HomeMaamullada Gobolka Gebiley iyo Degmada Tog-Wajaale oo Jawaabo Is-khilaafsan ka bixiyey Dhul...

Maamullada Gobolka Gebiley iyo Degmada Tog-Wajaale oo Jawaabo Is-khilaafsan ka bixiyey Dhul Cusbitaal loo Dhagax-dhigay oo Ganacsade lagu Wareejiyey

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Tog-wajaale (SLpost)- Maamullada Gobolka Gabiley iyo Degmada Tog-Wajaale, ayaa jawaabo is-khilaafsan ka bixiyey sababta keentay in dhul loo dhagax-dhigay in laga dhiso Cisbitaalkii ugu horreeyey ee ay yeelato Wajaale lagu wareejiyo Ninka Ganacsade ah oo ay dadka Degmada ku dhaqani ku eedeeyeen Maamulka Wajaale inay ka iibiyeen.
Qaar ka mid Bulshada ku dhaqan magaalada Tog-Wajaale oo ka tirsan gobolka Gabiley, ayaa Maamulka Degmadaas ku eedeeyey inay dhul loogu talo-galay in Cisbitaal laga dhiso ku wareejiyeen Nin Ganacsade ah, kaasoo ay dhawaan Masuuliyiin Xukuumadda iyo Baarlamaanka ka tirsani soo dhagax-dhigeen, hese-yeeshee ay dadku siday dhismaha Cusbitaalkaas u filayeen ku war-heleen iyada oo lagu wareejinayo Nin Ganacsade ah.
2daMustafe Sheekh Abubbakar Xuseen waxa uu ka mid yahay dadweynaha reer Tog-Wajaale, waxaanu Weriye ka tirsan Wargeyska HIMILO uga warramay goobtaas oo uu sheegay inuu goob-joog u ahaa markii ay Maamulka Degmada Wajaale ku wareejinayeen, isla markaana u cabbirayeen Ninka Ganacsadaha ah ee uu sheegay in dhulkaas Cusbitaalka loo dhagax-dhigay lagu wareejiyey.
“Sidaannu arrinka dhismaha Cusbitaalkaas u filaynay, ayaa dorraad lagu war-helaydhulkii oo nin Ganacsade ah lagu wareejinayo, anigu dadkii tegay baan ahaa iyadoo maamulka iyo shaqaalihiisu ay ku wareejinayaan Nin Ganacsade ah oo uu ninkaasina meesha taagan yahay. Maayerka Degmada Tog-Wajaale ayaana nin Ganacsade ah meesha ku wareejinayey.” Mustafe Sheekh Abubbakar Xuseen.
Sidoo kale, Mawliid Aadan Muummin oo ah Wiilka uu Aabbihii dhulkaas bixiyey si looga dhiso Cusbitaal oo isagoo jooga khadka taleefanka ugu warramay Weriye ka tirsan Wargeyska Himilo, ayaa sheegay in loogu yeedhay goobtaas oo la mitirinayo oo nin Ganacsade ah lagu wareejinayo, hase-yeeshee aanay aqbalaynin in loo isticmaalo sifihii ay u bixiyeen wax ka duwan.
Mawliid Aadan Muummin oo ka warramaya arrintaas waxa uu yidhi; “Dhulka waxaannu u bixinnay in Cusbitaal laga dhiso, dabadeedna meeshii oo la calaamadinayo oo Nin Ganacsade ah lagu wareejinayo ayay qolo annaga ahi Taleefan ii soo dirtay oo ay yidhaahdeen bal meesha kaalay, markaan imina waxay igu yidhaahdeen Ninkaas Ganacsadaha ah baannu ku wareejinaynaa. Markaa, annagu waxaannu nidhi haddii aan Cusbitaal laga dhisayn waxaannu u aragnaa inay dawladdu ka maarantay. Annaguna ma aqbalayno arrinkaas wixii aannu u bixinnay dhulkaas haddaan laga dhigaynin.”
Guddoomiyaha Degmada Tog-Wajaale Xaashi Cabdi, ayaa isagu arrinkaas beeniyey, waxaanu yidhi; “Idinkaa caddaynaya Dhakhtarka aannu iibinnay, idinkagana hadhi mayno Dhakhatarkaad iibiseen baad aayar-iska leedihiine, haddaannu iibinnayna annaga dembigeeda hannalagu qaado, haddaannaan iibin-na idinkaa caddayn doona.”
Guddoomiyaha gobolka Gabiley Yuusuf Ibraahin Geeddi, ayaa Wargeyska Himilo u sheegay inay ka aag-beddesheen Dhulkii hore ee la-dhagax-dhigay si Cisbitaalkaas looga dhiso, ka dib markii uu dhulkaasi ku yaraaday Cusbitaalka la doonayo in laga dhiso Wajaale. “Beer kale ayaannu helnay oo ballaadhan, oo aannu doonayno in Waadhadhka lagu kordhiyo, waayo halkan (Dhulka hore) afar Waadh buu noqonayaa.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha gobolka Gabiley, oo sheegay inaanu dhulka Ganacsada lagu wareejiyey waxba kala socon, kana jawaabaynin su’aal laga weydiiyey.
Dhulkaas oo uu bixiyey Muwaaddin reer Somaliland ah oo lagu magacaabo Aadan Muummin, ayaa Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Saleebaan Axmed Ciise (Xagla-toosiye) oo ay weheliyeen saddex Wasiir oo kale iyo Xildhibaanno ka tirsan Golaha Baarlamaanku dhagax-dhigay kawda bishii siddeedaad ee sannadkii tegay ee 2013.
Degmada Tog-Wajaale oo ah Magaalo Ganacsi oo isku xidha Somaliland iyo Itoobiya, isla markaana uu maro xadka u dhexeeya labada dal, ayaan lahayn wax Cusbitaal ah. Waxaanu haddii lagu guulaysto dhismaha Cusbitaalka Wasiirka Caafimaadku Dhagax-dhigay sannadkii hore waxa uu noqon doonaa Cusbitaalkii ugu horreeyey ee noociisa ah ee ay yeelato degmada Tog-Wajaale.
XIGASHO: Himilo

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories