runtii immika Mashruuca koowaad Shan Haamood baa dhammaaday oo hore Madaxweynuhu u furay, waddada aad arkaysaan ayaa dhammaatay, Mishiinnada cusub ee hadda baxaya ayaannu keennay, saddex Taangi oo cusub oo immika la dhisayo oo weliba laga tuurayo Toolalka xun oo Toolal cusub lagu samaynayo oo Shirkad Kuuriyaan ahi dhisayo ayaa hadda la bilaabayaa oo toban kun oo Mitir-kuyuub ah oo Mad waxweynuhu dhawaan dhagax-dhigay.” Sidaa ayuu yidhi Sheekh Saleebaan.

Waxaanu Maareeyuhu intaas ku sii ladhay; “Laabkan aynu hadda fadhino ayaa ah wax-qabadka ka ugu muhiimsan, dad baa siyaabo badan uga hadlaya, qaar baa leh dad baa leh, Shirkad baa leh. Laabkani waa Hanti Qaran, waxa leh Jamhuuriyadda Somaliland, waxa laga dhisayaa Hantida Qaranka, waxa maamulkiisa iyo gacan-ku-hayntiisa-ba leh Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan Haamaha Keydka Shidaalka, Shahaadada, Cidda Maamulaysa iyo Cidda baadhaysa-ba waa qaab farsamo, waa siyaasad ay Xukuumaddu leedahay cidda ay gacanta u gashanayso, laakiin waa Hanti Qaran. Cidda maanta ka hadlaysa ee wax sheeg-sheegaysaa waxay xaq u leedahay annagaa dhisayna annagaa wadna ee inay wax naga weydiiyaan.”

Maareeyaha Haamaha Keydka Shidaalka ee magaalada Berbera, waxa uu sheegay in wakhtiyo kala duwan oo hore aad Ganacsatada iyo Gaadiidlayduba uga cawdeen Tayada Shidaalka, isla markaana iyadoo taa laga duulayana uu Madaxweynaha Somaliland Axmed-Siilaanyo ku amray in la fuliyo Laab lagu baadho Shidaalka dalka soo galaya tayadiisa iyo tamartiisa-ba, sidaa awgeedna ay Maamul ahaan fuliyeen amarka Madaxweynuhu faray, filayeenna in Bulshada Somaliland soo dhawayn doonto tallaabadaas Mucaarad iyo Muxaafid maaddaama oo ay tahay tallaabo dhinaca horumarka loo qaaday, muhiimna tahay hubinta tayada shidaalka dalka imanaya, balse aanay filaynin in la dhaleeceeyo oo boogo aanu lahayn loo yeelo Laabkaas lagu baadhayo shidaalka oo uu sheegay inay Shirkaddii ugu habboonayd ee heer caalami ah ka soo iibsadeen sida uu ku dooday Maareeye Saleebaan.

“Qofku marku yahay Siyaasi raba Kursi waxa wanaagsan ee dalka iyo dadka u soo kordha inuu soo dhaweeyo ayaa habboon ee aanu dhaleecaynin. Madaxweynaha Somaliland amarkiisa ayaannu Laabkan ku fulinnay, waanu fuli doonaa, Madaxweynuhu wuu dhagax-dhigay waanu furi doonaa, waana Hanti Qaranku leeyahay, waana qayb uu u soo kordhiyey Muwaaddiniinta Somaliland oo uu ku ilaalinayo oo uu doorashada dambe ku geli doono, waxaanu ka mid yahay Laabku wax-qabadka Xukuumadda.” Sidaa ayuu yidhi Maareeyaha Haamaha Keydka Shidaalka Somaliland ee magaalada Berbera.

Maareeyaha Haamaha Keydka Shidaalku waxa uu sheegay in Saxaafadda qaarkeed ay wax ka qoreen Laabkaas iyo weliba Koonteenarro yaalla Xarunta Haamaha Keydka, kuwaasoo uu sheegay inay qoreen warar sheegaya in Koonteenarradaas Alaabooyin lagu qarsanayo, balse aanay taasna waxba ka jirin ee ay yihiin kuwii lagu keenay qalabka Laabka lagu baadhi doono noocyada kala duwan ee Shidaalka iyo Saliidaha dalka soo galaya sida uu Maareeyuhu sheegay. Waxaanu ku dooday in horumar fiican oo intii Somaliland jirtay aan la gaadhsiin Haamaha Keydka Shidaalka la gaadhsiiyey intii ay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo talada haysay.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories