HomeMaamullada Muqdisho iyo Garowe ee Somaliya oo isla qaatay Heshiis 7 Qodob...

Maamullada Muqdisho iyo Garowe ee Somaliya oo isla qaatay Heshiis 7 Qodob ka kooban oo Somaliland lagu soo daray

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Garowe (SLPOST)- Dawladda Muqdisho iyo Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, ayaa markii u horreysay shaaciyey inay isku mowqif ka yihiin wadahadalka u dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya.

Wefti uu hoggaaminayey Ra’iisal-wasaaraha Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo magaalada Garoowe ku sugnaa maalmihii u dambeeyey, ayaa wadahadallo qaatay muddo saddex maalmood ah la yeeshay masuuliyiinta sare ee maamulka Puntland, iyadoo gunaanadkii wadahadalkaasna laga soo saaray qodobbo labada dhinac isla qaateen oo uu ku jiro qodob la xidhiidha mowqifka Puntland ka qabto wadahadalka u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya.

??????????????????????? “Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawlad-goboleedka Puntland waxay isku afgarteen dardar-galinta dhammaan heshiisyadii ay hore u gaadheen labada dhinac oo uu ugu danbeeyay heshiiskii ay wadagaleen labada dhinac 14kii October ee sannadkii 2014 Si arrintaas loo gaadho waxa la magacaabay guddi isku-dhaf ah oo ka shaqeeya hirgelinta heshiisyadaas, waxana la soo dhoweeyey wixii ka qabsoomay heshiisyadii la galay.

Shuruucda DFS soo saarto iyo samaynta guddiyadda heer qaran:

Waxaa la isku raacay in dawladaha xubnaha ka ah dawladda Federaalka Soomaaliya lagala tashado xeerarka uu ansixiyo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo dhismaha guddiyada madaxabannaan ee heer qaran, sida uu qabo Dastuurka Federaalka, qodobkiisa 111aad, farqaddiisa 2aad.

Dhismaha dawladaha xubnaha ka ah dawladda Federaalka Soomaaliya:

Dhismaha dawladaha xubnaha ka noqonaya Dawladda Federaalka Soomaaliya waxa loo marayaa si waafaqsan dastuurka Federaalka Soomaaliya.

U-diyaar-garowga iyo qabashada madasha wadatashiga madaxda sare ee DFS iyo dawladaha xubnaha ka ah:

  • Sidii lagu heshiiyey shir-madaxeedkii ka dhacay Muqdisho 6i February 2015, waxa lagu qaban doonaa kulanka madasha wada-tashiga madaxda sare magaalada Garoowe bisha April 2015, waxana la isla gartay in guddiyadii farsamo ee hore la isugu waafaqay soo dhammaystiraan taabba-galinta hawlaha madasha heer qaran.
  • Dhismaha ciidan qaran oo ummadda u dhexeeya:
  • Si loo dhiso ciidan qaran oo leh sumad qaran waxaa la isku afgartay in saddex kun (3000), oo askari loo qoondeeyey dawladda Puntland.

Doorka Puntland ee wadahadallada dawladda Federaalka iyo Somaliland:

Waxa la soo dhaweeyay sida dawladda Soomaaliya u maamulayso wadahadalka lagula jiro Somaliland iyo mowqifka ay iska taagtay wadahadalladii ugu dambeeyey.

Iskaashiga hay’adaha dawladda Federaalka Soomaaliya iyo dawlad-goboleedka Puntland:

Labada dhinac waxay ku heshiiyeen inay si toos ah iskaashi iyo wadashaqayn buuxda u yeeshaan wasaaradaha labada dhinac sida:

  • Arrimaha dastuurka
  • Qaybsiga deeqaha caalamka iyo waxbarashada
  • Iskaashiga qorshaha qaranka
  • Siyaasadda isgaadhsiinta qaranka.” Sidaas ayaa lagu yidhi war-murtiyeed lagu shaaciyey qodobadda heshiiska cusub ee dhexmaray maamullada Muqdisho iyo Garoowe.

Somalilandpost News Desk.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories