Home“Maanta, Maalin Ay Somalia Ka Liidataa Ma Jirto" Cali Khaliif Galaydh

“Maanta, Maalin Ay Somalia Ka Liidataa Ma Jirto” Cali Khaliif Galaydh

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Buuhoodle (SL.Post)  Hoggaamiyaha Khaatumo Prof: Cali Khaliif Galaydh, ayaa niyad jab ka muujiyay xaalada nabad galyo daro ee ay abuuri karaan doorashooyinka Somaliya ka dhacaya sanadkan.

 

 

140517153421_galeydh

 

 

Prof: Cali Khaliif waxa uu sheegay in doorashada Somaliya ee Baarlamaanka iyo Madaxweynuhu ay sababi karto xaalad siyaasadeed oo kacsan, dagaallana  ka dhici karaan Muqdisho iyo Banaadir islamarkaana uu ka niyad jabsan yahay nidaamka dawlada Somaliya lagu Maamulo. “Shirarkii u dambeeyay ee lagu qabtay Kismaayo iyo Baydhabo ee madasha wadatashiga marka la eego ma muuqato doorasho la qabanayo oo dhacaysa sida qorshuhu yahay”ayuu yidhi Cali Khaliif Galeydh

 

 

Waxaanu intaasi ku ladhey“ Doorashadani  werwerka iigu wayn waa  in qalalaase ka abuurmo Muqdisho iyo Banaadir ayaan ka baqayaa, waa la marin habaabiyay oo nabad galyadii ayaa faraha kasii baxday, bilihii ugu dambeeyay Muqdisho waxaa lagu dilay xildhibaano iyo wasiiro oo kuwii tuhunka dilalkaasi la galiyay waxay noqdeen  kuwo siyaasad shuqul ku leh”.

 

 

Hoggaamiyaha Khaatumo Cali Khaliif, waxaa uu isbarbar dhigay siyaasada somaliya ee maanta iyo Nidaamyadii hore ee soo maamulay Somaliya.  “Maanta Soomaaliya maalin ay ka liidato ma jirto dawladihii soo maray, dadkii u heelanaa way niyad jabeen” ayuu yidhi Cali Khaliif Galeydh oo u waramayay Wariye Nuuradiin. Dabayaaqada sanadkan ayaa la filayaa inay Somaliya ka dhacdo doorashada Madaxwaynaha iyo baarlamaanka Somaliya, iyadoo doorashada ilaa imika la isku mari laayahay qaabka iyo saami qaybsiga maamul goboleedyada dalka Somaliya oo qaar ka mid ahi diideen shirarkii madasha wadatashiga ee lagu qorsheynayay doorashada Somaliya.

 

 

 

Somalilandpost.Hargeysa

 

 

 

 

 

 

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories