HomeMAANSADA RAMADAAN - W/C: Cabdirisaaq Maxamed (Abwaan Oday)

MAANSADA RAMADAAN – W/C: Cabdirisaaq Maxamed (Abwaan Oday)

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

ODAYMaansada Ramadaan, waxa ay maskaxdiisa ka soo maaxday Hal-abuurka Da’da yar Cabdirisaaq Maxamad Cabdilaahi oo ku magac-dheer Abwaan Oday. Waxa ay soo baxday bishii Ramadaan 24/07/2013  ee sannadkii hore. Maansadu waxa ay ka hadlaysaa  Faa’idooyinka iyo Nimcooyinka Eebbe ugu talo-galay Muslimiinta ee ku jira Bisha Ramadaan.

Ramadaantu waa,
Rays iyo xareed,
Reexaan udgoon,
Rug barwaaqoo,
Wali reero dagin,
Raadkuna ku badan,

Ramadkuna dhaloo,
Intuu roobku helay,
Dhirtu rucub midho’a,
Soo wada ridooy,
Raxmaadkii Alliyo,
Laydhuba ruxdoo,
Loo riyaaqsanyahay,

Ugaadhuna ramlaay,
Raxan-raxan inatay,
Isa soo ribtiday,
Raari doogle iyo,
Meeshii rislaba,
Ku raxlayasay guul,

Shimbirtuna ramaas,
Ay rasaysatooy,
Rukun-rukun u taal,
Ka dhex ciyaay rahuna,
Rug caleenle iyo,
Hadba meel rako’a,

WEERNabadana rabigu,
Ugu roon yahoo,
Rafti iyo dhib iyo,
Raxan iyo colaad,
Raacdiyo dagaal,
Aan lahay racwiyo,

Oon tuug ringaxan,
Cudurada rudhee,
Aadmiga riq-riqa,
Iyo rawlis kale,
Mawluhu ka raray,

Bulshaduna runtii,
Raaxaysatoo,
Raxmad iyo kalgacal,
Ku rashawdayoo,
Rayigiyo qalbiga,
Ceeb iyo ragaad,

Xan la raamsadiyo,

Xaaraan la rifo,
Naxli soo rucdiyan,
Ka rusqaysatoo,
Duco ruubaad iyo,
Rabi bari ku jira,

Sidoo daan Rashiid,
U rayn-raynayaa,
Ducadaan rakalay,
Rabaw iga ajiib,

Ramadaantu waa,
Bishuu uu rabigu,
Naxariis rigliya,
Danbi dhaaf raxliya,
Iyo naar ka raris,
Raaxooy la yidhi,
Raadsada dadyahow,

Ramadaantu waa,
Bishii uu Raxmaan,
Soo rogow waxyiga,
Rasuulkeena bilan,
Iqra lagu ridee,
Quraankoo rundudan,
Loo soo rakibay,

Fursad weeye riba,
Oo raaqiyaay,
Rabigeen baxshee,
Ruuxii ILAAH,
Ramadaan ku simay,
Rukuuc iyo sujuud,
Taraawiix raxniya,
Cibaadada raxmaay,
Dhex raxaaba’oo,
Sii ruubtata’oo,
Cilmigana ku reen,

Kutubtubaha rib-riban,
Iyo qawlka rabi,
Ramadaan akhriya,

Habeenkii randay,
Rabigeenu yidhi,
Ruuxii helaa,
Kun biloo ratiban,
Oon raqiis lahayn,
Ayaabaa runtii,
Ramadaan ku jira,
Hays raydaline,
U beer raaqa’oo
Sharka reeba’oo,
Dulmi raara’oo,
Danbi ruuga jara,

Kii raasamaal,
Daba roorayoow,
Iilkiyo rixliga,
Kafan raan cadbaa,
Kaa raacayee,
Aakhiro u roggo,

Ruq-ruqaansi iyo,
Raandhiis maloo,
Ifku waa riyaaq,
Iyo labad ruqul,
Kii raaga’ee,
Cimriguusu ruun,
Rubuc iyo qarniyo,
Uu jiro ragyahow,
Mar uu soo ritaba,
Wadku waa rasmiye,
Kuwii ruuxda iyo,
Raqiib iyo catiid,
Ayaabaa la ruqi,

Intaan lagugu ridin,
Iilkiyo raxliga,
Xabaalaha rigrigan,
Camal raacuble’a,
Sii reebta’oo,
Raadsada dadyahow,

ILAAHAY rumee,
Rusushiisa iyo,
Kutubtiisa riman,
Salaadaha ratiban,
Ruuxyahay hadayan,
Ramadaana soon,
Sadaqana rucliyo,
Rageedii ahaw,
U rooroo xajkana,
Riximkana xushmee,
U raarici dhagtoo,
Walidkaa ha riqin,

La rafiiq samaha,
Dulmigana ha rogan,
Toobad keene raac,

Rukun li adaa,
Circa noo ribdhoo,
Rux-rux li adaa,
Dhulka nagu risqoo,
ROONOW adaa,
Marka aan ribtino,
Roobka noo shuboo,
Rafiiq iyo toliyo,
Aan lahayn raboow,
Waalidiin ribtiya,
Xaas raaliyiyo,
Awlaad rigliya,

Rarankiyo kulkiyo,
Naaraha rigligan,
Ha na gayn Raxiim,
Ramadaan darted,
Danbi naga rigaax,

Jano raaxaliyo,
Waxa aan rabnaba,
Roonow na sii,

Rabiyoow ifkiyo,
Aakhiro radhkiyo,
Qiyaamaha rambaca,
Raxan raadka jira,
Ballo iyo rafaad,
Hana dhigin raxmiin,

Kuwii reeya’ee,
Albaabada rayaan,
Roonow ka gala,
Naga yeel Rasaaq….

Cabdirisaaq Maxamad Cabdilaahi (Abwaan Oday.)

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories