HomeMaanso: DAGAMSI! - Waxa curisay: Yaasmiin Maxamed Kaahin

Maanso: DAGAMSI! – Waxa curisay: Yaasmiin Maxamed Kaahin

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Maansadani waxay ifka u soo baxday 17/07/2013, waxaanay ku saabsan tahay guud ahaan caruurta dayacan ee Afrikaanka, gaar ahaan kuwa Soomaalida. Sababtoo ah, waxa dhacda in Hay’ado badan oo magacyo kala duwan sitaa ay mashaariic badan ku qaataan in caruurta dayacan ee Soomaalida iyo afrikada kaleba wax loo qabanayo, ka dibna inta ay maalin u astaysteen ay xuska maalintaas uun ay kharash ku bixiyaan Istiikarro (Calaamado) iyo hudheello xaflado lagu qabsado, iyaga oo da’yartii dayacnayd aan waxba loo qaban. Waxa u dheer oo ay maansadu ka hadlaysaa in faro-xumayn, kufsi iyo tacaddiyo lagula kaco caruurtaa iyo kuwa kale ee iyagu daryeelka helaba. Asma yar oo ay maansadu xustayna waxay ka mid tahay inta dhibban.

 

Yaasmiin+MAyaamahaa maanso daayay,

Ka dhawrsaday ibo-furkeeda,

Inaan gabay iyo ku sheego,

Wixii agahayga yaalla,

Ologgiyo docaha teedsan,

Ilkaankiyo faalladeeda.

Aniga ereygaygu maaha,

Amaan iyo faan ku raadso,

Aagaan iyo lacag ku doono,

Inaan xaqa  hoos u sheego,

Xilkaa oogadayda saaran,

Ka wayne amaanadiisu.

 

Waxaan beryo aamusnaado,

Waxaan amakaag la guuxo,

Naftaa edegtii ba diiday,

Waxay indhaheeda saartay,

Addoon isagoo kaleeto,

Dhibkiyo aafada dul taala,

Durbaano u soo amaahda,

Sidii isticmaar gumaysta.

 

Aqoontuna saas ka roone

Haddaad u itaali leeday,

Haddaad ku addinto xaqooda,

Agoonkiyo cunugga baahan,

Dhibkooda adoon ku wiirsan,

Isaga waydii xogtiisa,

Umalkiyo waayihiisa,

Iimaha u qarsoona daawo

Tabaalaha aasan dayday.

Bal eeg baallahaaga dheeho,

Ilmaha dayacee ka muuqda

Asma yar waydii kasheeda,

Wixii urugee ku duugan,

Bal day ummalkiyo xanuunka,

Da’deedoon afarba gaadhin

Ninkaa arbaciinka sheegtay

Cirroolahan aayo beelay,

Aboodiga dhaafi waayay,

Axdigii bulshadani ka booday,

Adhaxdeeda saw ma wiiqin?

Aayaheedii kuma ciyaarin?

Waxaan Allaheen bannaynin,

Inaan lagu taagsan maati,

Caruurtiyo ubadka dhawrno,

Isagu dayrkeed ma jebinin?

Ujeedadu labadan maaha,

Arrintu intaa ka weyne,

Bal dhawr oo ologyadaada,

Waxaa subaxa iyo alaylka,

Baroor hooyo uun dhacaysa,

Waxaa ubadee la tuuray,

Abkoodna bal sheegan waayay,

Bal dhawr daranyada idlaysay,

Caloosha oontiiba wayday,

Afkaan cabiddiiba haynin,

Haraga lafihii ku aasmay,

Garaad waa hore abaaday,

Muuqii aadame ka guuray,

Isagoo maydkuun la jaada,

Ortiyo may qayladaadu,

Aware ka toosinaysaa?

 

Allaha Iyagaba  abuuray,

Nolosha udugiyo wanaagga,

Nolosha anficiyo bidhaanta,

Umuu waayin badhkoode,

Aduu kugu eegayaaye,

Fahan oo amuurahaaga,

Alooskiiyo hool taggaaga,

Afkaa laba yeedhiddaada,

In dad soo ururintooda,

U heeskiyo mashxaraddaada,

Ilmaha Afrikada ku nool ee,

Ayaantani loo asteeyey,

Abaal u gal hadaad isleeday,

Isaga oofahaad ku jiidday,

Dhibkiisana waad ku iiday,

Istiikar intaad ku xaradhay,

Isaga Roodhay u goyn layd.

 

Hadaad gaalada addeecdo,

Hay’adda u addoonsanaato,

Adoo garashiyo aqoon le,

Ogow guul ku gaadhi maysid,

Irbad dun u miiqi maysid,

Gacantaa kuma oon baxaysid,

Naafana cid ka oolin maysid,

Dhufaan dabran baad ahaan.

 

Aafadu ma hadhoo ninkeeday,

Ubadkuu dhalay jartaa baa,

Odhaahdii jirtay ahayde,

Ogow ina ragoow falkaagu,

Kufsi iyo eediyo dhibaatadu,

Inay u dambayso taada.

 

Ugubkiyo ubaxii dalkeena,

Haddaad aayar uun idlayso,

Ujeeddo-la’aan hogayso,

Ilaahay sideed ka yeeli?

Adduunkani waari maayo,

Ayaan baad kaba hulleeli,

Iilkiyo aakhiro hoggaaga,

U tudho aayatiin dambeeto.

 

 

Maanso: DAGAMSI

Waxa curisay: Yaasmiin Maxamed Kaahin

Email: qalinbila01@gmail.com

Hargeisa, Somaliland.

Blog: www.kaariye.blogspot.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories