HomeMaareeyaha Guud ee Dahabshiil Group, Cabdirashiid Dahabshiil oo Ka Hadlay Sicir-bararka Somaliland

Maareeyaha Guud ee Dahabshiil Group, Cabdirashiid Dahabshiil oo Ka Hadlay Sicir-bararka Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

HARGEYSA (SLpost)- Maareeyaha shirkadda Dahabshiil Mr. Cabdirashiid Maxamed Siciid Ducaale ayaa soo jeediyey in ganacsatada, xukuumada, shirkadaha telefoonada iyo shacabka oo midaysan, oon cadow isu-arkayn degdeg uga shaqeeyaan xakamaynta sicir-bararka.

Mr. Cabdirashiid Ducaale oo Idaacada BBC, laanteeda Afsoomaaligu ayaa qiray inay waajib ku tahay xukuumadaha ilaalinta sicir-bararka, sida caalamka oo dhan Ingiriiska, Kenya way ilaaliyaan sicir-bararka, waana masuuliyad saaran xukuumada iyo Baanka Dhexe.

DahabshiilMar la weydiiyey maadaama aanay Soomaliland keliya ahayn meelaha lacagaha telefoonada lagu shubto, balse Kenya oo kale laga adeegsado, waxa ay kaga duwan tahay ee looga cabanayaa, waxa uu yidhi:“Xaqiiqadii, lacagta teelfoonada lagu isticmaalo waa ta dalku leeyahay, Kenya waxa ;la isticmaalaa MPesa,

Dollar kuma shaqeyso ee waxay ku shaqqeysaa lacagta waddanka, iyadoo lacagta lagu shubi karo qiyaas leedahay, oo Baanka Dhexe ee Kenya xukumo.

“Soomaalida lacagaha laga isticmaalo ta dollarka ayaa u badan inkastoo meelo ta soomaaliga laga isticmaalo, ganacsatada, dawlada iyo shirkadaha telefoonada iyo shacabku inay ka wada shaqeeyaan waa muhiim, si sicir-bararka loola dagaalamo.

“sicir bararku markuu dhaco dadkii jilicsanaa ee raashinka iyo alaabada iibsanayey ayey ku qaali ah ku noqonaysaa, markaa iyadoo laga midaysan yahay, oon laysu arag in cadow laysu yahay waa in laga wada shaqeeyo, sida ugu dhakhso badan waa muhiim.

Mar la weydiiyey haddii lacagaha telefoonada lagu isticmaalo Soomaaliland iyo Soomaaliya yihiin dollar, waxna lagu kala iibsado, waa maxay sababta keenaysa sicir-bararka, haddaan lacagta shillinka la isticmaalayn, waxuu yidhi:

“Sida Kenya loo isticmaalo lacagtii shillinka ayaa khasab ah in dhulka Soomaalida laga isticmaalo, dad baa mushaharkooda ku qaata Somaliland shillin ama Soomaaliya shillin, khasab dhaqaalahii waddanka way saamaynayaa, isticmaalkii lacagta dollarku way qiimo-riday shillinkii, tusaale shillinka Somaliland mar ayuu sarifkiisu ahaa saddex kun halka dollar, maantana todoba kun iyo dheeraad weeye, sicir-bararka macnaheedu waa qiimo-beelka lacagtii shillinka.

Mar kale oo wax laga weydiiyey doodo muddo socday oo ku saabsan in shirkadaha telefoonada ee soomaalidu raacaan shuruucda lagu ogaanayo qofka lacagaha diraya iyo kuwa soo diraya, inay ula muuqato in wakhtigan loo baahan yahay, waxuu yidhi:“baarlamaanku shuruuc la xidhiidha xakamaynta lacagaha la maydho (money laundering) ayuu ansixiyey, shirkadaha telefoonadu liisan ayey ka qaataan baanka dhexe Soomaaliya ama Somaliland, shirkadaha telefoonada dan ayey u tahay inay sharciga ilaaliyaan.”

Mar su’aal laga weydiiyey in shuruucdaasi soo gelayaan in qofka lacagta diraya iyo ka loo dirayo in la ogaado haddii baadhitaan daba-gal looga baahdo, waxa uu yidhi Cabdirashiid:

“Sharcigu waxa uu leeyahay qodobo shirkadaha ku khasbaya inay raacaan ama fuliyaan sida bangiyada adduunku u shaqeeyaan. Shirkad walba way ku khasban tahay inay sharciga ilaaliso oo la shaqeyso Baanka dhexe ee waddanka ay ka hawlgasho oo fuliso, lana dagaalanto sicir-bararka.’

Maareeyaha shirkada Dahabshiil Mr. Cabdirashiid M. Ducaale waxa uu tibaaxay inay soo dhoweynayaan, isla markaana fulinayaan go’aamadii xukuumada Somaliland ka soo saartay xakamaynta sicir-bararka, isaga oo sheegay inay cid walba oo ay xakamaynta sicir-bararku khusayso kala shaqaynayaan fulintooda, diyaar u yihiin sidii danta shacabka loo arko.”

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories