HomeMAAN FILEYN MURUGADA!!!

MAAN FILEYN MURUGADA!!!

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Maxamed waa Inan dhalinyaro ah. waxa uu ka dhashay Qoys Alle wax siiyey  oo lagu tilmaamo jeeb weynayaasha magaalada, waxa uu dhameystay jaamacadii, waxaanu ku tashaday in uu ka tago dalka, arintii qalbigiisa ka guuxaysay waxa uu u soo bandhigay waalikii gaar ahaan Hooyadii waayo Aabihii waxa uu aad u necbaa dhoofka, markii u Hooyadii u sheegay arintii, waxay isku day-day inay ku qanciso in Inankeedu joogo dalka, laakiin taladaasi ma noqon mid uu ku qanco Maxamed hayeeshe isaga oo aad uga xun ayuu ku yidhi “Hooyo waan aqbalay taladaada.” kama tanaasulin fikirkiisi waxaanu go,aansaday in uu badalo hab dhaqankiisi hore waxa

uu yareeyey farxadii & fir-fircoonidii uu ku dhexlahaa dhalinyarada dhigiisa ah waxa uu noqday qof kalinimada & fikirka la saaxiib ah meelna uma baxo  makhsinkiisana  ma soo dhaafo oomato waa uu ka go,ay oo waxba ma cuno Hooyo waa beer’e  iyada oo yaaban waxa helay Inankeeda ayey aroor hore  ugu gashay qolkii uu aqalka ka daganaa isaga oo sariirtii jiifa oo ku tidhi “Hooyo saaka setahay” waxa uu ugu jawaabay “sidad aragto ayaan ahay” Hooyadii ayaa ku tidhi “waa in aan ku geyno dhakhtarka” waxa uu ugu halceliyey “ma dhoof mise dhimasho? dawadaydu waa in aan ka tagaa dalka” waxay ugu af celisay “Hooyo inta xusulkay xabaal ka sareeyo ee aan xididka layga saarin xaajadaada waan xalin ee xasil oo iga war sug,” qolkii ayey ka soo baxday iyada oo ku cel-celinaysa ma dhoof mise dhimasho? Aabihii  ayaa isna soo baxay oo yidhi “Xaali ma waalatay mise waad soo wadataa maxaa dhacay bal wax ii sheeg”? intay af labadii qaylisay ayey tidhi “ama rayigayga ayaa la raaci ama reerka waan kala rari oo waan rogi” Aabihii ayaa yidhi “bal horta shaydaanka iska naar oo daganaansho aan ku wada hadalno maxaad tabanaysaa oo soo kordhay”?

waxay tidhi “waa in curadkayga caafimaadkiisa deg-deg loo helaa,” Odaygii ayaa yidhi “caafimaadka caadilkaa hayee curadkeena waxba ka hagran mayno ee dhakhtarka ayeynu geyn adna is daji oo hays dhibin,” haye haday xaaji sidaasi dhabka tahay waa in aan dhakhso dibada ugu dirnaa ileyn dalka dhakhaatir ma joogaan’e, Odaygii oo cadheysan ayaa yidhi “dal shisheeye dareen baa lagu joogaa dalkaga dawo & deeqba laga helaa  doqoniimo ayey ku qaadin ee hadalkaa mar dambe haycelin,” intay dhabarka u jeedisay ayey tidhi iyadoon islahan wuu ku maqlayaa “oo maan iibiyo dahabkayga & ka hablahayga hagbadana xaga hore ka qaato ma waxaan sugaa dhimashada inankayga” Odaygii oo yaaban xalna raadinaya ayaa inta uu gacanta soo qabtay ku yidhi “xaaskaygii baxsanaydeey inaad tahay beer oo meeli ku damqaneyso waan ogahay oo amba kula mid baan ahay ee sidaad jeceshahay ayaan yeelayaa ee xegeen wax ka bilownaa,” Hooyadii oo kala garan la ma runbaa mise waa riyo? hadalka Odaygeeda ka soo yeedhay,  ayaa la soo booday “waa in aan hadda hawl galnaa.”

muddo aan fogeynba waxa loo diray halkii uu rabay oo ahayd Maraykan Maxamed oo aad u faraxsan ayaa sii macasalaameyey ehelkiisi & asaxaabtiisi markii u tagay halkii uu ku hammiyi jiray Maxamed waxa uu u haystay in uu horey xafiis ka fadhiisan doono, waayo waxaa uu isku haleeyey waxbarashadisii, laakiin rajadaasi ma rumoobin, Siciid oo ahaa saaxiibkii ugana soo horeeyey wadanka ayaa ku yidhi ninyow “anigu huteel ayaan ka shaqeeyaa waxaanan ahay katabaan dadka huteelka yimaada ayaa isudha silsiladaha eydoodu ku xidhan tahay” Maxamed ayaa yaaban waanu rumaysan kari waayey illaa indhihiisa uu wax ku

arkay si kasta oo ay ahaataba waxa uu u shaqo tagay mid ka mida huteelada laga cunteeyo nasiib waxaa ku soo hagaagtay in loo diro maydhida weelka ninkii shaqada tus-tusayey ayaa u sheegay in weelka silfarka ah ay wax ku cunaan Gaalada halka ka  dahabiga ahna ay wax ku cunaan Yuhuuda lana ogolayn in ay is dhexgalaan.

maalintii dambe ayey mid ka mida malqacadaha Yuhuudu wax ku cunto dhexgashay kuwii Gaalada mid ka mida shaqaalaha oo isha kala socday ayaa arkay oo u soo sheegay ninkii ahaa madaxa shaqaalaha ninkii oo deg-degaya ayaa galay madbikhii oo dul is taagay Maxamed oon dhaadaneyn waxa dhacay,  inta uu eegay weelkii arkayna malqacada gaarka ah ee ku dhexjirta weelka ninkii gudbiyey warka ayuu ku yidhi qaad malqacadaha oo soo daadi sidiibana lagu daadiyey ninkii inta uu ku soo jeestay Maxamed ayuu canaan cagaha dhulka uga qaaday kuna yidhi miyaanan kuu sheegin in aan la ogolayn in ay is dhexgalaan weelashu miyadan ahayn qof nool oo soo shaqo tagay, miyaan in yarna damiir lahayn, miyaan caqligaagu shaqaynayn, mayeedhanka ku dhaama oo masuuliyada yaqaan sidaad u madawday ayuu qalbigaaguna u madawyey ee meesha ii dhaaf oo yaanan mar dambe ku arkin. isaga oo meeshii tagan madaxiisuna hoos u fooraro ayuu ku cawday oo ku cataabay cod dheerna ku yidhi maan fileyn murugada meeday aqoontaydii, meeday sharaftaydii, meeye ehelkaygii & asaxaabtaydii, mee dalkaygii wanaagsanaa miyaa laygu caayey midabkaygii wacnaa Maxamed markale inta uu maskaxdiisa dib u celiyey xasuustay maal-mihii wacnaa ee soo maray noloshiisa & sidii waalidkiisu dhibka uga ilaalin jireen “ma martiyey murugo oo ma i macsuumay maroradilaac” intaa marka uu yidhi ayuu dhankisii u soo dhaqaaqay ninkii madaxa shaqaalaha ahaa oo inta uu gujiyey Maxamed ayuu ku yidhi “iga daa calaacalka oo sanqadha ima qashii” Maxamed oo cadho karsan ayaa feedh ku daan-daamiyey, waxaana goobta dhakhso u soo gaadhay ilaalada huteelka, oo Maxamed inta ay xoog ku muquriyeen waliba xabsiga u taxaabay.

 

HIBAAQ AXMED

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories