HomeMaanta Waa Maalinkaagii – W/Q: Cabdiraxmaan Cabdilaahi

Maanta Waa Maalinkaagii – W/Q: Cabdiraxmaan Cabdilaahi

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...
Cabdiraxmaan Cabdilaahi
Cabdiraxmaan Cabdilaahi

Qofyahaw hadaad waabariisato ha sugin galabnimo,ogsoonaw maalintaad waabariisato waa maalintaadii dhab ahaantii intaad nooshahay waa maalin kaliya, ka yeel nolosha maalinkan maantadaad dhalatay ,maalinkaad dhimanayso.

Maalinkan uqaybi saacado,kayeel daqiiqadihiisa sannado,minidkiisana kayeel billo,waxa ka beermi khayr, mid qurux badan ayuu noqon, dambi dhaaf ayaad dalbi,rabbigaa ayaad xusi, waxaad u diyaar garoobi anbabax waxaad ku noolaan maalinkaa farxad iyo badhaadhe, raali ayaad ka noqon maalinkan xaaskaaga, caruurtaada, gurigaaga, iyo heerkaad nolosha ka taagantahay .

Dushaada waxa ah inaad qalbigaaga ku qorto kalmad kali ah naftaadana u sheegto, kuna tidhaahdo “Maanta waa maalinkaygii”

Hadaad naftaada runta u sheegto, si adagna ugu tidhaahdo “Ma noolaanayo illaa maalinkan mooyee” markaas ayaad ka faa’iidaysan maalinkan, ood noolayn naftaada, aad xoojin camalkaaga, aad hagaajin gurigaaga, mutaqbalkaagana dar yeeli, jidhkaagaad ilaalin, aad wax tari diintaada,dadkaaga iyo dalkaaga, dabadeedna waxaad noqon mid faa’iday aduun iyo aakhiroba.

maanta oo kaliya qalbiga ayaad dejin, waxaad ka jaffi sharka ku qodoxaystay,  ee is waynayn leh, is tus leh, xaasidnimo leh,iwm

manta oo kaliya waad noolaan,dadka ayaad wax tari, ka xanuusan ayaad booqan, jinaasada ayaad raaci, miskiin ayaad quudin, qofka dulman ayaad u’gargaari, ka yar ayaad taageeri, waxaad noqon qof khayr ku gaddaaman yahay,

maanta oo kaliya waxaad tidhaa ‘’wixii tagay inaanu soo noqod lahayn ,kana soo qaad cadceedii dhacdoo kale ee aan soo noqod lahayn, waxaanad ku tidhaa shalay ‘’waad iga tagtay iina soo noqon maysid, wixii aan kasbaday ayaan leeyahay, kuuna ooyi mayo, kuna arki mayo, waayo waxaan falayba waad iga tagtay, waanad iga guurtay kuna arki maayo walligaa’’.

Barrina ku dheh ’’adiga alla ku og sidaad noqon hawada is raacin maayo, naftayduna raaci mayso shay aaney ogayn siduu noqon doono, waayo wax muujisani ma jiro, adna imaad soo gaadhin, shay kastaana wuu dahsoon yahay, arinkuna gacanta Eebuu ku jiraa’’.

Qof yohaw hadaad  shalay dhalecayn kadaba gayso, barrina amaani weydo, garatana in nolosha aad nooshahay tahay daqiiqada aad ku gudo jirto, waxaad noqon mid guulaysta , kana faa’iidaysta wakhtigiisa, intuu noolyahayna farxad ku dhamaysta , noqdana mid adduun iyo aakhiroba faa’ida.

Akhriste waxaan tallo kuu siin inaad ka yeesho maalmaha aad nooshahay maalmo farxadeed, maalmo badhaadhe, maalmo aad ku faa’ido, kana yeesho wakhti kastood taagan tahay, mid diyaar u’ah anbabax, intaa hadaad samayso, ka guulaystaa waa adi, haduu rabi qadaro insha allaah.

wirdaani@yahoo.com

ALPHA UNIVERSTY

HARGEISA SOMALILAND

BAHDA NAADIGA AKHRISKA HIMILO

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories