HomeMaanso: Dillaal! – W/C: Yaasmiin M Kaahin

Maanso: Dillaal! – W/C: Yaasmiin M Kaahin

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Yaasmiin+MMaansadan waxa la yidhaahdaa ‘Dillaal’, waxay soo baxday maanta oo bishu tahay 11 February 2017. Si-aragga siyaasiga wakhtigan iyo marxaladda ay Jamhuuriyadda Somaliland ku jirto ayaan ku cabbirayaa.

 

Dhaaxaan samir soo dugsaday,

Dhaaxaan runta saaray daah,

Dhaaxaan dul ka-xaadiyoo,

Dhaxaan deday boogahee,

Dhaaxaan cadowguun duree,

ilmaan iska duugayaa,

Dibnaan badh qaniinayaa,

Waxay damqanaaya jiidh.

 

Carooggii dadweynahoow,

Abwaankii daacadoow,

Muwaadin dantii raboow,

Danyariyo hoy laawahoow,

Darbiga kuwa jiifsadoow,

Dayacan kuwii Miyiga’oow,

Kuwii dalandoolayoow,

Doonyihii baddu qaaddayoow,

Caruurtii dabar go’doow,

Intii diric hoos tagoow,

Intii baaqiya dadoow,

Danaan dan ku beegayee,

Dhegaha hadal maw duxaa?

 

Guduhu waa daleel cidlaa,

Daan iyo daan kala qoqoban.

Daacuunba kala dhex yaal,

Ul iyo diir dadkii ahaa,

Dantii guud warkeeda daa,

Dalkii madhayoo idlaa,

Dukaannaa loo furtoo,

Dilaallaa kala xukuma.

 

Waxaan dedayaa ka weyn,

Rabbow dalba juuqahee,

Dalkani dowlad buu lahaa,

Dadkaa dirtayoo igamaday,

Xor iyo doorashay ahayd,

Dareen shacab bay ahayd,

Doonisiyo aamin bay ahayd,

Wixii duubka loogu xidhay.

 

Beenaha kuma diirsadee,

Xilkii doollar buu arkaa,

Dhaartii Dirham baa bedelay,

Sidii daadduun mar helay,

Durdur lacag uun burqada,

Ayay ku gureen dalqada,

Daldalshe xoolihii agoon,

Maatida dayacani lahayd.

 

Naxariis dumar baa lahaa,

Ka daaya Marwaa lahayd,

Haddii duqu kaa qaldamo,

Gartana doorkeed ka lumo,

Marwaa dedda ceebihii,

U diidda in deris maqlee,

Maxaa tolow diiday taana?

Dariiqa haddaad ka baydho,

Haddaad doorkaa bannayso,

Maxay dabadaa ku dhiirran,

Haweenkiyo jiil dambeeyaa?

 

Dulucda waxaan uga socdaa,

Caanihii daataa la yidhi,

Dibbaa loo qaban jiree,

Intii hadhay doobbigay,

U socdaan dabayaaqadoo,

Maantana dekedday tustee,

Dantii amnigay tustee,

Qalin kuwa ku duugayoow,

Dir cunno ha noqoninee,

Deebaaq iyo waa suntii,

Dacar aad isu laaqaysee,

Dib eeg aakhiro jalleec,

Ducada maanta qaata’oo,

Dulmiga maantayska diid,

Damiinnimaday iska xoor,

Damiir laawana ha noqon,

Naanaysihii doorkii hore,

Maantaba daadxoorta saar.

 

Ciddaan middidayda daabka,

U dhiibeen door bidoow,

Intaad degelkaa cunayso,

Intaad dirgo aad isleeday,

Cid baa danahayga diiddan,

Anaa dekedaha gadaaya,

Kumaa diidoo hadlaaya,

Kumaa xadhig door-bidaaya,

Intaad duuduub ku buuxso,

Damiirkaagoo ku siiyay,

U doonyaysanayso heedhe,

Bal daymood hareerahaaga,

Waxaa dadqal goonyahaaga,

Waraabaha soo dinnaahin,

Waxaan kuu diir-naxayneen,

Dadkaagii sheeganaaya!

 

Danteennu ka weyn dantaada,

Dalkeennu ka mudan dillaalka.

 

Waxa curisay: Yaasmiin Maxamed Kaahin,

Hargeysa, Somaliland – 2017.

qalinbila01@gmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories