Home"Maanta inaanu naftayada iyo Maalkayaga Difaacanno ayuunbaa Noo hadhay..wax haloona qabto dambe...

“Maanta inaanu naftayada iyo Maalkayaga Difaacanno ayuunbaa Noo hadhay..wax haloona qabto dambe sugi mayno”

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa, 17 March, 2012 (SLpost)- Ganacsato danyar ah oo Dawladda Hoose ay ka rartay Suuqa Gobonimko gaar ahaan wejehadda Woqooyi/Bari ee guriga Xisbiga ayaa dawladda Hoose ee Hargeysa uga digay inay qaaddo tallaabo amni-darro iyo khalkhal abuuraysa ka dib markii la sheegay in meelihii lagaga raray loo soo rarayo ganacsato ku shaqaysan jirtay Shaaricyada waaweyn ee badhtamaha Suuqa Caasimadda.

Guddiga ganacsatadan oo caawa shir-jaraa’id ku qabtay xafiiskooda ayaa Duqa caasimadda uga digay inuu goobihii ay ganacsaneeyee soo dejiyey cid aan iyaga ahayn isla markaana ay xaq u leeyihiin in iyaga loo qorsheeyo dhulka lagaga raray.

blank

Waxa ugu horayn ka hadlay Maxamed Muxumed Xirsi oo ka mid ah Ganacsatada  ayaa cabasho ka muujiyey tallaabada ay dawladda hoose ku soo rarayso dadka aan hore ugu qanacsan jirin. Waxa sidoo kale uu dawlada Hoose u soo jeediyey in dadka sharci ku daganaa in sharcigii lagu siiyo waxaanu yidhi, “Dadkii suuqa hoose laga raray ayaa loo soo rarayaa, waxaan filayaa in xaafadu ay qaadikarin markaa ciddii danaynaysa iyo ciddii ay dani ugu jirto waxaan uga digayaa in halkaas hawl adag oo fool xumadeeda leh ay ka taagan tahay oo way arkayaan indhihii caafimaadqaba xaaladda ka socota meesha way arkayaan.

Maxamed Muxumed Xirsi waxa uu intaas ku daray,.”Waxaan leeyahay dadkaas masaakiinta ah iyo wixii sharci ku daganaa meeshoodii, intii sharciga ku daganayd waxa weeye in sharcigeedii lagu siiyo intii aan sharci ku daganayna xaafad ahaan wixii ganacsanaayey waa inay ka qayb galaan ganacsigoodii oo siddii hore ay hawsha u wataan ayaan ka codsanaynaa Dawlada Hoose.Sidaas ayuu yidhi Maxamed Muxumed Xirsi.

blankWaxa sidoo kale isaguna ka hadlay Axmed Cismaan Cumar, “Aniga oo ku hadlaaya Ururka xaafadda lix iyo labaatanka Jun, waxaan leeyahay wixii meesha ka dhacay way dhaceen dibna loo soo celimaayo, balse maanta maxaa ina horyaala maxastii iyo Carruurtii way daadsan tahay oo ilaa maanta meheradihii way daadsan yihiin,”ayuu yidhi. Sidoo kale waxa uu ka hadlay cidda lagala hadlaayo bixinta meesha waxaanu yidhi, “Anigu waxaan maanta leeyahay guddiga xaafadda ee ah Odayaasheeda intay isutagaan ha loo sameeyo guddi bixinteeda meeshan oo ka arrimiya hawsheeda. Kalmadii uu lahaa Mayir Jiciir ee ahayd dadbaan u soo rarayaa ee waxa kalifay ee maanta ay gadoodka ay qaadeen bulshadani, ha kaliftee oo hadduu doono ha soo raree wax khiimo leh maaha ee kuwee ayaa laga raray oo meeshii laga saaray sideebaa la isu wafijinayaa in qolona la saaro qolo kalena la keeno.”

Waxa iyaduna ka hadashay Nadiira Ismaaciil Maxamed oo ahayd danyartii Meheradaha laga burburiyey, “Meheradaha la burburiyey waxa ka xanuun badan maatada halkaas wadhan ee hantidoodii iyo hawgay galayeen iyo naftoodiiba loogu yimid. Ummaduna waxay had jeer ka dagaallantaa difaacidda nafta iyo maalka, annaka immika waxa noo eeg dowladdu waxaan umalaynayaa siday nagu waddo inaanu kacno oo naftayada  iyo maalkayaga difaacano mooyee wax noo qabta way naga dhammaatay inaan nafta iyo maalka difaacanno  kaliya ayaa noo hadhay. Dowladda Siilaanyo waxay nagu soo gashay oo aan habeen iyo maa
lin ugu soconay ee cagaha biyuhu naga galeen, is baddelbaanu keenaynaa, isbaddelkii laakiin wuxuu noqday in ay danyarta ka adkaato oo ay maatida ka adkaato hantidoodana burburiso,” ayey tidhi.

 somalilandpost.net

hargeysa,     Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories