HomeMaanta Madaxweyne lagu doortay Shirkii Saddexda Gobol ee Baydhabo ka socday

Maanta Madaxweyne lagu doortay Shirkii Saddexda Gobol ee Baydhabo ka socday

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Baydhabo(SLPOST)Shirkii maamul u sameynta saddexda gobol ee ka socday magaalada Baydhabo ee gobolka Bay ayaa saakay lagu doortay madaxweyne, iyadoo xilka ay isku soo taageen afar murashax.

Madaxweynaha_Saddexda_Gobol

Doorashada oo ka dhacday hoteelka Bakiin ee Baydhabo ayaa waxaa goob-joog ka ahaayeen 723 ergo oo ka kala yimid gobollada Shabeellada Hoose, Bay iyo Bakool oo ah gobollada uu maamulkan ka talin doono.

Sidoo kale, waxaa goobjoog ka ahaa doorashada guddiga doorashada iyadoo laga akhriyay goobta taariikh nololeedyada murashaxiinta xilkaas u taagnaa, iyadoo ay tanaasuleen markii ay doorashadu billaabatay saddexdii murashax ee tartanka kula jiray Maxamed Xaaji C/nuur oo loo doortay madaxweynaha maamulka.

Madaxweynaha la doortay ayaa waxaa kalsoonida siisay 713 mudane, halka 10 ay diidaday, labana ka aamustay, waxaana isla goobta lagu dhaariyay madaxweynaha la doortay, Maxamed Xaaji C/nuur oo doorashadiisa kaddib khudbad jeediyay.

“Waxaan ka shaqeynayaa amniga saddexdan gobol, waxaana ku dadaalayaa inaan Al-shabaab ka saaro deegaannada ay gobolladan kaga sugan yihiin,” ayuu hadlaka ku billlaabay madaxweynaha la doortay.

Madaxweynaha la doortay ayaa sidoo kale sheegay inuu sida ugu dhaqsiyaha badan kusoo dhisi doono golaha wasiirrada maamulkiisa, si ay howlahooda uga billaabaan gobollada ay ka taliyaan.

Shirkan ayaa waxaa hormuud u ahaa xildhibaan Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ka soo laabtay shalay Baydhabo, kaddib markii shacabka degmadaas ay dhigeen dibad-baxyo ay ku diiddan yihiin imaashihiisa, taasoo keentay in xalaaddu ay si aad ah isku bedesho.

Mar goobta laga akhriyay taariikh nololeedka madaxweynaha cusub ee la doortay ayaa la sheegay inuu ka mid ahaa siyaasiyiintii lasoo shaqeeyay dowladdii hore ee kacaanka ahayd, sidoo kalena uu lasoo shaqeeyay Qaramada Midoobay iyo ururka Midowga Afrika.

Xaaladda magaalada Baydhabo ayaa daggan maanta, iyadoo intii ay doorashadu ka socotay magaalada lagu arkayay ciidammo fara badan oo amniga sugaya, waxaana ay doorashadan noqonaysaa tii labaad oo madaxweyne lagu doorto oo ka dhacda magaaladaas, waxaana magaalada haatan ku sugan laba madaxweyne oo iska soo horjeeda.

Lama oga sida ay xaaladdu noqon doonto, iyadoo shacabka Baydhabo ay afartii maalmood ee lasoo dhaafay dhigayeen dibadbaxyo ay ku taageerayaan maamulka uu madaxweynaha u yahay Madoobe Nuunow ee lixda gobol.

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories