HomeMaanta Aan Ka Bilownee Musuq-maasuqa Diidda! W/Q: Bashe Ali Beddel

Maanta Aan Ka Bilownee Musuq-maasuqa Diidda! W/Q: Bashe Ali Beddel

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Dal iyo dad wuxay ku horumaraan cadaalad iyo sinaan loo sinaado addeegyada dawlada, kheyraadka dalka iyo sharciga iyo qawaaninta dalka u yaala. Somaliland waxay sanado badan ku naaloonaysaa nabad xili ay dadyawga iyo dalalka la jaarka ahi la jahawareersanyiin qalalaase iyo xasarado ahli ah taasoo ragaadisay noloshoodii iyo hiigsigoodii mustaqbalka.

Nabada iyo xasiloonida Somaliland Allah ha inoo siyaadiyee waxay u baahantahay koriin iyo kobcin dhan walba ah, kaliya nabada laguma ilaaliyo ciidamo iyo xoogag adag, Cadaalada iyo sinaanta shacabka, danaynta iyo ahmiyad siinta danta dalka iyo shacabka ayaa ah tiirarka amniga iyo xasiloonida u keeni kara bulsho ama shacab meel kuwada nool, Waa sifaha iyo sunaha qofka qofka muwaadinka dhabta ah.

Shacabka reer Somaliland waxay tabayaan muwaadin xilkas ah oo u noqda tusaale iyo haldoor fiican oo ay ku daydaan kana dhex arkaan cadaalad iyo sinaan kaas oo ay ku aaminan masuuliyadooda hogaamintooda. Inta badan masuuliyiinta iyo u addeegayaasha shacabka waxa laga tirsadaa caddaalad daro iyo sinaan la’aan hawsha ay qaranka u hayaan.

Madaxweynaha dalka iyo dhamaan masuuliyiinta kale ee dawlada waxaan kugu baaqaynaa inay xilka dadka iyo amaanada dalka iyo dadka u dhiibaan shaqsi ku sifooba hawlkar iyo caddaalad usamaynta dadka uu xilka u qabanayo, kana dheeradaan aafada qabiilka iyo qabyaalda ee ragaadiyay bulshadeeda. Waxa inta badan dhacda shaqsi xil umadeed loo dhiibo kaas oo layaqaano dhibaayin iyo dayac hore oo uu ku sameeyay hantida umadda, dayrka iyo xayndaabka uu ku gabanayaana ay tahay qabiil iyo qabyaalad.

Shacabka reer Somaliland ahna waxan usoo jeedinayaa inay kala saaraan masuuliyiinta xilalka u haysa iyagoo masuul walba ku qiimaynaya caddaaladiisa, aaminimada iyo hawlkarnimadiisa, iyadoo ay lasocoto nidaam dabagal iyo cad-cadaan isla xisaabtan oo dhamaystiran.

Somaliland waxay gaadhay horumar balaadhan oo dhinaca bulshada ah lakiin waxa wali dayac iyo habacsanaani ka muuqataa dhanka dawlada, Xukuumada waxaan usoo jeedin lahaa inay samayso nidaam adag oo shaqaynaya oo lagu ilaaliyo hantida umadda, laguna dagaalamayo cidkasta oo musuq-maasuq iyo xadgudub ku samaysa hantida dalka iyo dadka nooc kasta iyo sifo kasta oo ay leedahay.

Qore: Bashe Ali Beddel

Email: basheali@outlook.com

Tell: 002522 2 634425224

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories