Home"Maanta Somaliland oo dhan baa guulaysataye nin qudha ahi ma guulaysan.." -...

“Maanta Somaliland oo dhan baa guulaysataye nin qudha ahi ma guulaysan..” – Madaxweyne Muuse Biixi oo Qaabilay Shir-guddoonka Cusub ee Golaha Wakiillada

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray shir-guddoonka cusub ee maanta loo doortay golaha wakiillada ee ay dhawaan shacabku u codeeyeen.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo daqiiqado kaddib markii doorashada shir-guddoonku qabsoontay qasriga madaxtooyada ku qaabilay xubnaha cusub ee shir-guddoonka, ayaa ugu horrayn u duceeyey shirguddoonka cusub, isaga oo sidoo kale hambalyeeyey madaxdii shirka maamulaysay.

blank“Waxan hambalyeynayaa golaha Baarlamaanka ee cusub ee maanta shaqadu u bilaabmayso, waxanan ugu ducaynayaa inay hawshooda si qarannimo ah u gutaan, waxana hambalyeynayaa lixdii murrashax ee tartanka u galay saddexda kursi ee hoggaaminta Baarlamaanka, waxan hambalyeynayaa odayaashii maanta hawsha maamulay oo ay kow ka yihiin, guddoomiyaha guurtida, guddoomiyaha maxkamadda sare iyo guddoomiyihii hore ee Baarlamaanku iyo habka qarannimada iyo caddaaladda leh ee ay shirka u maamuleen.”

Madaxweynuhu waxa uu caddeeyey inay maanta tahay maalin ay Somaliland guulaysatay, cadowguna ka murugoonayo guusha iyo isu hannaynta dhacday, “Maanta waa maalin taariikhi ah, Somaliland-na waxay ugu suntanaan doontaa baal dahab ah, Ilaahayna wuxuu ina gaadhsiiyey guul weyn oo dhammaan Somaliland ku guulaysatay oo wixii Somaliland jecelina uu ku farxayo, cadowga Somaliland-na uu ku jabayo,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

blankMadaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa uu hoosta ka xarriiqay in guusha qaranka Somaliland oo dhammi wada leeyahay oo aanay xisbi iyo cid gaar ahi sheegan Karin, isaga oo si wada-jir ah u hambalyeeyey shirguddoonka la doortay iyo xildhibaannadii kale ee kuraasida kula tartameyey ee sida quruxda iyo Dimuqraaddiyadda leh u hanneeyey natiijada, waxana uu yidhi,“Maanta Somaliland oo dhan baa guulaysataye nin qudha ahi ma guulaysan, xisbina ma guulaysan, guddoomiyaha Baarlamaanka , ku-xigeenka koowaad iyo labaadna waan soo dhaweynayaa, waanan hambalyeynayaa, guddoomiyihii la tartamayeyna waan hambalyeynayaa, tartan isu dhaw buu ahaa, waa Dimuqraaddiyad, sida uu u hambalyeeyey iyo waayeelnimada uu muujiyeyna waan hambalyeynayaa.”

Shir-guddoonka cusub ee golaha wakiillada ayaa maanta loo doortay, xildhibaan Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo loo doortay guddoomiyaha golaha Wakiillada, xildhibaan Siciid Mire Faarax Giirre oo loo doortay guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee golaha iyo xildhibaan Cali Xaamud Jibriil oo loo doortay guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee golaha wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories