HomeMaareeyaha Guud ee Oomaar Global oo Shirkii Maalgashiga Somaliland ku soo bandhigay...

Maareeyaha Guud ee Oomaar Global oo Shirkii Maalgashiga Somaliland ku soo bandhigay Doorka Shirkaddu kaga jirta Koboca dhaqaale ee dalka iyo adeegyada Bulshadaa

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

“Markii ay dadkani soo laabteen, ma jirin guryo ay seexdaan, cunto ay cunaan iyo biyo ay cabbaan, haba yaraatee waxba may jirin, xataa may jirin shuruuc dadka kala hagta wakhtigaas. Laakiin, waxay ahaayeen dadka ganacsatada ah ee Oommaar Group ka mid tahay, kuwaas oo buuxiyey kaalintaas bannaanayd” – Oomaar Global Chief Executive

London (SLpost)- Maareeyaha Guud ee Shirkadda Xawiladda Lacagaha ee Oomaar Global Xasan Maxamuud Cige, ayaa faahfaahin ka bixiyey doorka ay shirkad ahaan ka jiraan koboca dhaqaalaha dalka iyo adeegyada kala duwan ee ay u qabtaan shacabka oo xawilaadda iyo isku-beddelka lacaguhu ugu muhiimsan yihiin.

xasan omar ukShirkii maalgashiga ee dhowaan lagu qabtay magaalada London ee dalka Ingiriiska oo ay ka qayb-galeen shirkado caalami ah, siyaasiyiin iyo wefti madaxweynaha Somaliland hoggaaminayey, dadkii ka hadlay waxa ka mid ahaa ganacsato u dhalatay Somaliland, kuwaas oo iftiimiyey qiimaha maalgashi ganacsigu iyo xidhiidh dhexmara ganacsatada Somaliland iyo kuwa Adduunka ugu fadhiyo Somaliland.

Maareeyaha Guud ee Oomaar Global Md Xasan Maxamuud Cige oo ka mid ahaa ganacsato u dhalatay Somaliland oo ka qayb-galay shirkii Maalgashiga Somaliland ee 14-kii bishan lagu qabtay magaalada London ee dalka Ingiriiska, waxa uu shirkaas ka jeediyey khudbad dhinacyo badan taabanaysa oo dareen ahaan soo jiidatay Ka-qayb-galayaashii goob-joogga ka ahaa shirkaas, isaga oo ka warbixiyey doorka Shirkadda Oomaar Company ku leedahay koboca dhaqaale ee dalka iyo adeegyada ay u bulshada u qabatay ilaa wakhtigii dagaaladii sokeeye ee shacabka Somaliland ku jireen xeryaha Qaxoontiga ee dalka Itoobiya.

Maareeye Xasan Maxamuud Cige oo arrimo badan ka hadlay waxa makarafoonka ku soo dhaweeyey Safiirka dawladda Ingiriiska u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Ambassador Neil Wigan oo hagayey khudbadaha ay halkaas ka soo jeedinayeen masuuliyiinta ka socotay shirkadaha laga leeyahay Somaliland ee shirkaas ka hadlay.

Maxamuud Cige waxa uu ugu horeyn ka hadlay kaalintii shirkadda Oomaar ka soo qaadatay koboca dhaqaalaha dalka ka dib burburkii iyo qaxii shacabka iyo dalka ka soo gaadhay dib-u-xoreynta dalka.

“Aan dib idiinku celiyo 23 sanno horteed, waxay ahayd 1991-kii markii shacabka Somaliland bilaabeen inay ku soo laabtaan dalkooda si ay u soo arkaan wixii hantidooda uga hadhay, iyaga oo ka soo laabanayey xeryahah qaxoontiga oo ay u qaxeen markii dawladdii wakhtigaasi laynaysay shacabka.

Markii ay dadkani soo laabteen, ma jirin guryo ay seexdaan, cunto ay cunaan iyo biyo ay cabbaan, haba yaraatee waxba may jirin, xataa may jirin shuruuc dadka kala hagta wakhtigaas. Laakiin, waxay ahaayeen dadka ganacsatada ah ee Oommaar Group ka mid tahay, kuwaas oo buuxiyey kaalintaas bannaanayd, iyaga oo u keenayey waxyaabaha lagama maarmaanka u ah nolosha,” sidaas ayuu yidhi Maareeye Xasan Maxamuud oo ku khudbadaynayey luqadda Ingiriisiga.

Xasan Maxamuud waxa uu sheegay in wakhtigaas ay ganacsatadu qaadayeen masuuliyadda ammaanka Maraakiibta ganacsi ee raashinka iyo qalabka kale ee lagama maarmaanka u ah nolosha shacabka ay saaran yihiin. “Taasi waxay muujinaysaa bisaylka shacabka Somaliland iyadoo aanay jirin shuruuc iyo qawaaniin dadka kala hagaysay. Maanta oo ay ka sii nabdoon tahay, waxa aan ugu baaqayaa maalgashatada inay hantidooda u huraan Somaliland oo aanay seegin fursadda ka bannaan kheyraadka dihin ee Jamhuuriyadda Somaliland,” ayuu yidhi Xasan Maxamuud.

Maareeyaha Oomaar Global, waxa uu tafaasiil ka bixiyey adeegyada ay shirkadaha Oomaar Group u qabtaan bulshada iyo doorka ay ka qaataan koboca iyo horumarka dalka.

“Oomar Group waxay ka shaqaysaa kana soo qayb-qaatay dhismaha qaranimo ee JSL waxaananu diyaar u nahay inaanu gacmaha is-qabsanno maalgashatada danaynaysa inay maalgashadaan kheyraadka dihin ee Jamhuuriyadda Somaliland,” ayuu yidhi Xasan Maxamuud Cige, waxaanu intaas ku daray, “Halkan (Ingiriiska) waxaanu ka haynaa ganacsi udub dhexaad u ah nolosha shacabka Somaliland oo ah qayb xawaaladda. Waxaanu aaminsannahay in xawaaladdu tahay isha kaliya ee Dibadeed ee furaha u ah Dhaqaalaha waddamada soo koraya, Somaliland-na kuwaas ayay ka mid tahay,” sidaas ayuu yidhi Xasan Maxamuud.

HALKAN KA DAAWO HADALKA UU KA JEEDIYEY

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories