HomeMaareeyaha Cusub Ee Hay'adda Duulista Iyo Madaarrada Somaliland Oo Xilka La Wareegay

Maareeyaha Cusub Ee Hay’adda Duulista Iyo Madaarrada Somaliland Oo Xilka La Wareegay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

“Qofka Iigu Dhowi Wuxuu Noqon Doonaa Qofka Ugu Shaqada Wanaagsan” – Maareeye Cumar-Sayid

Hargeysa (SLpost)- Maareeyaha Cusub Ee Hay’adda Duulista  Iyo  Madaarrada Somaliland Cumar Cabdilaahi Aadan (Cumar-Sayid), Ayaa Xilkii Kala Wareegay Maareeyihii Hore Ee Hay’addaasi Cabdi Maxamed Rodol Oo Uu Dhawaan Xilka Ka Qaaday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi.

blankMunaasibada Xil-Wareejinta Oo Ka Qabsoontay Xarunta Guud Ee Hay’adda Duulista iyo Madaarrada Ee Magaalada Hargeysa, Ayaa Waxa Ka Qaybgalay Masuuliyiin Ka Socday Laama Xukuumadda Oo Ay Kamid Yihiin, Guddoomiyaha Guddida Maamul-Wanaaga Iyo La-Dagaalanka Musuqmaasuqa, Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Tamarta Iyo Macdanta, Agaasimaha Guud Ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda, Madaxda Iyo Shaqaalaha Hay’adda Duulimaadyada, Wakiillo Ka Socday Shirkaddaha Diyaaradaha Iyo Marti-Sharaf Kale.

Maareeyaha Hore Ee Xilka Wareejiyey Cabdi Maxamed Rodol Oo Ugu Horayn Xafladdaasi Hadal Ka Jeediyey, Ayaa  Ka Waramay Waxyaabihii Ugu Muhiimsanaa Ee U Qabsoomay Intii Uu Xilka Hayey, Waxaanu Sheegay Inay Dib-Hagaajin Iyo Casriyeyn Uu Ku Sameeyey Dhabaha Diyaaraduhu Ka Duullaan,gaar ahaan Calaamadaha Runway-ga oo Sameeyey Dhamaan Caalamadaha Lagama Maarmaanka Ah Ee Diyaaraadaha adeegsadaan.

blankMaareeye Hore Rodol Waxa Kale Oo Uu Tilmaamay Inay Hay’addu Howlgalisay Dad Muwaadiniin Ah Oo Aqoon U Leh Howlaha Duulimaadyada, Adeegyada Kala Duwan Ee Madaarku Bixiyana Lagu Wareejiyey Muwaadiniin “TaxiWay Dheeraad Ah Ayaanu Samaynay, Calaamadihii Dhabooyinka Ee Gelista Iyo Bixida Waanu Samaynay. Meeshan ICAO Gacanta Ku Haysay, Hadday Tahay Hagida Diyaaradaha Iyo Adeegyada Kale Ee Madaarka  Dad Reer Somaliland Ah Oo Muwaadiniin Ah Ayaa Gacanta Ku Haya”Ayuu Yidhi Isagoo Intaasi Raaciyey “Micnaheedu Maaha Dad Ajanib Ah Waan Ka Maraanay, Laakiinse Waxa Weeye Waxaad U Timi Meel Ay Qayb Walba Ka Shaqaynayaan Dad Reer Somaliland”.

blankMaareeyaha Cusub Ee Xilka La Wareegay Cumar Cabdilaahi Aadan (Cumar Sayid), Oo Isaguna Halkaasi Ka Hadlay, Ayaa Sheegay In Uu Karti, Aqoon Iyo Waayo-Aragnimo Wixii Uu Leeyahayba Gelin Doono Horumarinta Hay’adda Duulimaadyada Iyo Maamulka Madaarada, Kaashanna Doono Shaqaalaha Kala Duwan Ee Halkaasi Ka Howl-Gala.”Aad Iyo Aadbaan Ugu Faraxsanahay In Aan La Wareego Xilka Hay’adda Duulista  Iyo Madaarada Oo Aan Muddo Dheer Ka Soo Shaqaynayey. Waxaan Aad Iyo Aad Ugu Mahad-Celinayaa Madaxweynaha JSL Oo Xilalka Qaranka Laf-Dhabartoodii U Dhiibay Dhalinyarada”Ayuu Yidhi Maareeye Cumar Sayid.

Maareeyuhu Isagoo Hadalka Sii Wada Waxa Uu Balan Qaaday “Anigoo Adeegsanaya Khubarada, Agaasimeyaasha Iyo Shaqaalaha Hay’addan Waxaan Rajjeynayaa In Aanu Sanadaha Soo Socda Jeexno Wado Horumar Ah Oo Uu Qarankani U Aayo Oo Ah Higsiga Ay Higsanayaan Madaarradu”Ayuu Raaciyey.

blankMaareeyaha Waxa Kale Oo Uu Intaasi Ku Daray “Somaliland Waxa Ay Ku Taalla Meel Istaraatiiji Ah. Mandaqadaas Istaraatiijiga Ah Waxay Koobsanaysaa In Aan Tartan Kula Jirno Madaarrada Kale Ee Gobolka, Tartankaana Waxa Lagu Gelayaa Oo Lagu Tartamayaa Adeeg-Wanaaga, Hufnaanta Iyo Soo Dhaweyn, Markaa Waxaan Rajjeynaynaa Annagoo Iskaashanayna Dawlad Iyo Shacab In Aan Horumar Gaadhno”.

Maareeyuhu Waxa Kale Oo Uu Shaqaalaha Hay’addaasi U Balanqaaday Inuu Kula Dhaqmi Doono Nidaam Wanaagsan Oo Cadaalad Ah, Isagoo Tilmaamay “Shaqaalaha Waxaan Leeyahay, Waxa Innaga Dhaxaynayaa Waa Shaqo Wanaag… “Qofka Iigu Dhowi Wuxuu Noqon Doonaa Qofka Ugu Shaqada Wanaagsan”

blankAgaasimaha Guud Ee Wasaaradda Macdanta Iyo Tamarta Mukhtaar Maxamed Cali, Guddoomiyaha Hay’adda Maamul-Wanaaga Iyo La-Dagaalanka Musuqmaasuqa Dayib Xaaji Cali, Agaasimaha Guud Ee Hay’addaha Shaqaalaha Iyo Cabdiqafaar Oo Ku Hadlayey Afka Shirkaddaha Diyaaradaha Oo Xafladaasi Iyaguna Hadallo Ka Jeediyey, Ayaa Soo Dhaweeyey Maareeyaha Cusub, Waxaanay Booriyeen In Uu Dardar Geliyo Shaqada Ay Hay’addaasi Qaranka U Hayso, Iyagoo Dhinaca Kale Maareeyihii Hore Ku Bogaadiyey Waxqabadkiisa Muddadii Uu Xilka Hayey.

Masuuliyiintan, Ayaa Maareeyaha Cusub Kula Dardaarmay Inuu Wax Ka Qabto Gol-Daloolooyinka Shaqada Hay’addaasi, Hadday Tahay Dhinaca Adeegyada Madaarrada Iyo Hadday Tahay Kor U Qaadista Muuqaalka Hay’adda Duulimaadyada Ee Heer Qaran, Isagoo Adeegsanaya Khibrada Uu Ka Kasbaday Wakhtigii Dheeraa Ee Madaxda Ka Ahaa.

blankMaareeye Cumar Cabdilaahi Aadan Oo Hadda Ahaa Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Gaadiidka Iyo Horumarinta Jidadka, Ayaa Hore U Soo Noqday Maamulaha Madaarka Hargeysa, Isagoo Markii Dambena Agaasime Guud Ka Noqday Wasaaradda Duulista Hawada Xilligii Xukuumadda Axmed Siilaanyo.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories