HomeMaanso Cusub: Axmed Waa Rijaaloo, Rag Rageedi Weeyaan ~ W/T: Abdixakim M....

Maanso Cusub: Axmed Waa Rijaaloo, Rag Rageedi Weeyaan ~ W/T: Abdixakim M. Taajir

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

cabdiraxmaanWaxay Jawaab u tahay Maansadii Abwaan Deeq Maxamed Nuux (Deeq-dheer) ee lagu daabacay Websaaydyada qaarkood.

Erayadii Abwaan Abdihakim Mohamed Taajir

Maansadu waxay ku bilaabmaysaa sidan:

Saaxiibkay rumaadoow

Rixim kaan wadaagnow

Dugsi wada rafiiqnoow

Riyaalkana qaybsanoow

Rugteenii togdheeroo

Naxariis rushaysoo

Roobkuna hardamayoo

Heegadu rablaysoo

Onkod kuna rigleeyoo

Daad kuna rogmanayoo

Rahuna dhadhabayaan

Kaa soo riddeeyee

Reexaan udgoonoo

Roobkaasi wadayoo

Bari sare ka soo raray

Raas kaan ku jeellaa

Rab ku tidhi mar keliyaan

Risaaladdan u tiriyee

Ra’yigaagii dhuuxoo

Rog-rogoo u fiirsaday

Dhegahana u raariday

Balse raalli kuma noqon

Run ma sheege tuurliyo

Rukaasaa ku warramayoo

Wehee! Way ku rogayeen

Raandhiis male warkoodiye

Ruuxii wax garad ahi

Runta kama hagoogtoo

Caad uma riyaaqee

Ha ka roorin qaybaha

Ha rakoocin saaxiib

Ha u riyaaqin rooxaan

Riyo beena weeyee

Runta aan u daadego

Rugtu waa rugteedii

Rug barwaaqo weeyaan

Waxa u roogmay mooyee

Wax ka riiqmay may jirin

Musuq-maasuq rooriyo

Laga raysay tuugtii

Ragaadiyey dalkeenii

Raasamaalka yaalliyo

Waxa maal rasaysane

Rubbi beeso miidhane

Bangiyada ku raasuqay

Raagoow ma maqasheen??

Waxa raxamo ciidana

Rayfalada ku jeerane

Roondada u taagane

La rigleeyey ma argteen??

Waxa raydab baxayee

Laamahaa ruxaayee

Rastadii hadheeyee

Ruuxii mar eegaa

Raaxada ku doogsado

Rawlow ma moogtahay??

Reeruhu badhaadhiyo

Raxmad bay ku suganyiin

Rayska iyo ugbaadkaa

Rarab rarab u jiifoo

Beerahaa la rimiyaa

Rumaankiyo qudaartaa

Rakab loo raseeyaa

Badarkaa la riiqaa

Barqadaa la radiyaa

Duhurkaa la ruugaa

Misna rooti subaglaa

Fiidkana la raamshaa

Dabadeed rafaaj baa

Hadhow lagu rakaataa

Risiq eebbe weeyee

Madaxduna ma reentoo

Rati kuma qadeeyaan

Wixii raarta yaalee

Rubucyadu u waynyiin

Kulligood u raashina

Ramad geed hadhwaynoo

Rucub midho kor lulatoo

Hoostana ris baxayoo

Raaxeeye la magac baxay

Hoostiisaa roonbbaa

Rayidkii hadhsanayaan

Raxligaa u kala furan

Raatibbaa la leeyahay

Quraankaa la ruugaa

Ramadaanta soontiyo

Rukunada islaamkiyo

Rakcadaha salaaddaa

Saf-saf loo rukuucaa

Reer magaal ha noqone

Bal waree raggii shalay

Rixlo noogu yimidee

Runta soo xaqiiqsaday

Saaxiibkay rumaadoow

Rixim kaan wadaagnow

Dugsi wada rafiiqnoow

Ninkaad u raxlaynaysee

Kursiga u rakaynaysee

Codkaaga u raacisee

Rabbaaska u mudatayee

Ruumiga u gogoshayee

Wuxuu rabay siisayee

Siilaanyo rakee tidhee

Rucle orodku daashaday

Afkaad ku riyaaqaysay

Inaad ku riddaa rasaas

Waa kuu raqiisnimo

Axmed waa rijaaloo

Rag rageedi weeyaan

Ruug cadaa qab waynoo

Rooxaani wadatoo

Loo rabbaaso weeyaan

Rabitaanka beeshuu

Rugtan uu ku joogaa

Dalkanaa ka raalliya

Dadkanaa u raalliya

Sida uu u roonyahay

Badahaa u reemoo

Ruxay mawjadoodii

Wuu raagayaayoo

Rabbiyoo kalkiisii

Runta mawdku taabtoo

Ruuxduna ka dhooftoo

Loo raro xabaalaha

Ha ka yaabin riditaan

Saaxiibkay rumaadoow

Rixim kaan wadaagnow

Dugsi wada rafiiqnoow

Yaan lagu ruqsaynoo

Rajiim lagugu eedayn

Ama raacdo meel mara

Rabshadaha ka dhiidhiya

Rugta aad ku nooshahay

Intay kugu rifaanoo

Nafta kugu riqiisaan

Raran daba ku saaraan

Warmo kugu riddeeyaan

Dhagax kugu rajiimaan

Godka lagugu raaridin

Hadal wuxuu ku roonyay

Intuu raartaada yaalee

Dabaylaha rogmanayaa

Danabkay ridaayaan

Yaanay ku raadsane

Raxmaddaada ku ekow !!

Abdihakim M.taajir

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories